Mareeg lagu soo bandhigo aqoon la xariirta caafimaadka, dhaqanka, sheekooyin iyo madadaalo.
Thursday, 18 November 2021
QOFKA AAN WAX AKHRIN WAXBA MA DHEERA/KAMA DUWANA QOFKA AAN WAX AKHRIN KARIN
Thursday, 27 August 2020
ABABIYE
BARBAARINTA TOGAN
FAHAMKA XANAAQA
Maxaa dhaliya xanaaqa carruurta qaangaarka ah?
b. Nolosha qoyska:
1. Xiriirka qoyska oo yar: ilmaha oo dareema
inuusan xiriir fiican la laheyn qoyska, talo, tusaale iyo daryeel fiicanna ka
helin qoyskiisa gaar ahaan labada waalid.
2. Ilmaha oo guriga kala kulma gacan ka
hadal iyo muquunin.
3. Hab dhaqanka guriga ka jira oo dhiiri
gelinaya gacan ka hadalka iyo ismuquuninta
t. Deriska: derisnimada waa wax saameyn weyn ku yeelata bani aadamka, waana tan soomaalidu tiraa:
- Deriskaa diintiisuu ku baraa
- Deriskaa kuma caddeeyo kumana madoobeeyo ee sow yahay ayuu kaa dhigaa
- Deriskaa waa ilaalo aan laguu dirin
j. Dugsiga iyo jaalkaa: waxyeellada ka
dhalata labadan meel waa mid horseedda mararka qaar welwel fara badan. Xilliyo
badan xiriirka aan dusha waalidku kala socon oo uu ilmuhu la sameeyo asaxaab ka
weyn waxa uu horseedaa dhaqan xumi iyo
gacan ka hadal.
x. Maandooriyaasha iyo hubka: ku
lugyeelashada labadan arrin waa mid horseeda cawaaqib xumo aad u xun
kh. Xilliga kala guurka ah ee
dhalinyaranimada uu gelayo ilmaha: marxaladdan waxa uu waalid kasta u
baahanyahay inuu barto isbeddellada ku imaanaya ilmihiisa si uu uga gudbo.
Waalidku way adagtahay inuu fahmo ilmaha marxaladdan maraya waxaana badanaa
dhaca iska hor imaad isugu jira af iyo addin, sidaa awgeed waxaan ubaahannahay
dhammaanteen inaan baranno sida loo maareeyo.
La Soco Qeybta 16aad
Monday, 17 August 2020
ABABIYE
BARBAARINTA TOGAN
MEELAHA LA RABO INUU
DABOOLO XEERKA QOYSKA
Qoys walba waxaa lama huraan ah inuu
degsado qodobo isaga u gaar ah, shardi ma ahan in reeraha kala duwan xeerarka u
yaal ay isku mid noqdaan, waayo waxa ay ku xirantahay shakhsiyadda labada
waalid iyo awoodda ay u leeyihiin xakameynta ciifadooda, xiriirka ka dhexeeya
iyaga dhedooda iyo carrurtooda.
Haddaba iyada oo ay jirto kala
duwanaashahaas ayaan haddane wax ka tilmaami doonaa meelaha muhiimka ah in
lagaga hadlo xeerka qodobadiisa.
1. Xiriirka bulsho ee qoyska dhexdiisa
2. Dhaqanka qolka cuntada- intaan cuntada la
diyaarin, inta la cunayo iyo marka cuntada la dhammeeyo.
3. Nadaafadda
4. Kharbudaadda iyo xilkasnimo xumada lagula
dhaqmo wax uu leeyahay qof kale
5. Qeylada
6. Dharka iyo labiska
7. Musqusha iyo qubeyska
8. Weysada iyo salaadaha
9. Dugsiga iyo wax akhriska
10. Waxyaabaha lama taabtaanka ah ama aan loo
dhawaan- alaabta jikada, waxyaabaha korontada ku xariirsan, bareesyada, iwm
11. Baahida reerka iyo xubnaha reerka –
maxaan u baahanahay maxaanse aanan u baahneyn?
12. Waxybaaha khatarta ah in lagu cayaaro –
alaabta ay mamnuuc tahay in lagu cayaaro oo nafta halisgelinaya iwm
13. Hurdada
14. Hantida guriga taalla iyo dhowristeeda
15. Fiirsashada telefishinka, isticmaalka
internetka iwm iyo saacadaha aan la oggoleyn
Ku dadaal marka aad dejineysid xeerka
qoyska inuu ka koobnaado qodobo kooban oo la wada fulin karo, xubnaha qoyskane
aad ka dhaadhicin kartid. Ku qor af lawada garanayo, fudud oo waadax ah, lagana
dhex garanayo dhaqannada lagaga gol leeyahay wax ka bedeliddooda, ka dheeraw
sharraxaadda iyo marmarsiimaha faraha badan ee aad ku qeexeysid ujeedkaaga.
Inti suuragal ah adeegso oraah togan
(sameey …) inti aad adeegsan laheyd diidmada (ha sameeyn …), kuna abaalmari
qofki fuliya qodobada xeerka ku suntan, gaar ahaan bilaha u horreysa ee qof
kasta looga baahanyahay digtoonaasho.
La Soco Qeybta 15aad
Wednesday, 12 August 2020
ABABIYE
BARBAARINTA TOGAN
TALOOYIN KHUSEEYA XEERKA QOYSKA:
1. Ha dejin qodob aadan garaneyn hadafka aad
ka leedahay si aad u bedesho dhaqan aan fiicneyn oo ilmahaaga khuseeya.
