Qeybta 3aad:
7. HADDII AAD DHICISTAY AMA DILANTAY:
inaad dhakhtarkaaga u sheegtid dilanka ama dhiciska ku soo maray waxa ay ka
caawineysaa inuu qiimeyn sax ah ku sameeyo xanuunka aad ka cabaneysid.
8. WAXA AAD DAREEMEYSID MASKAX AHAAN:
marka uu dhakhtarku ku weydiiyo dareenkaaga u sheeg sida aad wax u aragtid ama
u dareemeysid, si wareysigiisu u noqdo mid nuxur leh waa inuu dareemaa inaadan
dareenkaaga ka qarineynin.
9. XARIIRKAAGA GALMADA: haddii uu ku
weydiiyo dhakhtarkaaga inta xaas ee aad leedahay ama ninkaagu xaasas kale
leeyahay runta u sheeg hana ka labalabeyn. Waxaa jiraa xanuuno la isugu gudbiyo
galmada, waana muhiim in wareysigaaga laga helo inaad xaas tahay ama leedahay.
10. MARKI KUUGU DAMBEYSAY AAD DHAKHTAR AADID:
dhakhtarkaaga haddii uu ku weydiiyo runta sheeg, dadka qaar qaba cudurrada
raaga (Chronic Diseases) waxaa la faraa inay sameeyaan la socosho xanuunkooda
ah mar walba, dhakhtarka markaad u tagtid waxa uu ku weydiinayaa goorma ayaa
kuugu dambeysay ee aad checking sameysay?
DHAMMAAD