Thursday, 21 March 2013

Guur doon (Geeraar)


Comment from Hussein Omar
Geeraarkan waxaan alifay mar aan faceka ka arkay wiil tiriyay qisada oo caksi ah, marka dadka commentiga bixinaayay qof ka mid ah ayaa codsady iyadoo caksi ah, marka aniga ayaa isku dayay iyadoo geerar ah,  waana qiso dhici karta inkasto anan ogeyn meel ay ka dhcaday hada ka hor.
Sidoo kale waxaan rabaa inaan asaxaabta boggan la socota aan la qeybsado qormada muddooyinkan ku soo baxeysay bogga ee gayaan xulashadiisa ka hadlaysay, maadaama qodobada mid ka mid ah uu ahaa aqoonta, waana dulucda sheekada geeraarka. 

Ga’da gabayga maansada
Aan lasoo gucleyn jiray
Ma gufaacin waayahaan
Maantaan godladayoo
Qiso gaaban soo helay
Gabanaa intuu baxay
Lakalamay gabar qurux
Inta gooni ula baxay
Aw kuyiri bal gabaryahay
Iga gudoon salaan sare
Gabadhii waxay tiri:
Walaal kaa gudoomaye
Maxaad gooni ama gees
Noo geysay gabanow
Guur doon miyaa tahay??
Gabankii waxuu yiri:
Guur doon inaan ahay
See ku garan karaysaa??
Gabadhii waxay tiri:
Galgalkaan tartiibka ah
Iyo gooni ubaxaan
aan ku garan karaayee
ii gorfeey bal sheekada
 aan kuu gar celiyee
gabankii waxuu yiri:
sida aad garataba 
waan ahay wiil guur raba
 balse kuma garanayee
 ii guuri magacaada(iiqor)
gabadhi waxay tiri:
magac guuris ma aqaan
layma geyn iskuuloo
guri joogto aan ahay
 guur doona waan ahay
gabanki waxuu yiri:
gabar dagan ayaa tahay
sida aan garwaaqsaday
balse guurki aan rabay
halkaasoo ku go'ayoo
kuma guursan karayee
go … go … abaayooy.
Gabadhi waxay tiri:
Gabanyahow maxaa dhacay
Waad iga gadoodaye
Guri joog hadaan ahay
Gabanyahow maceeb baa
Aaway guurki aad waday
Guhaad igu abuurtaye
Walaal guurka ila garo
Go go du waa maxay????
Gabanki waxuu yiri:
Go aansaday walaaley
Gob kastaba hadaa tahay
Kuma guursan karayee
Gambolaydu kaa badan
Adigana gayaankaa
Guulahey hakuu sahlo
Go'aankaygu waxuu yahay
Hadaan kuu gorfeeyana
Hadii aan ku guursado
Howsha guriga aad gasho
Iidhasho wiil geesi ah
Adigana gab aad tahay
Yaa baraya ga’da diin
Oo gaynaa iskuulkana??
Gabdhii waxay tiri:
Waan ku gartay walaalow
Waadna iga gar leedahay
Balse waxaan go'aansaday
Goortaan aan joogniyo
Ka gadaal hadaan kaddib
Wax barashaan u go’ayaa
Gaban kastoo isbarana
Gees buu iga maraayoo
Guri joogtadaan ahay
Guhaad igu abuurtaye
Walalow go’aansaday
Ga’da inaan bartaayoo
Is geeyaa iskuuuuul

Dhamaaaaaaaaaaaad

W/Q: Engineer Hussein Omar Siyad
         Faculty of mechanical engineering, 
        Nile Valley University, 
Adbarah, Sudan

Sirta Nolosha 3: Raggu maxay gayaankood ku xushaan?


