Sunday, 30 October 2016

SIRTA AANEY KUU SHEEGI DOONIN ISBITAALLADA

Qeybta 2aad:

6. Kalkaaliyaasha waa la cadaadiyaa:
Isbitaalada inta badan waxay ku qasbaan kalkaaliyaasha inay u shaqeeyaan bukaanno ka badan inta ay awoodaan, haddana iyadoo ay sidaa tahay ayaa diraasado la sameeyay waxa ay muujiyeen in marka kalkaaliyuhu masuul ka yahay tiro yar oo bukaanno ay ka dhalato natiijo fiican oo wax ku ool ah. Cilmi-baare Linda Aiken oo ka tirsan jaamacadda Pennsylvania waxay ogaatay in markasta oo kalkaaliyaha dusha loo saaro hal bukaan oo ka dheeri ah inta loogu talagalay ay sare u kaceyso 7% in inta dheeriga ay u dhawaadaan dhimasho.

7. Maamulayaashu waa jeeb weyn:
Maamulayaasha sarsare ee isbitaalada,  tusaale ahaan dalka mareykanka waxay qaataan kharash fara badan. Madaxda maamullada sare CEO loo yaqaan waxa ay sanadki uruursadaan sanadki adduun lacageed oo udhexeeya $400,000 ilaa $500,000, lacagahaasi kuma jiraan gunnooyinka iyo faa'iidoyinaka dheeriga ah.

8. Dhakhaatiirtu way daalanyihiin:
Haddii aad gudaha usii gashid habka shaqada dhakhaatiirta waxaad arkeysaa in dhakhaatiirta sarsare ee masuulka ka ah qeybaha ay ku qasbaan kuwa ka hooseeya inay shaqeeyaan waqtiyo dheeri ah ama qalliinka galaan muddo dheer, iyadoon isbedel ku imaan lacagaha ama gunnooyinka ay qaataan.

9. Adigoon ogeyn ayaa laguugu soo dallici karaa lacag dheeri ah:

Xataa haddii aad dooratay isbitaalka iyo dhakhtarka ku qali lahaa ama ku daweyn lahaa, ma jirto damaanad qaad in cid aan isaga aheyn ku daweynin. Waxaa dhici karta in howsha baxnaanintaada ay ka qeyb qaataan raajiiste (radiologist), suuxiye (anesthesiologist), Pathologist iyo xataa caawiyaasha dhakhtarka, dabadeedne - waa yaab! - laguugu soo dallaco lacag ka sareysa inti hore.

10. Weydii haddi lagu seexinayo:

Waxaa laga yaabaa inaad habeen dhan isbitaalka joogtid, balse si rasmi ah aan laguugu sheegin in lagu seexinayo, taa bedelkeeda isbitaalka, waxaa laga yaabaa inay kugu yiraahdaan: dusha ayaa lagaala soconayaa muddo ee halkaa tag. Si aad uga badbaado in waqti badan kharash dheeri ah laguugu soo dallaco weydii inaad jiif tahay iyo inkale.

Xigasho: MICHELLE CROUCH 
RD 

La soco Qeybta 3aad


Friday, 28 October 2016

SIRTA AANEY KUU SHEEGI DOONIN ISBITAALLADA

Qeybta 1aad:
1. Dooro isbitaal tababar bixiyo (teaching Hospital):
Marka laga hadlayo adeegyada caafimaadka sida qalliimada culus waxaa aad u sareeya adeeg ahaan iyo tayo ahaan isbitaallada lagu tababaro dhakhaatiirta, kuwaas oo safka hore kaga jira cilmi baarista caafimaadka. Ardayda baraneysa caafimaadka iyo dhakhaatiirta heerarka sare ee tababarrada maraya waxa ay si taxaddar leh u weydiiyaan bukaannada su'aalo ama wareystaan, taasoo keeneysa in isbedellada bukaanka xaaladdiisa ku imaanayo ilgooni ah lagu hayo, kana hortageyso inay dhacaan khaladaad. Isbitaallada tababarrada bixiya waxaa aad ugu yar dhibaatooyinka bukaanka uu ka qaado daryeel la'aanta, islamarkaana waxay leeyihiin natiijo ka wanaagsan kuwa kale.

2. Il gooni ah ku haay qeybta gargaarka degdegga ah:
Qaar ka mid ah isbitaallada, qeybta gargaarka degdegga ah malahan adeegyo fiican ama tayo leh, tiiyoo ay u dheertahay inay soo dallacaan kharash fara badan. Qeybahaas waxaad aadaa marki aad yara dareento xaalad aan cusleyn, balse xanuunada waaweyn waxaad raadisaa qeybaha leh trauma center, halkaas waxaa inta badan laga helaa isbishaalisteyaal.

3. Dhowr nadaafadda:
Jeermisku waxa uu ku noolyahay meel kasta, waana uu safri karaa. Xataa haddii dhakhtarkaadu gamcaha soo meydho waxaa laga yaabaa shaatiga cad ee uu gashanyahay darfihiisa inuu ku sido jeermis ka yimid qol kale oo uu bukaan jiifo. Sidaa awgeed dalbo inaad isticmaashid dareeraha jeermis dilka ama aalkolo, adigoo marinaya calaacalaha iyo cidiyaha hoostooda, albaabada meelaha laga qabto, musqulaha halka laga falaasho iwm. Gamcahaagana meydh ka hor cunta cunista ama diyaarinta.

4. Ku soo biir wadahadalka:
Kalkaaliyaha ka codso in bukaanka agtiisa uu idinku siiyo macluumaadka aad u baahantihiin ama la xariira bukaanka xaaladiisa, tani waxa ay ka fiicantahay inuu macluumaadka kugu siiyo miiska kalkaaliyaashi fariistaan, waxayna idinka caawineysaa inaad wada saxdaan wixi ka khaldan warbixinta la bixinayo.

5. Ha mashquulin kalkaaliyaha:
Diraasad la sameeyay ayaa tilmaantay in markasta oo ay badantahay mashquulinta kalkaaliyaha xilliga uu diyaarinayo dawada ay badantahay inuu khalad dhaco. (Halki mar waxa ay khatartu kor u kaceysaa 12%).

Xigasho: MICHELLE CROUCH (Readers digest)

La Soco Qeybta 2aad

Thursday, 20 October 2016

Furayaasha Sirta Barbaarinta

Qeybta 4aad:

Marki la isku soo wada xooriyoo qaababkan ardayda waxa ay ku keeneysaa iyagoo heerar hoose marayaan inay u kale miirmaan ama ugu leexdaan takhasusyada ay berito baran lahaayeen, oo baaritaanno dheeri ah sameyn kara xilliyada fasaxa, teeda kale habki hore ee ardaygu martida ka ahaa waxtarkiisu wuu liitay, ardaygane waxaa saarnaa cadaadis weyn oo dhanka maskaxda ah, oo laga yaabo isagoon fahamsaneyn ujeedada laga leeyahay iyo waxa laga doonayo inuu isku dhibo inuu ama xifdiyo ama siyaabo kale adeegsado.
Marxaladda maanta dalku marayo markaan eegno waxbadan in laga qabtaa nidaamkan jahawareersan way adagtahay, dugsiyada waxbarashadane qiyaas ahaan 100% ayaan dhihi karaa waa kuwo gaar loo leeyahay, haddane sidaa oo ay tahay waxaan u hayaa talo haddii si fiican loogu fiirsado iyagane qiime weyn unoqoneyso ubadkeenane waxtareysa.
Talada aan u hayo marka hore inay ilaah uga baqaan carruurtaas oo ay masuuliyaddooda waxbarida gutaan, isdabamarinta iyo qishka ay sameynayaan iyagoo fiirsanaya shilimaad yarne iska joojiyaan. Marka xigta inay tijaabiyaan nidaamyadan aan kor ku soo xusay ama baariaan ka sameeyaan, dabadeedne qaabka barbaarinta ay maanta wadaan wax ka duwan na tusaan, iyaga dhexdoodana ku tartamaan. Shardi ma ahan inay waxkasto isku dayaan bilowgii, balse waxay sameyn karaan dugsi kastaahi sanad dugsiyeedkan hal qodob ha tijaabiyo, sanadka xigane natiijada ha soo uruuriyaan, dabadeedne iyaga dhexdooda hakala faa’iideystaan, oo qola kasta caqabadaha ay la kulantay kuwa kale ha u sheegto si wadada usoo gaabato, haddii intaa la helo waxaa hubanti ah in wax weyn isbedelayaan, waxaadna ogaataan dalka maanta waxa wax qaban karo waa inta gaar loo leeyahay, haddii rabitaan sax ah laga helo iyaga oo is jiidjiidkane iska daayaan waxay horseedi karaan in manhajka dugsiyada lagu soo celiyo wadadii toosneyd.

