Qeybta 2aad:-
Asaxaabta qiimaha badaney waxaan halkeedi ka sii wadeynaa qormadii xiisaha badneyd ee noo billaabatay todobaadki hore, maantana waxaan ku soo qaadaneynaa 5 sir oo muhiim ah ee ka bogasho wacan.
Sirta 6aad: Cab
shaah rinji ah (bigeys)
Cilmi baarayaal ku sugan magaalada
Tokyo ee dalka Japan waxa ay sheegeen in shaaha madow oo la cabbo kaddib marka
aad qaadato cunto dufankeedu badnayahay uu xoojiyo wareegga dhiigga. Dadka
cabba afar koob ama ka badan oo shaah ah waxaa bar hoos u dhacaya halista wadne
xanuunka, sidoo kale waxaa hoos udhacaya cadaadiska sare ee dhiigga. Cabista
laba jibbaar xaddigan waxaa lala xariiriyay hoos udhaca halista kansarka jirka.
Shaaha cagaaran waxa uu gacan ka geystaa cimri dheeri iyo xoojinta difaaca
jirka.
Sirta 7aad: Cab biyo
Mid ka mid ah hababka ugu fiican
uguna raqiisisan ee ka hortagga gabowga waa cabista biyo fara badan. Wabxinta
jirka waxa uu maqaarkaada ka dhigayaa mid uusan ka muuqan daal, waxa uuna
meesha ka saaraa madax xanuunka iyo dhibaatooyinka dheefshiidka.
Sidoo kale waxa uu kor u qaadaa
fahmada, tamarta iyo gudbinta nafaqada ee jirka, sidoo kale waxa uu wasakhda ka
saaraa hab dhisyada jirka. Sidaa awgeed hubi in jirkaada uusan oomin, adigoo
cabbaya maalinti ilaa sideed galaas oo biyo ah.
Dadka qaar ayaa aaminsan in marka
aad oon dareento uun biyo la cabbo, taasina waa khalad, waayo marka aad
dareentid waa mar jirkaadu aad u qallalay. Isbar inaad cabtid biyaha adigoon
oon dareemin.
Sirta 8aad: Miisaankaada
wax ka qabo
Aalamiitada waxa ay ka mid tahay wax
yaabaha ugu fiican ee sirta muuqaal da’ yar iyo caafimaad wanaagsan.
Aalamiitada waxaa ugu fiican noocyada dhidid kaa keeni kara, garaaca wadnahane
kordhin kara, sida; orodka, socodka, bootinta, baaskiil wadidda iwm, waxaana
sidoo kale iyadana aad sameyn kartaa jir dhiska noocyadiisa kala duwan, balse
faa’iido kuma dhamma orodka. Aalamiito joogto ah waxa ay gacan ka geysaneysaa
sii socoshada in shaqada jirka ay sii ahaato heerki dhalinyaranimada.
Isku day inaad sameysid barnaamij
jimicsi ama aalamiito joogto ah ugu yaraan 3 jeer todobaadki muddo 30 daqiiqo
ah, taasoo hoos udhigeysa in hilib ku fuulo ama xididdada dhiigga uu ku dhex
sameysmo kolistarool, taasoo hor seedeyso cudurrada wadne xanuunka, dhiig karka
iyo kaadi macaanka ama sokoroowga.
Sirta 9aad: Cun
cinab (canab)
Canabka cas waa antioxidants aad u
awood badan, waxa uuna waxtar fiican u leeyahay da’yareynta halbowlayaasha
dhiigga. Sidoo kale waa il laga helo ellagic acid oo ka hortaga kansarka.
Sirta 10aad: Maskaxdaada
jimicsi sii
Bartamaha da’da 20meeyada, shaqada
maskaxda waxa ay billaabeysaa inay hoos udhacdo, inkastoo uusan qofku dareemeyn
ilaa tobaneeyo sano kaddib mooyee. Haddaba tababarrada maskaxdaada aad siisid
si joogto ah sida games ka iyo imtixaannada IQ, waxa uu kaa caawinayaa in
heerka shaqada maskaxdaada ay xoogeysato, sida xasuusta, xawaaraha, xal helidda
iwm. Isku day inaad xallisid xal xeraalayaasha noocyadooda kala duwan qoraal
iyo hadalba, masaa’isha adag ee xisaabta, luqadaha iyo culuumta kala
duwan, kuwaasoo maskaxdaada ka dhigaya
mid si fiican layli uqaadata ama jimicsi fiican u ah.
Dr. Geula, oo diraasad ku sameeyay dad 80 jirro ah oo keenay isla natiijada
ay keeneen dad kale oo 50 jirro ah tijaabo lagu sameynayay oo aheyd neuropsychology,
ayaa helay in kuwa da’doodu weyntahay ay
ku yartahay isku qasnaanta maskaxda, taasoo muujineysa in maskaxdoodu heysato nooc
ka hortag ah oo aaney maskaxda caadiga ah heysan.
La soco qeybta 3aad iyo todobaadka dambe inshaa allaah.
No comments:
Post a Comment