Qeybta 6aad uguna dambeysa taxanaheena:-
 
Si kastaba ha ahaatee aan qormada isku soo xooriyee, waxaan isleeyahay waxaa ugu habboon inta gayaan dumar lagu xusho aqoon iyo edeb, quruxduna waa hadba sida ay indhahaagu ku tusaan, waxaase la heli karin dhaqan wanaagga iyo sifooyinka soo socda oo gabadhi ka aradan aaney quruxi meel geyn karin, tii lehna ay tahay boqorad raggu wada raadiyaan, waana kuwan:-
  • Daacad ah
  •  Dhaqan wanaagsan
  • Qaddarin badan
  • Dareen jaceyl leh
  • Daryeel badan
  •  Ku aaminsan
  • Warkaada maqasha
  • Adag ama howl kar ah, isla markaana aan isla weyneyn
  • Aan carrab dheereyn
  •  Ereley aheyn
  • Tartan ku gelisa adoon filaneyn
  • Caqli badan
  •  Rabitaankeeda kuu sheegan karta
  •   Curis ama hal-abuur leh, fikrad cusubna keenta
  •   Nafteeda daryeesha
  •  Gaari ah
  •   Aan basariyad ama areebo aheyn
  •   Dhoola caddeys badan
  •   Shakhsiyad adag leh
  •   Isku kalsoon
  •   Cod dabacsan oo deggen leh
  •   Mahadcelin badan
  •   Fakir ahaan madax bannaan
  •   Dareen ahaan bisil
  •   Qancis badan
  •   Sxbtinimo leh
  •   Deggen oon dagaalley aheyn
  •   Aan iska dhigin wax aaney aheyn
  •   Ku qanacsan waxa ay tahay
  •   Ku dhageysata markaad hadleysid
  •   Isku dan aad tihiin
  •   Ku farax gelin karta

FG: intani waa tusaale yar uun ee intaa kuma eka tilmaamaha wanaagsan.

 Dhammaad....

Waxaa diyaariyay: Dr C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr Insi)
                                    Isbitaalka Jaamacadda sayniska & Tiknoloojiyada
                                    Sanca -- Yemen

Thursday, 14 March 2013

Sirta Nolosha 3: Raggu maxay gayaankood ku xushaan?


Qeybta 5aad:-

Diinta: gabadha aqoonta leh, gaar ahaan tan diineed waxa ay wadataa wax weyn oo xulashada ragga usoo jiidaya. Aqoonta diineed gabadha leh waa tan nabiga NNKH uu noo ishaaray inaan raadinno.
Aqoonta waxa ay kor uqaadeysaa gabadha oo ay ka dhigeysaa qof garanaya xaqa lagu leeyahay iyo kan ay leedahay. Waa dugsi laga dugaashado aqoon darrida, Markey hooyo noqotana carruurteeda ayay waxbareysaa, waana tan l ayiraahdo: haddii aad gabadh wax bartid waxaad waxbartay ummad.

Haddaba iyadoo aqoontu sidaa ugu muhiim tahay gabadha, ayaa haddana waxaa dhacda in buldhooyinka dalalka dib udhacay qaar aaney qiimeyn, oo gabadha waxbaratay guurka ka raagto sababo la xariira fikrado qallafsan, kuwo kalene gabdhaha wax lama baro, nasiib darro inagoo muslimiin ah ayaa gabdhaheenna inta nasiib uhesha waxbarashada ay aad u yaryihiin, inta waxbarashada la geeyana tiro aad u yar ayaa heer sare ka gaarta.