Gebagebadi bulshadeenu maskaxda ma beelin, weline waxaa ku jira aqoonyahanki shalay dalka hoggaamin jiray, waxaa kaloo ku soo kordhay aqoonyahan dhiig cusub wata oo qaarkood ku soo noolaaday ama wax kusoo bartay dadyow islaameed dhexdood, maskaxdaas dalkeenu leeyahay waxaan rajeynayaa inay dhaqaaqdo, oo aaney aamusnaan sida hadda socota, si aan u badbaadino hambadi ka hartay jiilka sii lumaya ee aan is ogeyn inuu lunsanyahay.

                                                                                                                                     Dhammaad

Wednesday, 12 October 2016

Furayaasha Sirta Barbaarinta

Qeybta 3aad:
Dhanka macalinka waxaa laga doonayaa inuu hoggaamiye u noqdo ardayda, tababaro isla markaana xalka keeno isagoo ardayga u diyaarinayo hal-abuurnimo. Macalinka waxaa laga doonayaa inuu ardayga meelaha uu u janjeero rabitaankiisa ogaado, soona saaro  waxa uu ku fiicanyahay ama kalsoonidiisa ku jirto. Iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah, macalinku waqti badan kuma qaadanayo cashar bixin, waxa uuse waqtiga ugu badan ku bixinayaa tababarka si gooni gooni ah iyo si wadar ahba, isagoo mar walba u sameynayo wax tartan gelinaya ama (challenge) cusub.
Macalinka waxa uu ardayga barayaa inuu isagu wax sameeyo iyadoo ay kormeerayaan dad khubaro ku ah qeybtaas lagu tababarayo ardayga. Waxa ay xaadirayaan koorsooyin tababar iyo shirar lagaga hadlayo arrinta ay ku tababaranayaan, iyagoo talooyin la wadaagayo macalimiintooda si toos ah ama internetka.
Dhanka dugsiga waxaa laga doonayaa inuusan kaalintiisa ku ekaan 45 daqiiqo ee ardayda xisada qaadanayaan ee waa inay sameeyo waqtiyo dheeri ah oo ardaydu howlo ama (activities) ku qabsan karaan dugsiga, xilliyda fasaxa waa inaan la xirin dugsiga, loona adeegsadaa tababarrada xirfadaha horumarinta aadanaha, isdhexgalka waalidiinta, macalimiinta iyo ardayda. Sidoo kale macalimiinta dugsiyada hoose dhigaya waa inay ardayda la sii joogaan labo ilaa seddex sano, si macalinku waxbadan uga barto ardayga, taasoo keeneysa in ardayga waxa uu ku fiicanyahay lagu sii jaheeyo.
Sidoo kale kharashyada ku baxa maamulka dugsiga waa in qeyb badan loo leexiyo barnaamijyada kobcinta, tababaridda iyo horumarinta ardayda khuseeya ee aan kor ku soo xusnay. Hab-dhismeedka dugsiayada waa inuu gacan ka geysanayo qaab caawinaya ardayga iyo macalinka inay si wada jir ah u qabtaan howlo ka baxsan tan waxbarashada sida: in loo adeegsado goob bixiso adeegyada bulshada u baahantahay, talooyin la siinayo reeraha iyo fasallo lagu qaato habka barbaarinta carruurta iwm.
Dhanka waalidka waa macalinka ugu weyn ee ardayga waxbara, sidaa daraadeed waxaa qasab ah inay jirto iska warqab iyo wada shaqeyn dhexmarta macalimiinta iyo waalidka, isla markaana uu jiro guddi waalidka ka socda oo ka qeyb qaata go’aannada iskuulka lagu horumarinayo. Sidoo kale waalidku waa inuu wax ka fahamsanyahay ujeeddooyinka iskuulka, qaabka ay macalimiintu ugu raja weynyihiin arday kasta iyo inuu ka caawiyo  waajibaadka guriga inta uu joogo.

