Macalin jaamacad wax ka dhigayay muddo dheer ayaa howlgab ka noqday shaqada jaamacadda, waxa uu caadeystay in muddo kaddib ba uu ku casuumo gurigiisa hal dufcad oo ka mid ah ardaydiisi jaamacadda kaddib marka ay waxbarashada dhammeeyaan sanado badan kaddib, oo ay guulo waaweyn ka gaareen noloshooda, qaarkoodne ay xilal sare qabteen ama ay degenaasho fiican gaareen. Salaan is bariidin iyo ismarxabbeyn kaddib qof kasta oo ardaydiisi ka mid ah waxa uu bilaabay inuu ka cawdo cadaadiska shaqada iyo nolosha oo ku keenay welwel iyo walbahaar.
Macalinki ayaa bannaanka usoo yara baxay, dabadeed
waxa uu soo laabtay isagoo sida jalamad weyn oo qaxwo ah, iyo koobab nooc kasta
iyo midab kasta isugu jira:
-
Koobab
dhalo ah,
-
Kuwo
dhoob ah,
-
Kuwaa
caag ah, iyo
-
Kuwa
qaali ah oo ka sameysan crystal.
Koobabka qaar aad bay u qurxanaayeen midab ahaan
iyo qaab sameysan ahaanba oo way ka muuqatay inay qaali ahaayeen, halka kuwa
kale ay ahaayeen kuwa laga heli karo guryaha dadka saboolka ah.
Macalinkii ayaa ardaydiisi ku dhahay: soo dhawaada,
qofkastane koob qaxwo ah ha soo shubto, marki qofkasta uu koobkiisi qaxwada
ahaa soo qaatay ayuu macalinki markale dhahay: ma dareenteen koobabka
qurxan keliya inaad doorateen? Oo aad ka fogaateen koobabka
caadiga ah? Waa caadi in qof kasta oo idinka mid ahi uu u hanqal taago
wixi fiican, tani waa waxa idinku keenaya welwelka iyo walaahowga. Waxa aad
dhab ahaan ugu baahneydeen waxa uu ahaa qaxwada ee ma aheyn koobka, balse
waxaad lasoo wada boodeen koobabka qaaliga ah, dabadeed waxaan arkay in mid
kasta oo idin ka mid ahi uu sheedda kala socday koobka uu heysto kan kale.
Haddii noloshu ahaan laheyd qaxwada; shaqada, maalka iyo meeqaamka bulshada aad
ku leedihiine waa koobabka, oo waa uun alaab ama maacuun gudaheeda ay ku jirto
nolosha. Nooca noloshuna (qaxwada) isma beddeline waa sideedi.
Marka aan xoogga saarno keliya koobabka waxaan
lumineynaa fursadda inaan ku raaxeysanno qaxwada, sidaa awgeed waxaan idinkula
talinayaa inaadan muhiimmadda siinin koobabka ee taa beddelkeeda ku raaxeysta
qaxwada.
Inaad eegtid dadka kale waxa ay heystaan waxa uu
kaa luminayaa inaad ku raaxeysatid waxa aad heysatid. Haddii aad aragtid qof
heysta waxa aad heysatid wax ka qurxan ama ka fiican laga yaabee in loogu
beddelay wax laga hoojiyay (uusan heysan), illeyn guryahu waa sir duugan,
dadkuna waa sanaadiiq qufulan.
Mushkiladda dadka casrigan nool waa in halbeegga
wax la’aanta ay uyaqaanaan hanti/maal la’aan, ciddi maal heysatane nasiib
badantahay, ciddaan heysanne la hoojiyay. Waa sax maalku waa waxa kala
socodsiinaya ama dhaqaajinaya taayarka nolosha, balse ma ahan noloshi lafteedi,
waxa uu kuu oggolaanayaa inaad nolol xasilan oo buuq la’aan ah aad ku
noolaatid, balse keligii kuma filna inuu kaa dhigo mid ku nool waxa ugu quruxda
badan nolosha, taasi lama iibsan karo, maalkuna agteeda sabool ayuu ka
noqonayaa.
o Lamaane naxariis badan oo ku jecel,
o Saaxiibbo daacad ah,
o Carruur caafimaad qabta, baarriyaal ah oo caqlina
badan,
o Duco waalid (hooyo) oo aroorti ku soo gaarta,
o Xabbad kibis (muufo) ah oo xalaal kuu ah,
o Guri ku astura oo aad jaceyl ku heysatid.
Noloshu waa taas, lacagne laguma iibsan karo.
Waxaan aad u daneynaa wadiiqada waxaana dayacnaa yoolka,
sidaa waa dabciga aadanaha waqtigan aynu joogno, waxa ay daneeyaan:
֍ Barkinta in kabadan inta ay daneeyaan hurdada
lafteeda,
֍ Isbitaallada in kabadan caafimaadka,
֍ Dugsiyada in kabadan waxbarashada,
֍ Wax isgaarsiinta in kabadan is xariirinta.
2 comments:
Mahadsanid Dr. Insi, waxaan ka kororsanay xikmad weyn.
Adigaa mudan walaal
Post a Comment