Cunnooyinka diyaarsan iyo kuwa fudud ee aan ku wehsanno, amaba si aan reer magaalnimo umuujinno aan aad ugu laalaabanno waa sun aan gacanteenna ku cabeyno, lacagteenana ku soo iibsaneyno iyadoon cidi na qasbin.
a.
Xanuunka
Macaanka (sokorow) nooca 2aad
b.
Cayilka
ama miisaanka badan
c.
Caloosha
oo adkaato (calool fadhi), constipation
d.
Kolistarool
e.
Dhiig
kar
f.
Xanuunnada
wadnaha iyo maskaxda ku dhaca (sida; xididdada wadnaha/maskaxda oo xirma)
g.
Insulin
ta dhiigga la socota inuu jirka iska caabiyo (insulin resistance)
h.
Xanuunno
maskaxda la xariira sida; niyad jabka iyo madax xanuun joogta ah
i.
Xanuunnada
ilkaha iyo afka ku dhaca sida, suuska iwm
Intaas waa uun tusaale yar oo ka mid
ah dhibaatooyin tira-beel ah oo laga dhaxlo cuntooyinka fudud ee sida joogtada
ah loo isticmaalo. Qofkasta oo inaga mid ahne waaya aragnimadiisa ayaa ku filan
inuu hareerihiisa eego, isla markaana qiimeeyo sida uu unoolyahay isaga,
qoyskiisa iyo deriskiisa iyo xiriirka uu hab-nololeedkooda la leeyahay
caafimaadkooga.
1.
Qofka
keligii nool islamarkaana shaqeeya (waqti uma helayo cunto Karin, lacagne wuu
heystaa)
2.
Labada
qof ee isqaba oo shaqo wada aadaya (waxaa yaraanaya jaaniska ay cunto ku
karsadaan lacagne way heystaan)
3.
Xayeysiisyada
waalida ah ee sida joogtada ah loogu sameeyo goobaha diyaariya cunnooyinka
fudfudud
4.
Aqoon
darri la xariirta waxyeelada ay leedahay cuntooyinka fudud
5.
In dadka
qaar aaminsanyihiin reer magaalnimaduba inay tahay hadba intaad kaga badantahay
kuwa kale maqaaxiyaha ama goobaha lagu caweeyo amaba cunnooyinka fudud lagu
diyaariyo.
6. In cuntooyinka caafimaadka leh badanaa u baahanyihiin diyaarin iyo Karin, dad badane ay ka caajisayaan ama ka faanayaan iyo kuwo kale oo badan.
3 comments:
Mahadsanid Dre.
Sidoo kale waxaan jeclaa lahaa in aa wax kasoo
Dhahdo sunta maalmahan social media laga xayeesiiyo
Ee dhahaan waxay caawisaa sariirta.
Mahadsanid markale
Said Mohamed Said, waan ku salaamayaa marka hore. Inshaa allaah waan ku dadaalayaa inaan macluumaad kasoo uruuriyo.
mahadsanid Ustad Insi
Post a Comment