Dhanka bulshada iyo degaanka uu dugsigu ku yaal: bulshada degen degaanka dugsiga waa inay ka qeyb qaataan horumarinta dugsiga, waxayna isugu jiri karaan ganacsato, aqoonyahanno, masuuliyiin dawladeed, ururrada bulsha iwm. Wada shaqeyntaas waxa ay keeneysaa in ardayga iyo macalinka waxa ay qabanayaan qeybo ka mid ah ku sameeyaan meel ka baxsan dugsiga oo degaanku leeyahay, natiijada ka soo baxdane bulshada loo soo bandhigo, mararka qaar haddii loo baahdo bulshada qeyb ka mid ah inay ardayda siiyaan casharro xirfadooda la xariirta, kuna soo tababartaan goobahooda shaqo, baritone shaqo laga siin karo haddii loo arko inay sare u qaadeyso xirfadiisa.

La Soco Qeybta 4aad

Wednesday, 5 October 2016

Furayaasha Sirta Barbaarinta

Qeybta 2aad:

Iminka waxaan rabaa inaan gunta u galo dhowr qodobo aan u arkay inay gacan ka geysaneyso dhisidda jiil wacyi aqooneed leh oo dalku beri yeesho, waxa ayna xoogga saareysaa qaabka xariirka ardayga, waxa uu baranayo, macalinka, dugsiga, waalidka iyo degaanka uu ku yaal dugsiga, waxaana ka bilaabayaa qeybta khuseysa ardayga.
Casharrada uu qaadanayo ardayga waa inaaney ku koobnaan qaabki qadiimiga ahaa ee ardayga fasalka intuu fariisto dabadeedne uu qaato cashar 45 daqiiqo macalinka uun hoggaaminayo, ee waa inay casharradu noqdaan mararka qaar buugga tixraaca wax ka sarreeya. Tusaale ahaan maaddooyinka qaar sida sayniska; ardayda waxaa la siinayaa mowduuc, dabadeedne muddo ayaa loo qabanayaa, waxa ay ka soo sameynayaan baaris, tijaabooyin toos ah iyo doodo, gunaanadkine waxa ay ka diyaarinayaan qoraal diyaarsan, dabadeed waxaa loo ballaminayaa dad ku takhasusay waxa ay tijaabada ku sameeyeen (tusaale: Kimistariga), waxa ayna yeelanayaan dood furan oo waxa ay sameeyeen ku saabsan, si aqoonta ay soo heleen iyadoo cilmiyeysan maskaxdooda ugu dhagto.
Kuma eka maaddooyinka sayniska ah ee maaddo kasta meeshi looga baahdo ayaa qaabkan lagu sameyn karaa, tusaale kale; maaddada taariikhda: ardaydu waxa ay soo uruurinayaan taariikhda magaalada ay ku noolyihiin ama shakhsiyaad caan ah oo aan manhajka ku jirin, dabadeedne iyagoo isticmaalaya internet, buugaag ama wareysiyo toos ah oo ay la yeeshaan dadka aqoonta u leh, waxa ay ugu dambeynti ka sameynayaan qoraal diyaarsan.
Waxaa kaloo hababkan casriga ah ka mid ah in la sameeyo koox ka kooban macalimiin tababarayaal ah oo ardayda barayo habka wada-shaqeynta, xallinta khilaafaadka, maareynta isu imaatinnada iwm, dabadeedne koox kastaahi la siinayo waajib ay soo xallineyso. Nidaamyada la adeegsan karo oo ardayda la barayo marka hore waxaa ka mid ah: the six hats ama lixda koofiyadood waxa loo yaqaan, iyadoo koox kastaahi ka koobnaaneyso ugu yaraa shan ugu badnaane toban, dabadeedne qof kastaahi uu matalayo kaalin muhiim ah. Nidaamkan marka ay fahmaan ayay ku shaqeynayaan, waxayna faa’iidada tababarkan ardayga u suura galineysaa inuu u adeegsado xaafadiisa, reerkiisa iyo asaxaabtiisa haddii uu la kulmo arrin u baahan xallin, taasoo ka dhigeysa inuu waddanka helo jiil si cilmiyeysan wax u xallin kara waxna hoggaamin kara.