Qodobada xeerka waa inay noqdaan kuwa dhalinaya dhaqan wanaagsan ama togan islmarkaana fogeynaya habdhaqanka aan
wanaagsaneyn
2. Ha dejin qodob aadan fulin Karin ama
adiga qudhaadu aad ku shakisantahay inaadan ka soo bixi Karin
3. Waqti kaama dhicin weli, hadda ayaad bilaabi
kartaa dejinta qodobada xeerka qoyska, wax walbo waa la hagaajin karaa,
almuhiim hadda bilaw, Allahne talo saaro.
4. Ku dadaal kulamada maalinlaha ah ama
todobaadlaha ah ee qoyska, daqiiqado kooban ba ha noqotee, si aad u ogaataan
wixi idiin suuragalay, wixi dhaqan isbedel aad ku sameyseen, ka dhiga caado
dhaqameed aad yeelataan si qiimeyntaasi joogto u noqoto, islamarkaana u
ogaataan geedi socodka xubin kasta oo reerka ka mid ahi ugu jirto fulinta iyo
meel marinta qodobadi lagu heshiiyay ee xeerka qoyska.
La Soco Qeybta 14aad
Wednesday, 5 August 2020
ABABIYE

Qeybta 12aad:
Tusaale:
Xeerka Qoyska: Qodobka koowaad
Ha gelin qol islaameed adigoon fasax
weydiisan… Albaabaka garaac, sug inta laguu fasaxayo, haddii laguu fasaxi waayo
iska laabo.
Qodobkan
muxuu noo tarayaa?
Waxa uu
muujinayaa ixtiraam uu u hayo dadka kale ee la nool, waxyaabahooda u gaarka ah,
waqtigooda iyo inaan la carqaladeyn nasiinada iyo shaqooyinka ugaarka ah.
Waxa uu ina barayaa:
1. Aadaabta la dhaqanka dadka kale.
2. Xushmadda uu naga mudanyahay qof kasta
waxyaabaha u gaarka ah.
3. Inaan aaminsanaano in cid kasta ay
leedahay khusuusiyaad ama wax isaga u gaar ah
4. Habka aan u mareyno dhaqangelinta xeerkan
waa inaan albaabka si deggen u garaacno tiro seddex jeer ah, aan sugno inta
naloo fasaxayo, haddii naloo jawaabi waayo ama naloo fasixi waayo aan ka
laabanno.
SIDEEN U DEJIYAA XEERKA QOYSKA?
Shir la qaado reerka dadka ugu waa weyn,
labada waalid, carruurta waaweyn iwm, kulan meel deggen ku qaata si aad usoo
curisaan qodobada laf dhabarta u noqon kara xeerka qoyska, kuna heshiisaan
habka hadalka loo dhigayo iyo qaabka loo fulinayo, waxaadna adeegsan kartaan
tijaabooyin qof kale ama dad kale horay usameeyeen.
Waxaan qeybta hoose ku soo qaadaneynaa
qodobbada ugu muhiimsan ee naga caawinaya marka aan dejineyno xeerka qoyska.
1. Usharrax xubnaha qoyska qodobada
saldhigga u ah xeerka
2. Dul joogso hadafka aad ka leedahay qodob
kasta… xaddid hab-dhaqanka aad dooneysid inaad ku gaartid qodob kasta (ha gelin
qol islaameed oo aan laguu fasaxin) hab dhaqanka la doonayo (albaabka garaac ee
sug inta laguu fasaxayo, haddii laguu fasixi waayo iska laabo) waddada aan u
mareyno.
3. Soo saar qiimiga uu leeyahay qodob kasta
si uu u dhiso shakhsiyadda wanaagsan.
4. Soo dhis caqiidada saxan ee ka dambeysa
qodob kasta, si uusan ilmaha yari u fahmin inaad awooddaada kula taagsaneyso, ku
barbaari caqiidadaas toosan ee ka dhowreysa inuu ka leexdo waddada toosan.
5. Inaad dhowrtaa da’da iyo korriinshaha
ruux kasta oo ka mid ah qoyska waa muhiim, si aadan ugu dhicin dabin ah inaad
muddo dheer sugtid inta ilmaha da’dooda ay ka soo gaareyso xilligi lagula
dhaqmi lahaa xeerka aad dejineyso, ama aad ilmaha ku fulisid xeer uusan u
qalmin da’ ahaan.
6. Qodob kasta u qor qaab cad oo aan laba
weji loo fasiran Karin.
7. Qodobada uu ka koobanyahay xeerkan ku
dheji dhowr meel oo guriga ka mid ah oo marwalbo si fudud lagu arki karo.
8. Waxaad qodob kasta u qori kartaa si gooni
ah, dabadeedna meesha uu khuseeyo ayaad ku dhejin kartaa. Tusaale; qodobka
khuseeya cuntada iyo aadaabteeda waxaad ku dhejin kartaa qolka lagu cunteeyo,
jikada iwm iyadoo ku qoran far waadax ah oo cid kastaa akhrisan karto.
9. Isugu yeer fadhi guud oo reerka dhani ka
qeybgalayo si aad u falaanqeyso qodobada laf dhabarta u ah xeerkan, dhib
malahan haddaad kulamadaas dhowr jeer ku celcelisaan si ay maskaxda reerka ugu
dhagto, isla markaana wixi ka fulay loo muraajaceeyo.
10. Waxaad u sameyn kartaa inaad xaddidid
abaalmarin la siinayo qofki fuliya qodobada xeerkan ka hadlayo, iyo go’aan lagu
fulinayo ciddi u hoggaansami weysa.
11. Cidkasta oo qoyska ka mid ah waa inay u
hoggaansantaa fulinta qodobada ku qoran xeerka qoyska oo ay ku jiraan dadka
waaweyn iyo kuwa yaryarba.
La Soco Qeybta 13aad
Monday, 27 July 2020
ABABIYE
Qeybta 11aad:






