Thursday, 18 November 2021

QOFKA AAN WAX AKHRIN WAXBA MA DHEERA/KAMA DUWANA QOFKA AAN WAX AKHRIN KARIN

"Qofka aan wax akhrin waxba ma dheera qofka aan wax akhrin karin"
Mark Twain
Oraahdaa qiimaha badan waxaan kala dhex bixi karnaa waxtarka ay leedahay wax akhrinta, waqti uqoondey wax akhtinta, waxaad akhrin kartaa wax kasta.
Akhri takahsuskaaga, buugaagta sheekooyinka dad guuleystay, kuwa ka hadla horumarinta naftaada iyo xirfadaha aad ubaahantahay iwm.

Tusaale yar bilyaneerka Mareykan udhashay ee Waren Buffet waxa uu wax akhriyaa maalin kasta saacado udhexeeya 5 ilaa 6 saacadood isagoo akhriya in kor udhaafeysa 600 bog oo isugu jira buugaag, joornaalo iyo dukumiintiyo dhaqaalaha iyo maalgashiga khuseeya.
Bill Gates aasaasaha Microsoft waxa uu sanadki akhriyaa 50 buug taas oo udhiganta hal buug todobaadki.
Mark Zuckerberg waxa uu dhammeeyaa akhriska hal buug labadi todobaadba.


Sidoo kale dib ugu laabo culumadeeni waa weynaa sida imaamu Shaafici, Ibnul-jowzy iwm sida ay u aheyd wax akhrinta.
Aqoonta aynu leenahay 70%waxa aynu ku kasbanaa wax akhrin.

Dr. Daariq Al-suweydaan, daaciga reer kuweyt ee caanka ah waxa uu ku qoray silsiladda buugaagtiisa: sameynta aqoonta (صناعة الثقافة) buugga labaad ee magaciisu yahay: Sideen wax u akhriyaa (كيف أقرأ؟), cutubka 1aad, bogagga 39-42aad waxa uu ku qoray cinwaan magaciisu yahay: Yaa sameeya qof wax akhriya? waxa uu tixayaa shan jiho oo sameeya ruux wax akhriya, waxa uuna u qoray sidan:
1. Guriga: miisaaniyadda guriga, maktabadda guriga, wax akhrinta waalidka, sawirrada iyo leyliyada waxbarashada la xariira iyo aadista maktabadaha.
2. Iskuulka
3. Bulshada meel isla deggen
4. Maktabadaha iyo madbacadaha waaweyn
5.Warbaahinta

Qeybta hoose waxaan ku soo bandhigayaa tirakoobyo la sameeyay 2020/2021 oo ka hadlaya adduunka dadyowga ku nool sida ay ukala akhris badanyihiin iyadoo la eegayo celecelis ahaan saacadaha uu wax akhriyo halki ruux todobaadki, waxaan kaloo ku soo bandhigi doonaa mid kale oo ka hadlayo waddamada adduunka ee soo saaray/daabacay buugaagta ugu badan sanad gudahiis.


Thursday, 27 August 2020

ABABIYE

 BARBAARINTA TOGAN



Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 15aad:

FAHAMKA XANAAQA

Maxaa dhaliya xanaaqa carruurta qaangaarka ah?


b.    Nolosha qoyska:


1.    Xiriirka qoyska oo yar: ilmaha oo dareema inuusan xiriir fiican la laheyn qoyska, talo, tusaale iyo daryeel fiicanna ka helin qoyskiisa gaar ahaan labada waalid.


2.    Ilmaha oo guriga kala kulma gacan ka hadal iyo muquunin.


3.    Hab dhaqanka guriga ka jira oo dhiiri gelinaya gacan ka hadalka iyo ismuquuninta


t.    Deriska: derisnimada waa wax saameyn weyn ku yeelata bani aadamka, waana tan soomaalidu tiraa: 

  • Deriskaa diintiisuu ku baraa 
  • Deriskaa kuma caddeeyo kumana madoobeeyo ee sow yahay ayuu kaa dhigaa 
  • Deriskaa waa ilaalo aan laguu dirin 

Deriska oo fal dambiyeedku ku badanyahay waa arrinta ugu halista badan ee saameynta ku reebta da’da soo koreysa. Deriskaada oo aadan waxba ka dhihi karin waa wax dhalin kara xanaaq.


