Thursday, 28 June 2012

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Qeybtq 2aad:

Jirka siduu uwaajahaa xanaaqa?

Habdhiska dareenwadka sympathetic waxa uu dhaqaajinayaa qeybaha uu ubaahanyahay jirka xilliga uu dhacayo weerarka carada, halka habka dareenwadka parasympathetic la yiraahdo uu gudanayo kaalintiisa ah inuu howl gab ka dhigo qeybahaas si kmg ah si uu u waajaho carada. Tusaale ahaan:-

·         Waxaa si dhaqsi ah u kacayo cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha iyo neefsiga si loo dedejiyo ugudbinta oksajiinka iyo nafaqada murqaha iyo xubnaha.

·         Waxaa si dhaqsi ah loo soo dhaqaajinayaa tamarti ku keydsaneyd beerka, murqaha iyo unugyada xeydha si loo haqab tiro inta looga baahanyahay gulukooska, dufanka iyo borotiinnada fudud.

·         Waxaa la soo saaraa peptides oo ah habka isgaarsiinta qeybaha kala duwan ee jirka, waxa ayna xubin kasta ku leeyihiin soo dhaweeyayaal (receptors), halkaas oo peptides ka iyo soo dhaweeyayaashooduba ay sameynayaan kimikada dareenka.

·         Dhanka kale waxaa la mamnuucayaa ama shaqadoodu gabaabsi noqoneysaa difaaca jirka si jirka loogu beekhaamiyo tamarta xilliga carada.

·         Waxaa joogsanaya dheefshiididda, mindhicirraduna waxaa la siinayaa amar ah inay faarujiyaan cuntada la shiiday si uu ufududaado miisaanka jirka.

·         Waxaa joogsanaya howlaha ugxameynta (ovulation), kacsiga iyo rabitaanka galmada.
·         Waxaa joogsanaya insoliinka iyo hormuunnada korriinka iyo jinsiga si loo beekhaamiyo tamarta jirka.

·         Waxaa yaraanaya dareenka xanuunka.
  
La soco Qeybta 3aad iyo todobaadka dambe

Thursday, 21 June 2012

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa

Qormadan waxaan kaga hadli doonaa inshaa allaah arrin aad muhiim u ah cid kasta oo naga mid ahna ay waaya aragnimo buuxda u leeyahay, waa xanaaqa ama camalka (carada), ma jiro qof naga mid ah oo aan xanaaqin, balse waa lagu kala daranyahay, sidaa awgeed waxaan jecleystay inaan wax ka xuso mowduucan, waxaana xoogga saari doonaa sida ay udhacdo, saameynta ay qofka caafimaadkiisa ku reebto, qaabka looga hortagi karo iyo haddii ay dhacdo sida lagu xallinkaro ka hor inta aaney dhicin musiibo uu hadhow qofku ka shallaayo.
Qormadan oo aad udheer waxa ay ka koobantahay 10 qeyb oo todobaad kastaba aan mid idiin soo bandhigi doono.

Qeybta 1aad:

