ABAAL MARI HABDHAQANKA TOGAN
Waa beddel fiican oo hab ciqaabeedka
lagaga gudbi karo, waxa ay dhiseysaa shakhsiyadda togan ee uu ababiye kastaa ku
han weynyahay, waa dhowr tallaabo oo fal ahaan isu dhammeystiraya, waxaadna ku
adeegsan kartaa noloshaada qoyseed ama xaaladaha caadiga. Waxa ay lama huraan
noqoneysaa xaaladaha degdegga ah ee ay dhacaan dhibaatooyinka dhexmara ubadka
iyo waalidiinta, si gaar ah marka ilmuhu la soo baxaan habdhaqan welwel ku
keenaya waalidka ama dhaqan ahaan iyo diin ahaanba aan habbooneyn.
Waa tallaabo waxtar weyn leh si loo
yareeyo xasaradaha ka aloosmaya waalidiinta iyo ubadkooga, waxaana ku soo
dhaqmay ababiyaashii waa weynaa oo uu ugu horreeyo Nabigeena Muxammad NNKH, oo
aan waxbadan aragnay isagoo yar iyo weyn wanaagga ku abaal marin jiray, jannada
ugu bishaareeyay asxbtiisa qaar, qaar magacyo ama naaneysyo fiican u bixiyay,
qaarkooda ammaanay, udhoolacaddeeyay, qaarkood wax siiyay, iwm.
Tallaabadan waxa ay ubaahantahay inaad
maskaxdaada ka tirtid dhaqan laga yaabay inuu ku duqoobay oo xasaasiyad ka qaba
habdhaqanka carruurta ee aan habbooneyn, isla markaana wax iska caadi ah u
aragta habdhaqanka wanaagsan ama togan ee ubadkeenu la yimaadaa. Tallaabadan
waxa ay na bareysaa inaan habdhaqanka wanaagsan ku abaalmarino ubadka,
billawga hore aad bay waalidiinta qaar ugu adkaataa, waayo nolosha maalinlaha
ah ee mujtamaceena waxa ay ku socotaa mid ka duwan tan aan ka hadleyno, oo ah
dhaqanka aan fiicneyn in leysku ciqaabo, kan wanaagsane aan leysku abaalmarin.
Istiraatiijiyaddan waxa ay leedahay awood
ballaaran oo ay ku dhiseyso shakhsiyadda ubadka soo koraya, weliba heer aaney
maleysan Karin barbaariyaashu, haddii ay raacaan siyaasadda ah; inaan xoogga la
saarin habdhaqanka ilmaha yar ee la socda da’dooda, balse dadka waaweyn aaney
aqbali Karin - sida; or orodka, inay wax ku falaadaan si ay u ogaadaan waxa uu ka
sameysanyahay, inay sahmiyaan deegaanka ku xeeran iwm - oo ay muujiyaan
saamaxaad dhaqannadaas la xariira, isla markaana ay raacaan istiraajiyaddan
(Abaal mari dhaqanka togan), waxa ay gaarayaan natiijo weyn oo khuseysa
filashada iyo himilada uu ka leeyahay shakhsiyadda ilmahooda.
Waxaa jira laba qaab oo loo abaalmariyo
habdhaqanka togan, labada qaabne waxa ay lama huraan uyihiin carruurta,
waalidkane waa inuu adeegsado hadba sidi loogu baahdo, waxa ayna kala yihiin:
1. Ammaan gaar ah: waa hab abaalmarin oo
gooni ah, waxaa la adeegsanayaa inta uu ilmaha yar sameynayo falka togan, sida
inaan dhahno; maashaa allaah, sheekadan aad qortay aad bay uqurux badantahay;
adiga aad baad u caqli badantahay. Ama “Maashaa allaah, cayaartan aad sameysay
way qurux badantahay; adiga waxaad tahay inan wax curiska ku fiican”.
2. Dareenka gaarka ah: habkan kuma xirna
howl gaar ah oo uu ilmuhu qabanayay, balse waa nooc ka mid ah dareenka isku
xira waalidka iyo ilmaha yar. Dareenka togan waxa uu Alle u abuuray in la soo
muujiyo ee ma ahan in la qarsado.
Habkan waxa uu ka mid yahay abaalmarinnada
carruurta loo sameeyo, adigoo adeegsanaya ereyo sida: inankeygiyow aad baan kuu
jeclahay, waxaad tahay inan caqli badan. Ilmaha yar baahi badan buu uqabaa inuu
in badan maqlo ereyadaas oo kale oo ay ka muuqato darenka waalidnimo ee togan.
Inaad cabbirtid dareenkaaga togan isla markaana aad abaalmarisid
hab dhaqanka wanaagsan ee carrurta, waxa ay kaa dhigeysaa inaad keydsatid tamar
badan oo kaaga lumi laheyd jawaabta aad ka bixineysid dhaqannada la dhibsado ee
carruurta, sida qeylada iyo carada badan, kuwaas oo aanan keeneyn faa’iido
barbaarineed oo la taaban karo. Islamarka uu ilmuhu sameeyo dhaqan wanaagsan ama togan sameey
abaalmarin khuseyso dhaqan wanaggaas, wixi uu wanaajiyo xoogga saar, xataa
haddii uu joojiyo dhaqan xumi uu sameyn jiray waa inaad ku abaalmarisid
joojintaas, waayo inuu dhaqan xun joojiyo waa fal togan oo leysku abaalmariyo,
ku muuji oraah, tusaale: ugu dambeynti oohinti waad joojisay waadne
dhoolacaddeysay, maashaa allaah, iwm.
Dhaqanka aan fiicneyn ee uu inankaagu joojiyay inaad ku abaalmariso
wax lala yaabo oo ka badbadis ah miyaad uqaadatay? Maya waa iga dhab, waa inaad
ku abaal marisaa, sidaas ayey diinteenu na tusineysaa.
Waxaan ku soo
xasuusinayaa xadiisulqudsigan qiimaha badan ee uu warinayo C/laahi Ibnu Cabbaas
RC, kuna qoran saxiixeynka.
Ibnu Cabbaas waxa uu nabiga NNKH ka weriyay, in Rabbi SWT uu yiri:
“Ilaahey waxa uu qoray xasanaadka iyo xumaanta wuuna kala caddeeyay, qofki
damca wanaag oo aan sameynin waxa uu Alle uqoraa xasanad buuxda, haddiise uu
damco oo uu sameeyo waxa uu uqoraa Alle agtiisa toban xasanaad ilaa todobo
boqol laab ilaa ka sii badan, haddii uu damco xummaan balse uusan sameynin waxa
uu Alle uqoraa xasanad buuxda, haddiise uu damco xummaan islamarkaana sameeyo
waxa uu Alle uqoraa hal xummaan (dambi)”.
Sida nooga muuqata xadiiskaas, alle waxa uu abaalmarin nagu
siinayaa xummaan aan haweysanay balse aan ka joogsannay, waa dhaqan aad u qiime
badan inaan abaalmarinno carruurteena marka ay ka joogsadaan wax khaldan oo ay
ku kici jireen.
La soco Qeybta 9aad