j.    Dugsiga iyo jaalkaa: waxyeellada ka dhalata labadan meel waa mid horseedda mararka qaar welwel fara badan. Xilliyo badan xiriirka aan dusha waalidku kala socon oo uu ilmuhu la sameeyo asaxaab ka weyn  waxa uu horseedaa dhaqan xumi iyo gacan ka hadal.


x.    Maandooriyaasha iyo hubka: ku lugyeelashada labadan arrin waa mid horseeda cawaaqib xumo aad u xun


kh.    Xilliga kala guurka ah ee dhalinyaranimada uu gelayo ilmaha: marxaladdan waxa uu waalid kasta u baahanyahay inuu barto isbeddellada ku imaanaya ilmihiisa si uu uga gudbo. Waalidku way adagtahay inuu fahmo ilmaha marxaladdan maraya waxaana badanaa dhaca iska hor imaad isugu jira af iyo addin, sidaa awgeed waxaan ubaahannahay dhammaanteen inaan baranno sida loo maareeyo.


La Soco Qeybta 16aad

Monday, 17 August 2020

ABABIYE

  BARBAARINTA TOGAN

Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 14aad:

MEELAHA LA RABO INUU DABOOLO XEERKA QOYSKA


Qoys walba waxaa lama huraan ah inuu degsado qodobo isaga u gaar ah, shardi ma ahan in reeraha kala duwan xeerarka u yaal ay isku mid noqdaan, waayo waxa ay ku xirantahay shakhsiyadda labada waalid iyo awoodda ay u leeyihiin xakameynta ciifadooda, xiriirka ka dhexeeya iyaga dhedooda iyo carrurtooda.


Haddaba iyada oo ay jirto kala duwanaashahaas ayaan haddane wax ka tilmaami doonaa meelaha muhiimka ah in lagaga hadlo xeerka qodobadiisa.

     1.    Xiriirka bulsho ee qoyska dhexdiisa

     2.    Dhaqanka qolka cuntada- intaan cuntada la diyaarin, inta la cunayo iyo marka cuntada la dhammeeyo.

     3.    Nadaafadda

     4.    Kharbudaadda iyo xilkasnimo xumada lagula dhaqmo wax uu leeyahay qof kale

     5.    Qeylada

     6.    Dharka iyo labiska

     7.    Musqusha iyo qubeyska

     8.    Weysada iyo salaadaha

      9.    Dugsiga iyo wax akhriska

     10. Waxyaabaha lama taabtaanka ah ama aan loo dhawaan- alaabta jikada, waxyaabaha korontada ku xariirsan, bareesyada, iwm

     11. Baahida reerka iyo xubnaha reerka – maxaan u baahanahay maxaanse aanan u baahneyn?

     12. Waxybaaha khatarta ah in lagu cayaaro – alaabta ay mamnuuc tahay in lagu cayaaro oo nafta halisgelinaya iwm

     13. Hurdada

     14. Hantida guriga taalla iyo dhowristeeda

     15. Fiirsashada telefishinka, isticmaalka internetka iwm iyo saacadaha aan la oggoleyn

Ku dadaal marka aad dejineysid xeerka qoyska inuu ka koobnaado qodobo kooban oo la wada fulin karo, xubnaha qoyskane aad ka dhaadhicin kartid. Ku qor af lawada garanayo, fudud oo waadax ah, lagana dhex garanayo dhaqannada lagaga gol leeyahay wax ka bedeliddooda, ka dheeraw sharraxaadda iyo marmarsiimaha faraha badan ee aad ku qeexeysid ujeedkaaga.

Inti suuragal ah adeegso oraah togan (sameey …) inti aad adeegsan laheyd diidmada (ha sameeyn …), kuna abaalmari qofki fuliya qodobada xeerka ku suntan, gaar ahaan bilaha u horreysa ee qof kasta looga baahanyahay digtoonaasho.


La Soco Qeybta 15aad

Wednesday, 12 August 2020

ABABIYE

 BARBAARINTA TOGAN

Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 13aad:

TALOOYIN KHUSEEYA XEERKA QOYSKA:

      1.    Ha dejin qodob aadan garaneyn hadafka aad ka leedahay si aad u bedesho dhaqan aan fiicneyn oo ilmahaaga khuseeya. Qodobada xeerka waa inay noqdaan kuwa dhalinaya dhaqan wanaagsan ama togan  islmarkaana fogeynaya habdhaqanka aan wanaagsaneyn


      2.    Ha dejin qodob aadan fulin Karin ama adiga qudhaadu aad ku shakisantahay inaadan ka soo bixi Karin


      3.    Waqti kaama dhicin weli, hadda ayaad bilaabi kartaa dejinta qodobada xeerka qoyska, wax walbo waa la hagaajin karaa, almuhiim hadda bilaw, Allahne talo saaro.