Qarniga 21aad ee la marayo nasiib darrada nagu dhacday oo uur ku taalo ku beertay inta damqashada leh waxaa ugu sii xanuun badan warbixin ay soo saartay hay'adda UNICEF oo soomaaliya ku saabsan waxaa lagu sheegay in 23% gabdhaha gaaray heerka waxbarashada loo diiwaan geliyay dugsiyada hoose inti udhexeysay sanadaha 2007-2010, waxaa kaloo lagu xusay in gabdhaha gaara ama xaadira dugsiga sare ay yihiin 8% oo qura inti udhexeysay 2005-2010. tani uur ku taallo miyaaney aheyn?!
Sidoo kale hay'adda sirdoonka mareykanka ee CIA waxa ay ku xustay the wolrd factbook, in gabdhaha soomaaliyeed ee ka weyn da'da 14 sano oo wax akhris qoris garanaya ay yihiin 25.8%, taasoo micnaheedu yahay in gabdhaheenna aaney akhris iyo qoris awoodin 74.2%. Aqoondarrada guud ee bulshada dhexdeeda ahna ay aad u sareysa, warbixinta dambe waxaa lagu xusay in guud ahaan soomaalida da'doodu la egtahay ama ka weyn tahay 15 sano 37.8% ay wax akhris iyo qoris awoodaan.
Aniga sidey ila tahay war naguma galin waxaana u baahannahay inaan dib isu xisaabinno halkaan dunida ka mareyno, waxaana waalidiinta soomaaliyeed si deggen uga codsanayaa inay Rabbi uga baqaan gabdhahooda oo ay cadaaladda ku dadaalaan, oo ay iska iloobaan hal heys meel ka dhac ku ah gabdhaheenna oo ah; gabar maxaad wax ka baree kushiin lee udambeeyee! iwm. Miyaaney ogeyn in gabdhuhu qeyb weyn ka soo qaateen faafinta diinta islaamka, culimadi ugu waa weyneydne ay iyagu kamid ahaayeen? Miyaaney ogeyn in Caa'isho RC ay asaxaabtu u imaan jireen markey mas'alo diini ah isku qabsadaan oo ay iyadu kala saari jirtay?
Miyaaney ogeyn in jaamacaddi ugu horreysay dunida ay sameysay gabadh muslimad ah oo la oran jiray Faadima Alfihri sanadki 859 miilaadi, jaamacadaas oo la oran jiray jaamacat al qarawiyiin, waxay ku tiil magaalada Faas ee dalka Marooko?

Waalidiinteena qiimaha lahow xasuusnaada xadiiski nabigeenna NNKH ee macnihiisu ahaa: [Alle ka baqa carruurtiinnana cadaalad u sameeya], iyo xadiiski kale ee ay weriyeen Beyhaqi iyo Dabaraani ee micnihiisu ahaa: [carruurtiinna u sima siismada, haddaan qof usiyaadin lahaa waxaan dooran lahaa dumarka].

La soco Qeybta 6aad....

Monday, 11 March 2013

Sirta Nolosha 3: Raggu maxay gayaankood ku xushaan?

Qeybta 4aad:-
 
Halbeegga quruxda Soomaalida:
Odayadeeni hore ee soomaaliyeed waxa ay tilmaan ka bixiyeen sifooyinka ay leedahay gabadha qurxani, waxaadna ku arki kartaa sheeko soomaaliga qoran ama la weriyo. Tilmaamaha qaar waxaan la wadaagnaa ummado badan, gaar ahaan carabta oo meelo badan aan isaga dhawnahay, qolo kastena aragtideeda ayay ku saleysay tilmaantooda. Waxaa la yiri: waxaa jira 30 xubnood oo quruxda dumarka laga daawado, haddii gabari leedahay ayse gabar tahay, guurkeeda sinna looma daayo. Haddey naag nin leh tahayne waxaa laysku dayaa in ninka qaba lagala baxo (Qeybta dambe dhaqanka suuban ee islaamka iyo kan soomaaliyeedba way khilaafsantahay). Waxa ayna kala yihiin:
·         Afar waa inay  u dhumuc leedahay: Labada kub iyo labada cududood
·         Afar waa inay u dhaadheer tahay: Labada gacmood, timaha iyo qoorta.
·          Afar waa inay u caddahay: Labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab
·         Afar waa inay u madmadowdahay: Labada sunniyood iyo labada indhood wiilkooda.
·         Afar waa inay deeb u leedahay: labada dibnood iyo labada mudane ( Naasaha caaraddooda).
·         Labana waa inay uyara shilis tahay: labada takoorin (miskaha ama simaha) soo raacooda wareegsan
·         Labana waa inay u dhuudhuuban tahay: Qoorta iyo dhexda.
·         Labana waa inay u shushuban tahay: Labada dhaban.
·         Hal waa inay u qoran tahay: waa sanka
·         Hal waa inay u buuxdo: waa shafka
28kaas araggey uqurux badantahay.
·         labane maqalkooda ayaa dheguhu ku raaxeystaan: waa qosolkeeda iyo codkeeda macaan.
Tilmaamahaas waxaa soo raaca oo ay soomaalidu sheegtaa kuwo kale, sida:
Midabka: maarriin dhalaal ama casaan raac ah, sida: maarriin dhalaal xiga
Jir ahaan: buuxda oo aaney weyd aheyn, buurnaanna laheyn oo inta xubnaheeda qor qoranyihiin dhexduna yartahay.
Bal aan hal tusaale ka soo qaato suugaanteenna, waxaan ka eegeynaa qeyb k amid ah heesta suleekha, ereyada Max'ed Ibraahim Warsame 'Hadraawi'.
…………………………………
Sansaankaagiyo jaaha
Sara joogiyo tooska
Dhexda soohane tooxda
Sayn fardoodda ka dhuuban
Biixiyaa isa saaran
Gaaraara kala soocay
Sanqaroorka la dhiibshaa
Nafta aan sasabaayo
Somal-haad gelinaaya
Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta
Saatirkii ku abuuree
Saluuglaay indhahaaga
Saldhiggooda qorsheeyee
Saxarkii ka daboolee
Baalashooda ku saabshee
Suunniyaa ku hadheeyee
Hareeraa kaga seeraa
Hibo gaara ku siiyoon
Cidna kuula sed qaybin
Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta
Saatirkii ku abuuree
Qoortan aad samay mooddo
Cabbaadhyaa ku sargooyiyo
Sidrigaagiyo laabta
Timahaagan ku seexdee
Kolka aad doc u saydho
Sararaa ka degaayee
Sabarkaaga tegaayaan
Samayskooda la yaabay
………………………………… 
Inkastoo tilmaamahaas soomaalidu sheegto haddana qaarkood baa tilmaamahaas kuwo lidkood ah sheega, tusaale ahaa; Aweys Khamiis C/lla waxa uu ku heesay: ''…Gabar haddii gacal kaa galaayoha gaabanaato ha guduudanaato …''.
La soco Qeybta 5aad