Waalidka carruurtan dhalay iyo dadka masuulka ka ah waxa ay u suuragelineysaa inay qiimeyn ku sameeyaan  ardayda, iyagoo baaraya meelaha uu ku xoogganyahay arday kasta iyo halka uu ku liito. Waalidiinta, macalimiinta iyo ardaydaba waxa ay si hoose u qiyaasi karayaan ardayga iyo horumarka uu sameynayo maalinba maalinta ka dambeysa iyo inaanu ku dhicin khaladaadki ay horay ugu dhaceen, islamarkaana sare u qaado heerka iskoorkiisa marba marka ka dambeysa. Waxaa jirta in berigii hore ardayga meelaha uu ku liito la oran jiray xoogga ha saaro, balse habkaas inuu khaldanaa ayaa la xaqiijiyay, meelaha uu ku fiicanyahay inuu sii xoojiyo, meelaha uu ku liitane yara kabo, habkaas ayaa iminka aad loo daneeyaa. Tusaale ahaan: arday ayaa waxa uu ku fiicanyahay maadada xisaabta, waxa uuse ku liitaa taariikhda, waxaan sameyneynaa inaan koorsooyin dheeri ah ugu dirno oo uu ku baranayo xisaabta, tan taariikhda ahne aan isku dayno inuu yara wanaajiyo ilaa heer baasitaan. Arrintan waxa ay keeneysaa in ardaygaas uu berrito ku soo baxo ama aan loogu geli karin xisaabta, berritane uu ku takhasusayo, haddiise aan xoogga saari laheyn taariikhda waxaa imaan laheyd in heerkii uu xisaabta ka gaari lahaa hoos udhac ku yimaado, taariikhdane uu wax ku soo kordhin waayo. Maaddada aad ku fiicantahay waa tii ku soo saari laheyd ama lagaaga dambeyn lahaa ee waqti dheeri ah geli, tan aad ku liidatane inaad heer macquul ah gaarsiisid isku day, waqti kalese yaaney kaa lumin.

La Soco Qeybta 3aad

Sunday, 2 October 2016

Yaa sareeya IQ Hillary Clinton iyo Donald Trump?

Bogga choice or life  ayaa qoraal uu ka sameeyay madaxweynayaashi mareykanka soo maray iyo heerarkooda IQ, waxa uu raaciyay kuwa u ordaya madaxtinimada mareykanka ee kala matalaya labada xisbi ee dimoqraadiga (Hillary Clinton) iyo jamhuuriga (Donald Trump).

Hillary Clinton:
IQ: 140
waxa ay culuumta siyaasadda kaga baxday Wellesley College. Dabadeedne waxa ay gashay Yale Law School.

Donald Trump: IQ: 120-130

Iyadoo Trump uusan bannaanka soo dhigin IQ giisa, haddane waxaa la ogyahay inuu darajada bajalaarka ka qaatay jaamacadda Pennsylvania isagoo bartay cilmiga dhaqaalaha iyo culuumta aadanaha.

Trump weligiis ma sheegin qoraalladiisi ku saabsanaa darajadi dugsiga sare iyo tii jaamacadda, taasoo micnaheedu yahay inuu ka liito heerka doqonimadiisa halka aan fileyno.

