Tan ugu daran waa in arday badani caadadan dhafarka ah ku dhaqaaqaan si gaar ah xilliyada imtixaannada, waana bartilmaameedka qoraalkeyga maanta aan xoogga ku saari doono dhibaatada ardaydaas ka dhaxli karaan dhafarkaas faraha badan, taasoo ugu dambeyn keeneyso iney waxbarashadi ku adkaato.
Randy Garder oo ahaa arday 17 jir Ameerikaan ah oo dhiganayay Point Loma High School ayaa dabayaaqadi 1963 waxa uu ku fikiray inuu naftiisa ku sameeyo tijaabo ah inta ugu badan ee uu soo jeedi karo bani aadamka isagoon isticmaalin waxyaabaha hurdada la isaga celiyo, tijaabadaas waxaa ku wehlinayay oo isbedellada ku ku dhacayo dusha kala socday laba ka mid ah saaxiibadiisa (Bruce McAllister iyo Joe Marciano Jr.), waxa uuna bilaabay Diseembar 1963 ilaa Janaayo 1964, isagoo soo jeeday 11 maalmood iyo 24 daqiiqo (264.4 saacadood). Sidaas ayuuna ku jebiyay rikoorkii uyiilay waqtiga ugu dheer ee uu bani aadam soo jeedi karo oo uu horay u heystay Tom Rounds oo ahaa 260 saacadood oo xariir ah.
Tijaabadaas inta ay socotay waxa ay soo jiidatay islamarkaana ka qeyb qaatay diiwaangelinta isbeddellada jireed ee ku imaanayo Gardner, Dr. William C. Dement oo ahaa cilmi-baare hurdada. Waxyaabihi ugu weynaa ee Gardner lagu arkay waxaa ka mid ah: isbeddel xooggan oo dhanka dabciga ah, garaadka ama fahamka, tabaryari, culeys dhanka xasuusta dhaw ah, calwasaad iyo isla weyni. Maalinti 11aad ne waxaa loo dhiibay inuu lambar 7 ka jaro 100 oo uu si joogto ah hoos ugu sii wado, waxa uuna gaarsiiyay ilaa 65 kaddibne wuu aamusay, marki la weydiiyay sababta uu u aamusayne waxa uu ku jawaabay inuu halmaamay waxa uu sameynayay.
Tijaabadaas kaddib waxaa dunida soo
ifbaxay cilmi-baariyo badan oo hurdada lagu sameeyay.
Susan Redline oo ah borofeesarad caafimaadka hurdada ka dhigta jaamacadda Hardvard ayaa baaris ay sameysay ku sheegtay xiriirka ka dhexeeya hurda yarida iyo xanuunno maskaxda ku dhaca sida; welwelka iyo niyad jabka. Haddii ay dheeraato dhafarka ama uu qofku caado ka dhigto waxa ay saameyn ku yeelaneysaa cadaadiska dhiigga iyo heerka unugyada inflammatory cells loo yaqaan, natiijada taas ka dhalaneysane waa in qofkaas unuglaado xanuunnada wadnaha iyo kansarka. Sidoo kale waxaa hurdo yarida lala xariiriyay xanuunnada macaanka ama sokorowga, miisaanka sarreeya iyo xididdada maskaxda oo waxyeello soo gaarto.
Dhibaatooyinka degdegga ah waxaa ka mid ah; habeenkaas dhafarka ah kaddib qofka inuu subaxa dambe galo firfircooni waqti kooban ah, waayo waxaa si weyn loo kicinayaa marinno loo yaqaan Mesolimbic oo gudbiya maaddo lagu magacaabo Dopamine. Sare ukacaas Dopamine ka waxa uu keenayaa in qofka uu dareemo firfircooni, farxad iyo dhiirranaan. Waxaa laga yaabaa inaad is dhahdid haddiiba Dopamine intaas laga helayo way fiicantahay, balse sidaas ma ahan. Sare ukaca Dopamine waxa uu keenayaa in qofku qabatimo (addiction), iyo inuu yeesho dabci is rogrogaya (xanaaq, farxad, dulqaad yari iwm), tan ugu sii daran waa in maskaxdeena qeybta ka masuulka ah qorsheynta iyo qiimeynta go’aannada aan qaadaneyno ay shaqada joojineyso markii dhafar yimaado. Taasi waxa ay ka dhigantahay in go’aan qaadashada qofkaas dhafray aanu la socon ka fiirsasho iyo hubin ee waxaa ka saadcaleynaya farxad iyo niyad wanaag aan sax aheyn, halkaasne waxaa ka imaanaya go’aanno khatarhoodu badanyihiin. Cilmi-baarayaasha qaar waxa ay sii raaciyeen in kicinti badneyd ee Misolombic pathway lagu sameeyay ay keeneyso dhaawac maskaxda ah oo joogta ah (permanent brain damage).
Maxaan uhurudnaa?
Hurdadu waxa ay maskaxdeena u oggolaataa inay dib isu habeyso ama is cusbooneysiiso; inta aan hurdeyno maskaxdeena waxa ay ka takhalustaa waxyaabaha sunta ah ama dhibaya oo ka dhasha shaqada ay qabaneyso, inta aan hurdeyno unugyada maskaxda way kala nafisaan ama kala fidsamaan 60%, taasoo fududeneyso inay bannaanka usaarto sunti ku uruursaneyd dhexdeeda. Marka ay hurdadu nagu yaraato ama aan dhafarka badsanno maskaxdeenu ma awooddo inay si sax ah ugudato shaqadaas, haddii dhafarku dheeraadane suntaas waxa ay keeneysaa dhaawac inuu soo gaaro maskaxdeena.
Intaas kaliya ma ahane cilmi-baaris 2017 soo baxday waxaa lagu sheegay in hurda yaridu ay keento in unugyada loo yaqaan astrocytes ay isticmaalaan qaar ka mid ah meelaha ay dareemayaashu ku kulmaan (synapses), taasoo micnaheedu yahay in maskaxdeenu iyada is cuneyso. Sidoo kale cilmi-baaris taa ka sii horreysay oo soo baxday 1997, waxaa lagu sheegay in hurda yaridu ay keento kor ukaca heerka hormuunka loo yaqaan Cortisol ee dhiiggeena (hormuunka welwelka/stress ka).
Ugu dambeyn waxaan ardayda iyo da’yarta kale ee dhafarka badan sameeya kula dardaarmayaa in celcelis ahaan 24ki saac ugu yaraan looga baahanyahay inay hurdaan ku dhawaad 8 saacadood, shardi ma ahan inay 8 saacadood noqoto balse waa ku dhawaad, weliba waa inay habeenki waqtiga hore saacado ka mid ah ku jiraan, ma ahan sida dadka qaar ay u maleeyaan in habeenki uu dhafro dabadeed maalinti uu seexdo, taasi waxba ma soo kordhineyso oo dhafarki wax ma dhaanto.