Qaabka uu xanaaqu udhacdo:
Sida dareen kaca ama caadifadaha kala duwan ee qofka soo mara, jirkeena iyo maskaxdeenuba waxa ay waaya arag ku yihiin xanaaqa. Run ahaantii waa tixan dhacdo jireed ay adagtahay in la sharraxo, dadka dhanna wada fahmaan sida uu qofku u caroodo, balse waxaan isku dayayaa inaan si sahlan usharraxo anigoo ugu yaraan soo dhaweynaya inuu qof kasta fahmo erey bixinnada caafimaad ee la xariira.
Niyad kacu ha yaraado ama ha badnaadee waxa uu ka billaabmaa laba unug oo qaabka lowka u sameysan oo ku dhex yaala maskaxdeena laguna magacaabo The Amygdala. The Amygdala waa qeyb ka mid ah maskaxdeena oo masuul ka ah garashada iyo fahamka waxyaabaha hanjabaadda ku haya hannaanka wanaagga nafsaddeena, iyo diridda digniin marka ay garato waxa handadaya qofka wanaaggiisa, taasoo ay ka dhalato inaan tallaabo ka hortag ah qaadanno. The Amygdala waa mid ka adag shaqadeeda ah inay noosoo digto marki wax isbedel ah yimaadaan, taasoo micnaheedu yahay inaan falcelis sameyno inta maskaxda qeybta loo yaqaan cortex (kortaks) (qeybta masuulka ka ah fikirka iyo garnaqsiga ama xukunka) ka aaney awood u yeelan inay hubiso caqli galnimada falceliskeena. Si kale haddaan u dhigo weedha, maskaxdeena waxaa loo kiciyaa qaab na saameeya ka hor inta aanan si habboon uga fakarin natiijada ka dhalan karta fal celiskeena. Tani ma ahan cudurdaar inaan dhaqan xumo ku kacno, qofku waxa uu xakameyn karaa rabitaanka dagaal doonida ah, waxa uu qofku ubaahanyahay oo qura waa inuu barto sida loo maareeyo carada, iyo xirfadaha la xariira dhaqan wanaagga iyo bulshaynimada.
The Amygdala waxa ay direysaa farriimo deg deg ah oo ay qaadayaan qul qulka dareenwadka waxaana loo dirayaa qanjidhka la yiraahdo hypothalamus oo ah barta hoggaanka ama laga soo saaro awaamiirta ku socota qanjidhada kale ee jirka, qanjidhka ku yaal gurada kilyaha ee loo yaqaan adrenal gland oo amarrada hypothalamus ku shaqeynaya ayaa waxa uu soo deynayaa hormuunka la yiraahdo adrenaline, oo ah kiciye xoog badan oo kiciya soo dhaweeyayaasha (receptors) dareenwadka loo yaqaan sympathetic nervous system, dabadeed saameynta dareenwadkaas awgii waxaa kordhaya garaaca wadnaha, cadaadiska dhiigga iyo xawaaraha neefsiga, wejiga qofka ayaa casaanaya, idimaduna waxay udiyaar garoobayaan inay jawaab bixiyaan, waayo dhiigga soo galayo xubnaha ayaa kor u kacaya si uu isugu diyaariyo falcelis jireed. Feejignaanta qofka ayaa yaraata waxa uuna ku koobmaa waxa ay caradiisu beegsaneyso. Waxaa sii kordhaya xaddiga adrenaline ka la soo saarayo oo sii dheereynaya xaaladda walaaca. Sidoo kale waxaa laga soo saarayaa qanjidhka adrenal gland hormuunka kortisone (cortisone) oo leh saameyn fara badan, waxaana adkaaneysa in xaaladdu dhaqsi ugu laabato sidi dabiiciga aheyd, waayo adrenaline ka waxa uu qofka careysani ka dhigayaa inuu ahaado mid kacsan, waxa uuna socon karaa saacado laga yaabo inuu qofku ku dhaco weerar caro oo cusub. Hadda qofku waxa uu diyaar u yahay inuu dagaalamo.
Inkastoo ay suuragal tahay in dareen kaca qofka uu gaaro heer aan la xakameyn karin, haddana maskaxda qeybta foolka gadaashiisa ku taal (naasiyah) ayaa dareenka xakameyn karto ilaa xad. Haddii the amygdala ay dareen kaca keento, maskaxda qeybta foolka gadaashiisa ku taala ama foodda waxa ay masuul ka tahay garnaqa ama xukunka. Qeybtaas dhankeeda bidix waxa ay damin kartaa dareen kaca qofka ama caadifadda. Waxa ay cayaartaa dowr fulineed si arrintan loo xakameeyo, taasoo micnaheedu yahay in qofku darso hababka caawinaya in cortex ka  ka gacan sareeyo the amygdala.
Haddii carada billaabashadeeda ay leedahay weji dhammaan kheyraadkeena loo leexiyo dagaal, haddana waxaa jira weji kale oo dib u qaboojin carada ah. Waxa uu ku billawdaa in dib loogu noqdo xaalad degenaan marka hadafka caradeena aaney noqon wax la gaari karo. Kacsanaanta uu keenay hormuunka adrenaline inta lagu jiro carada waxa uu socanayaa waqti dheer (saacado, mararka qaarna maalmo).
Sida ardayda intooda badan garanayaan marka qofku hurdoonayo waxaa adag inuu wax cusb barto. Feejignaanta dhex dhexaadka ah waxa ay caawinaysaa maskaxda inay barato, xasuusato, xoogga saarto isla markaana si habboon wax u fuliso. Waxaa jira heer dareen feejignaan ah oo waxtara xasuusta, haddana marka dareenkaas uu xad dhaaf noqdo waxaa adkaanaya in xasuus fiican oo cusub sameysanto. Dareenkaas sareeya sida markuu careysanyahay wuxuu hoos udhigayaa awoodda qofka inuu xoogga saaro arrin muhiim ah. Tanna waa sababta qofka ugu adagtahay inuu xasuusto faahfaahinta habka carada u qaraxday.

La soco Qeybtq 2aad iyo todobaadka dambe

Thursday, 14 June 2012

Sirta Nolosha: Sideed ku ilaashan kartaa muuqaalkaada dhalinyaranimo?

