Qeybta
6aad uguna dambeysa taxanaheena:-
Si
kastaba ha ahaatee aan qormada isku soo xooriyee, waxaan isleeyahay waxaa ugu
habboon inta gayaan dumar lagu xusho aqoon iyo edeb, quruxduna waa hadba sida
ay indhahaagu ku tusaan, waxaase la heli karin dhaqan wanaagga iyo sifooyinka
soo socda oo gabadhi ka aradan aaney quruxi meel geyn karin, tii lehna ay tahay
boqorad raggu wada raadiyaan, waana kuwan:-
- Daacad ah
- Dhaqan wanaagsan
- Qaddarin badan
- Dareen jaceyl leh
- Daryeel badan
- Ku aaminsan
- Warkaada maqasha
- Adag ama howl kar ah, isla markaana aan isla weyneyn
- Aan carrab dheereyn
- Ereley aheyn
- Tartan ku gelisa adoon filaneyn
- Caqli badan
- Rabitaankeeda kuu sheegan karta
- Curis ama hal-abuur leh, fikrad cusubna keenta
- Nafteeda daryeesha
- Gaari ah
- Aan basariyad ama areebo aheyn
- Dhoola caddeys badan
- Shakhsiyad adag leh
- Isku kalsoon
- Cod dabacsan oo deggen leh
- Mahadcelin badan
- Fakir ahaan madax bannaan
- Dareen ahaan bisil
- Qancis badan
- Sxbtinimo leh
- Deggen oon dagaalley aheyn
- Aan iska dhigin wax aaney aheyn
- Ku qanacsan waxa ay tahay
- Ku dhageysata markaad hadleysid
- Isku dan aad tihiin
- Ku farax gelin karta
FG:
intani waa tusaale yar uun ee intaa kuma eka tilmaamaha wanaagsan.
Dhammaad....
Waxaa
diyaariyay: Dr C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr Insi)
Isbitaalka
Jaamacadda sayniska & Tiknoloojiyada
Sanca
-- Yemen
1 comment:
sc gabaygan aad buu ii cajabiyey inkastoo dhaliisha la saaray gabadha lakin waxa jira gabay asagana lid ku ah oo wiilka asagana jaahil yahay marka waan codsan lahaa inaad soo bandhigto hadii ay suurta gal tahay brother.
Post a Comment