      4.    Ku dadaal kulamada maalinlaha ah ama todobaadlaha ah ee qoyska, daqiiqado kooban ba ha noqotee, si aad u ogaataan wixi idiin suuragalay, wixi dhaqan isbedel aad ku sameyseen, ka dhiga caado dhaqameed aad yeelataan si qiimeyntaasi joogto u noqoto, islamarkaana u ogaataan geedi socodka xubin kasta oo reerka ka mid ahi ugu jirto fulinta iyo meel marinta qodobadi lagu heshiiyay ee xeerka qoyska.

    La Soco Qeybta 14aad

Wednesday, 5 August 2020

ABABIYE

BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 12aad:

DEJINTA XEERKA QOYSKA:

Tusaale:

Xeerka Qoyska: Qodobka koowaad

Ha gelin qol islaameed adigoon fasax weydiisan… Albaabaka garaac, sug inta laguu fasaxayo, haddii laguu fasaxi waayo iska laabo.

Qodobkan muxuu noo tarayaa?

Waxa uu muujinayaa ixtiraam uu u hayo dadka kale ee la nool, waxyaabahooda u gaarka ah, waqtigooda iyo inaan la carqaladeyn nasiinada iyo shaqooyinka ugaarka ah.

Waxa uu ina barayaa:

1.    Aadaabta la dhaqanka dadka kale.

2.    Xushmadda uu naga mudanyahay qof kasta waxyaabaha u gaarka ah.

3.    Inaan aaminsanaano in cid kasta ay leedahay khusuusiyaad ama wax isaga u gaar ah

4.    Habka aan u mareyno dhaqangelinta xeerkan waa inaan albaabka si deggen u garaacno tiro seddex jeer ah, aan sugno inta naloo fasaxayo, haddii naloo jawaabi waayo ama naloo fasixi waayo aan ka laabanno.

SIDEEN U DEJIYAA XEERKA QOYSKA?

Shir la qaado reerka dadka ugu waa weyn, labada waalid, carruurta waaweyn iwm, kulan meel deggen ku qaata si aad usoo curisaan qodobada laf dhabarta u noqon kara xeerka qoyska, kuna heshiisaan habka hadalka loo dhigayo iyo qaabka loo fulinayo, waxaadna adeegsan kartaan tijaabooyin qof kale ama dad kale horay usameeyeen.

Waxaan qeybta hoose ku soo qaadaneynaa qodobbada ugu muhiimsan ee naga caawinaya marka aan dejineyno xeerka qoyska.

     1.    Usharrax xubnaha qoyska qodobada saldhigga u ah xeerka

     2.    Dul joogso hadafka aad ka leedahay qodob kasta… xaddid hab-dhaqanka aad dooneysid inaad ku gaartid qodob kasta (ha gelin qol islaameed oo aan laguu fasaxin) hab dhaqanka la doonayo (albaabka garaac ee sug inta laguu fasaxayo, haddii laguu fasixi waayo iska laabo) waddada aan u mareyno.

     3.    Soo saar qiimiga uu leeyahay qodob kasta si uu u dhiso shakhsiyadda wanaagsan.

     4.    Soo dhis caqiidada saxan ee ka dambeysa qodob kasta, si uusan ilmaha yari u fahmin inaad awooddaada kula taagsaneyso, ku barbaari caqiidadaas toosan ee ka dhowreysa inuu ka leexdo waddada toosan.

     5.    Inaad dhowrtaa da’da iyo korriinshaha ruux kasta oo ka mid ah qoyska waa muhiim, si aadan ugu dhicin dabin ah inaad muddo dheer sugtid inta ilmaha da’dooda ay ka soo gaareyso xilligi lagula dhaqmi lahaa xeerka aad dejineyso, ama aad ilmaha ku fulisid xeer uusan u qalmin da’ ahaan.