Thursday, 7 March 2013

Sirta Nolosha 3: Raggu maxay gayaankood ku xushaan?


Qeybta 3aad:-

Shaqada maqaarka:
    1. waxa uu ka hortagaa in biyaha jirka ku jira ka soo baxaan
    2. waxa uu ka hortagaa in jirka wax shisheeye bannaanka ka soo galaan, sida; biyaha iwm
    3. waxa uu ka hortagaa in jirka si fudud dhaawac usoo gaaro
    4. waxa uu jirka ka difaacaa qaar ka mid ah bakteeriyada si aaney u galin
    5. midabka maqaarka waxa uu jirka ka difaacaa ileyska cadceedda ama qorraxda
    6. maqaarka waxa uu inoo sameeyaa fitamiin muhiim ah, waa Vit D isagoo kaashanaya ileyska cadceedda. Ileyska qorraxda marka ay ku dhacdo maqaarka, 7- dehydrocholesterol ayay u bedeshaa Vit D. fitamiin D waxa uu koontaroolaa metabolism ka kaalsiyamka oo dhisa lafaha. Haddii la waayana waxaa hoos udhacaya heerka dhismaha lafaha, dabadeedne waxaa dadka waaweyn ku dhaca cudurka lafa jileeca (Osteomalacia), carruurtana (Rickets), dabadeedne lafaha ilmaha yar yar ayaa qalqalloocsamaya, gaar ahaan lugaha oo aad looga dareemo. Fitamiin D cuntada aynu cunno ayaa laga helaa lkn waa xaddi yar oon ku filneyn qofka, sidaa awgeed waxaa lagama maarmaan ah ileyska cadceedda inay ku dhacdo maqaarkeena.
    7. maqaarka waxa uu soo saaraa dhididka, oo ah wasakh jirku ka takhalusayo, waana mid kamid ah hab dhiska qashin saarka jirkeena
    8. waxa uu ushaqeeyaa qaab air condition ah oo waxa uu maamulaa heer kulka jirkeena, marka uu qabow jiro wuu diirranyahay, marka uu kuleyl jirana wuu qabowyahay
    9. waa xubin dareen, waxaana ku dhex jira xididdada dareenka wada, sidaa awgeed waa waxa aan ku dareenno kala duwanaasha heerkulka, iwm
    10. waa xubin ka mid ah difaaca jirka, waxa uuna leeyahay unugyo difaaca jirka

Shaqooyinkaas faraha badan iyo kuwo kaleba waxaan ku weyn karnaa si fudud, haddii inagoo qurux raadis ah aan  u adeegsanno walxo kiimikaad oo isbedel iyo dhaawac gaarsiiya dabaqadaha maqaarka.