Sirta 11aad: Cuntada badan iska yareey
Magaalada Okinawa ee dalka Japan oo ah magaalo ay deggenyihiin dadka ugu da’da weyn dunida, dadka boqol jirrada waxa ay cunaanaan raashinta 80% inta ay calooshoodu qaaddo ama ay cuni karaan, sidaa waxaa sheegay qoraaga buugga The Blue Zones Dan Buettner, oo diraasad ka sameeyay cimri dheerida koonka oo dhan.
Sirta 12aad: Cun cuntada laga sameeyo dhirta
Diraasad uu boqol jirrada ku sameeyay Buettner waxa uu ku sheegay in dadka aadka u cimriga dheer ay cunaan hilib yar iyo xaddi badan oo digir, soybeans iyo lows ah.
Sirta 13aad: Cuntooyinka maskaxda
Waxaa jira cuntooyin kor uqaada maskaxda shaqadeeda iyo nashaadkeeda, waxaa ka mid ah; dhirta badda hoosteeda ka baxda (seaweeds) iyo ukunta. Dalka Japan oo ay ku noolyihiin dadka ugu da’da weyn dunida waxa uu ka mid yahay dalalka ugu badan ee laga cuno cuntooyinka badda laga keeno iyo ukunta. Dadka reer Japan siyaabo kala duwan ayay u isticmaalaan ukunta sida iyagoo shiila, labaniyad ka dhiga ama shurbad ka sameeya, weliba heer ka sareeya Mareykanka. Dhirta badda ka baxda waa il muhiim ah oo laga helo maaddada iodine ta oo lagama maarmaan u ah shaqada caadiga ah ee qanjirka thyroid, waxa uuna halbowle u yahay shaqada maskaxda.
Sirta 14aad: Cun quraac caafimaad leh
Qudaarta fruits ka ah waxa ay mid tahay cunnooyinka ugu caafimaadka badan, gaar ahaan xilliga aroorti ama quraacda, subaxdi ku quraaco cunto dheeli tiran oo ka kooban ugu yaraan 3 ama 4 nooc oo ka mid ah waxyaabaha soo socda; caano, canjeero ama rooti, ukun, casiirka qudaar fareesh ah, qudaarta furutada ah (moos, tufaax, bambeelmo, jawaafah (seytuun sida ay soomaalidu u taqaan)) iwm
Sirta 15aad: Cun omega-3 fatty acids
Dufanka nooca loo yaqaan omega-3 fatty acids waa caafimaad, jirkana aad u anfaca, waxaa laga helaa kalluunka gaar ahaan nooca loo yaqaan salmon, lowska iyo miraha kale. Waxa uu dejiyaa maskaxda, joogteeyaa xoojinta lafaha, kana hortagaa inay soo muuqdaan calaamadaha gabowga, isagoo yareynaya laxawga jirka. Waxaa sharraxaaddaa bixiyay Nicholas Perricone, MD, oo ah khabiirka horseedka ka ah ka hortagga gabowga (anti ageing), ahna qoraaga buugga 7 Secrets to Beauty, Health, and Longevity. ‘‘omega-3 sidoo kale waxa uu kor uqaadaa awoodda dheecannada jirka ay uga saaraan dufanka keydadkeeda, si loogu adeegsado tamar ahaan. Omega-3 waxa uu kaa dhigaya qof fayow, maqaarkaadana wuu birbirayaa’’ ayuu sii raaciyay.
“Dhab ahaantii khubarada dhan waxa ay isku raacsanyihiin inaad maalin kasta u baahantahay 2 gram oo omega-3 ah” sidaa waxaa yiri Michael Roizen, MD, oo ah madaxa qeybta suuxinta ee Cleveland Clinic oo ku taal gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, ahna mid ka mid ah qorayaasha buugga:  You on a Diet.

Ugu dambeyn waxaan filayaa inaad aad uga hesheen sirta in dadka qaar aaney da’du ka muuqan qaarna ay ka muuqaal weynyihiin da’dooda.


DHAMMAAD..........................

Wednesday, 6 June 2012

Sirta Nolosha: Sideed ku ilaashan kartaa muuqaalkaada dhalinyaranimo?

Qeybta 2aad:-
Asaxaabta qiimaha badaney waxaan halkeedi ka sii wadeynaa qormadii xiisaha badneyd ee noo billaabatay todobaadki hore, maantana waxaan ku soo qaadaneynaa 5 sir oo muhiim ah ee ka bogasho wacan.  
 