     6.    Qodob kasta u qor qaab cad oo aan laba weji loo fasiran Karin.

     7.    Qodobada uu ka koobanyahay xeerkan ku dheji dhowr meel oo guriga ka mid ah oo marwalbo si fudud lagu arki karo.

     8.    Waxaad qodob kasta u qori kartaa si gooni ah, dabadeedna meesha uu khuseeyo ayaad ku dhejin kartaa. Tusaale; qodobka khuseeya cuntada iyo aadaabteeda waxaad ku dhejin kartaa qolka lagu cunteeyo, jikada iwm iyadoo ku qoran far waadax ah oo cid kastaa akhrisan karto.

     9.    Isugu yeer fadhi guud oo reerka dhani ka qeybgalayo si aad u falaanqeyso qodobada laf dhabarta u ah xeerkan, dhib malahan haddaad kulamadaas dhowr jeer ku celcelisaan si ay maskaxda reerka ugu dhagto, isla markaana wixi ka fulay loo muraajaceeyo.

    10. Waxaad u sameyn kartaa inaad xaddidid abaalmarin la siinayo qofki fuliya qodobada xeerkan ka hadlayo, iyo go’aan lagu fulinayo ciddi u hoggaansami weysa.

    11. Cidkasta oo qoyska ka mid ah waa inay u hoggaansantaa fulinta qodobada ku qoran xeerka qoyska oo ay ku jiraan dadka waaweyn iyo kuwa yaryarba.

    

      La Soco Qeybta 13aad


Monday, 27 July 2020

ABABIYE


BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:


Qeybta 11aad:

SOO EBYIDDA KHARRIBAADDA

 Kharbudaadda carruurtu ku kacdo inaan soo afmeerno waa hab istiraatiiji u ah barbaarintooda, waxeyse ubaahantahay tallaabooyin muhiim ah oo lagu tiriyo xirfadaha barbaarineed kuwa ugu waxtarka badan marka loo eego waalidiinta iyo barbaariyaasha kale. Muhiimmaddeeda waxay aad umuuqan ogtahay sanadaha hore ee carruurta la barbaarinayo maadaama ay da’daasi ku badantahay wax kharribiddda.

Sideen u bilawnaa istiraatiijiyadda?
Inta badan waalidiintu waxa ay dhibbanayaal unoqdaan carruurtooda oo ku cayaara alaabo muhiim ah, waalidkuna waxaa suuragal ah inuu isticmaalo habab ciqaabeed aan waxtar noqon ama dhib ugeysta carruurta, si uu ujoojiyo kharribaadda, sida: qeylada, ciqaabta ama garaacista iwm. Waxa ugu horreeya waa inaynu diiradda saarno dhaqankan soo ebyiddiisa, inagoo ku fakareyna in dhaqankani ilmuhu uu ku cabbirayo baahi uu qabo oo uu doonayo inaan ka haqabtirno, sida inuu rabo inaan dhageysano iwm, si taa aan u sameyno waxaan raaceynaa tallaabooyinka soo socda.

1.    Ha xukmin: ilmahaaga wax kharribaya xukun haku ridin, xasuusnaw adiga garsoore ma tihid ee barbaariye ayaad tahay.

2.    Diiradda ha saarin dhaqanka kharbudaadda ah: inaad xoogga saartid dhaqanka noocaas ah waxa ay ku dhaafineysaa jaaniska aad ku caawin laheyd inankaaga, dawone ugu heli laheyd kharbudaadda uu sameynayo.

3.    Diiradda saar inaad fahamtid sababta: isweydii muxuu wax ugu dheelayaa? Goorma ayuu wax ku dheelaa? Waa maxay waxyaabaha ku dhiirigeliya inuu ku kaco habdhaqankan?

4.    Hab-dhaqan kasta waxaa ka dambeeya niyad fiican: raadi niyadda fiican ee dhaqankaas kharribaadda ah ku dhex jirta si aan usoo saarno dareenka togan ee ka dambeeya, waxaa suuragal ah inuu noqdo wax curin, hal-abuur, ciriiri ay naftiisu dareemeyso, ama hibo uu leeyahay ilmuhuna rabo inuu kobciyo.

Soo ebyidda kharbudaadda waxaa loo maraa habab kale oo fara badan, waxaana ka mid ah, dejinta xeerka guriga. Waa istiraatiijiyad muhiim u ah sameynta qodobbo wax xaddidi kara oo ay waalidku kula dhaqmaan carruurta, islamarkaana habdhaqankooda wax kaga beddeli kara.

La Soco Qeybta 12aad