Saturday, 1 October 2016

Furayaasha Sirta Barbaarinta

Qeybta 1aad:
Qormadan waxaan ku jeexjeexi doonaa haddii eebbe laga helo habka loo horumarin karo nidaamka waxbarashada dugsiyada ee dalkeena oo burbursanaa muddo rubac qarni ah, dhaxalka aan ka helnane waxaan horay ugu soo faaqidnay qormadi hore ee Halista Humaagan.
Si loo hagaajiyo nidaamka waxbarasho ee dugsiyada asaasiga ah ilaa sare  waxaa lagamamaarmaan ah in la sameeyo manhaj waxbarasho oo inagu aan leenahay ama ugu yaraan dib loo soo celiyo kii aan laheyn 25 sano ka hor, waxaan taa ula jeedaa manhaahijta waxbarashada waa inay noqdaan mid inaga naga yimid oo aaney aheyn mid dhoof lagu keenay sida kuwa maanta, oo iskuul ama dallad kastaba  sida ay doonto wax usoo qalqalloociso, waxaaba kaaga sii daran waxa ardayda loo dhigayo maanta intooda badan wax cilmi ah oo ay ka baranayaan ma jirto, waayo jacburnimadiisa waxaa usii dheer maaddooyinka loo dhigayo qaarkood buugga laga dhigayo haddaad aragtid khaladaadka ku jira iyo faa’iido darridiisa madaxa ayaa kula xanuunaya, qaarna dalal shisheeye ayay ka hadlayaane dalkeena maba la iska wareysto. Waxaan beryahan aad u dareemayay in heerka aqooneed ee ardayda dugsiyada dhan kastaba ay aad uga liitaan kuwi ka horeeyay 10 sano, nidaam darrida dugsiyada, tayada manaahijta iyo macalimiinta oo liidatane ay tahay sababaha ugu waaweyn ee meeshaas ina dhigay.
Mar haddii aan dooneyno inaan dib usoo saxno khaladki dhacay waxaa qasab noqonayo soo celinta manhajki waxbarashada ee dalku lahaa, haddii la doono luqado kala duwan halagu tarjamo. Manaahijtii dalku lahaa burburka ka hor marki dib loo soo celiyo waxaa lagu sameyn karaan casriyeyn si uu ula jaanqaado isbedellada dunida ku yimid rubac qarnigaas, waxaana meeshaas nooga soo baxayo manhaj awood badan oo jiilkeena soo korayo ka dhigaya kuwa la tartami kara asaagood.
Tallaabada taa barbar soconeyso waxa ay noqoneysaa tababaridda macalimiinta dugsiyada heerarkooda kala duwan, iyadoo la barayo hababka barenimada, la dhaqanka da’da kala duwan ee ardayda iyo xallinta khilaafaadka. Si taa u noqoto mid mira dhasho waxaa jira qodob khatar ah oo aan waayihi hore xoogga la saari jirin, inagane ilaa maanta aanan qiime siinin waana: bareyaasha dugsiyada hoose (fasallada 1-6aad). Macalimiinta dugsiyada hoose dhigaya waa inay ka darajo sareeyaan macalimiinta dhigeysa dugsiyada dhexe iyo sare, tusaale ahaan: macalinka dhigaya dugsi hoose waa inuu ugu yaraan heystaa shahaaddada masterka, isla markaana qaadanayo mushaar ka sareeya kuwa dhexe ama sare. Sababta aan sidaa u leeyahay waxa ay tahay,  waxa uu soo barbaarinayaa jiil dhan oo haddii laga soo khaldo dhismaha hoose aaney saxmi karin weligeed (quraanki alif ka halaaba albaqra kuma saxmo), waxaa kale oo loo baahanyahay in macalinka darajadaas wataa uu heysto shahaaddo tababar ku saabsan qaabka loola dhaqmo  (psychology of under 12 years) ama loo barbaariyo carruurta ka yar 12 sano jir. Dalalka dunida qaar kamid ah way leeyihiin nidaamkan oo kale, weliba qaarkooda (sida Jabbaan) waxaa usii dheer sanadaha hore ee dugsiyada hoose ardayga waxa uu baranayo ma jirto wax la yiraahdo dhicitaan, taas oo micnaheedu yahay waxaa la barayaa qiyam ee weli xisaabtan ma gaarin.

Inkastoo ay adagtahay inaan marqura tallaabadaas ku tallaabsano haddane ood sida ay u kala sareyso ayaa loo kala qaadaa, maalinba tallaabadan awooddeeda leenahay ayaan qaadeynaa, tan manhajka iyo tababarka macalimiinta waan sameyn karnaa haddii daacadi jirto, tallaabooyinka kale ee dadyowga horumaray ay qaadayaan laftirkeeda inta dhaqankeena iyo diinteena ku habboon ayaan sii horumarin karnaa. 

La Soco Qeybta 2aad