Sirta 6aad: Cab shaah rinji ah (bigeys)
Cilmi baarayaal ku sugan magaalada Tokyo ee dalka Japan waxa ay sheegeen in shaaha madow oo la cabbo kaddib marka aad qaadato cunto dufankeedu badnayahay uu xoojiyo wareegga dhiigga. Dadka cabba afar koob ama ka badan oo shaah ah waxaa bar hoos u dhacaya halista wadne xanuunka, sidoo kale waxaa hoos udhacaya cadaadiska sare ee dhiigga. Cabista laba jibbaar xaddigan waxaa lala xariiriyay hoos udhaca halista kansarka jirka. Shaaha cagaaran waxa uu gacan ka geystaa cimri dheeri iyo xoojinta difaaca jirka.

Sirta 7aad: Cab biyo
Mid ka mid ah hababka ugu fiican uguna raqiisisan ee ka hortagga gabowga waa cabista biyo fara badan. Wabxinta jirka waxa uu maqaarkaada ka dhigayaa mid uusan ka muuqan daal, waxa uuna meesha ka saaraa madax xanuunka iyo dhibaatooyinka dheefshiidka.
Sidoo kale waxa uu kor u qaadaa fahmada, tamarta iyo gudbinta nafaqada ee jirka, sidoo kale waxa uu wasakhda ka saaraa hab dhisyada jirka. Sidaa awgeed hubi in jirkaada uusan oomin, adigoo cabbaya maalinti ilaa sideed galaas oo biyo ah.
Dadka qaar ayaa aaminsan in marka aad oon dareento uun biyo la cabbo, taasina waa khalad, waayo marka aad dareentid waa mar jirkaadu aad u qallalay. Isbar inaad cabtid biyaha adigoon oon dareemin.
Sirta 8aad: Miisaankaada wax ka qabo
Aalamiitada waxa ay ka mid tahay wax yaabaha ugu fiican ee sirta muuqaal da’ yar iyo caafimaad wanaagsan. Aalamiitada waxaa ugu fiican noocyada dhidid kaa keeni kara, garaaca wadnahane kordhin kara, sida; orodka, socodka, bootinta, baaskiil wadidda iwm, waxaana sidoo kale iyadana aad sameyn kartaa jir dhiska noocyadiisa kala duwan, balse faa’iido kuma dhamma orodka. Aalamiito joogto ah waxa ay gacan ka geysaneysaa sii socoshada in shaqada jirka ay sii ahaato heerki dhalinyaranimada.
Isku day inaad sameysid barnaamij jimicsi ama aalamiito joogto ah ugu yaraan 3 jeer todobaadki muddo 30 daqiiqo ah, taasoo hoos udhigeysa in hilib ku fuulo ama xididdada dhiigga uu ku dhex sameysmo kolistarool, taasoo hor seedeyso cudurrada wadne xanuunka, dhiig karka iyo kaadi macaanka ama sokoroowga.
Sirta 9aad: Cun cinab (canab)
Canabka cas waa antioxidants aad u awood badan, waxa uuna waxtar fiican u leeyahay da’yareynta halbowlayaasha dhiigga. Sidoo kale waa il laga helo ellagic acid oo ka hortaga kansarka.
Sirta 10aad: Maskaxdaada jimicsi sii
Bartamaha da’da 20meeyada, shaqada maskaxda waxa ay billaabeysaa inay hoos udhacdo, inkastoo uusan qofku dareemeyn ilaa tobaneeyo sano kaddib mooyee. Haddaba tababarrada maskaxdaada aad siisid si joogto ah sida games ka iyo imtixaannada IQ, waxa uu kaa caawinayaa in heerka shaqada maskaxdaada ay xoogeysato, sida xasuusta, xawaaraha, xal helidda iwm. Isku day inaad xallisid xal xeraalayaasha noocyadooda kala duwan qoraal iyo hadalba, masaa’isha adag ee xisaabta, luqadaha iyo culuumta kala duwan,  kuwaasoo maskaxdaada ka dhigaya mid si fiican layli uqaadata ama jimicsi fiican u ah.
Dr. Geula, oo diraasad ku sameeyay dad 80 jirro ah oo keenay isla natiijada ay keeneen dad kale oo 50 jirro ah tijaabo lagu sameynayay oo aheyd neuro­psychology, ayaa helay  in kuwa da’doodu weyntahay ay ku yartahay isku qasnaanta maskaxda,  taasoo muujineysa in maskaxdoodu heysato nooc ka hortag ah oo aaney maskaxda caadiga ah heysan.
Qaar ka mid ah tababarrada maskaxda waxaad ka heli kartaa bogga www.lumosity.com  
La soco qeybta 3aad iyo todobaadka dambe inshaa allaah.