Waxaa laga yaabaa in dumarka qaar ku doodaan gabar aan is caddeyn raggu ma doonayaan sidaa ayaa nagu kalifeysa iscaddeynta!, balse waxaan oranayaa ragga haddii aadan ku qanacsaneyn iscaddeynta idin kuma qasbi karaan arrintan boogta ku ah quruxda gabadha soomaaliyeed. Midabka madow haddaad xummaan mooddaan iska ilooba, aniga waxaan idin leeyahay waa hibo uu Ilaah idin siiyay iyo qurux aad dadyowga kale dheertihiin. Hadalkaa iskama oranayee iga hooya caddeynteeda cilmi ahaan. Midabka madow ama maarriinka ah waxaa jirka siiya unugyo maqaarka ku dhex yaal, gaar ahaan dabaqada kowaad, oo la yiraahdo Melanocytes, waxayna sameeyaan maaddo midabka keenta oo l ayiraahdo Melanin, taasoo ileyska qorraxda waxyeelladiisa jirka ka ilaalisa. Teeda kale ee muhiimka ah inaan ogaanno waxa weeye, inuu jiro nooc ka mid ah kansarka ku dhaca maqaarka oo la yiraahdo Melanoma oon ku dhicin dadka madow. Ilaah xikmaddiisa weynaa!, ingana caddaan ayaa nagala raacay asaan maqaarkeenna u horseedeynaa kansar iyo wax aan horay loo maqal. Midabka madow ama maarriinka ah waa qaali, reer galbeedkana ay aad u raadshaan, weliba intaa ku sii darsee gabdhaha qaada boqoradda quruxda ma ahan caddaan, ee waa maarriin!.

Dawooyinka la isku caddeeyo maqaarka ma ifiyaan oo qurahe waxa ay baabi'iyaan oo shaqadooda meesha ka saaraan unugyada melanocytes la yiraa ee melanin ta sameeya, mar alle marka gabadhu marsatana waxa ay meeshaas kuweyneysaa xubin weyn oo jirka ka difaacda waxyeellada ileyska cadceedda, taasoo ka dhigeysa inay u nuglaato waxyeelladeeda.

  1. Qoorta: waxaa la tilmaamaa qoorta dhererkeeda, dhuubnideeda, cabbaaryaheeda iwm, qolo kastana tilmaamo ayay sheegaan, inagase ka soomaali ahaan aad ayay suugaanleydeenu uga hadleen xubintaas, waxaadna la ashqaraari doontaa badnidooda markaad dib ugu laabato suugaanteenna.
  2. Dhexda: waa lagu kala duwanyahay cabbirka xulashada dhexda gabadha, waxaana hadba saameyn ku leh dhaqanka bulshada. Diraasad uu faafiyay bogga arrimaha bulshada ee Psychology Today waxaa lagu sheegay in raggu la dhacaan ama ay u jajabanyihiin dhexda yar oo weliba cabbirkeedu yahay 70% ballaadhka miskaha,  taasoo uu ku sheegay inay tahay halbeegga quruxda. Sidoo kale diraasad kale ayaa sheegtay in raggu halbeeggaas quruxda iyo xubnahoodaba ay isha ku mariyaan 0.2 ilbiriqsi ee ugu horreysa, taasoo ka dhigan in xataa wax aad uga yar hal biriqsi ay ku sahmiyaan.
  3. Midabka: waa meesha ugu daran oo la isku khilaafsanyahay, balse soomaali ahaan waxaa la sheegaa midabbo dhowr ah balse markaan eegay iska ag dhaw, sida; maarriin dhalaal xiga, midabka dhiinka ah iwm, sidaa si lamid ahna qolo waliba midabkooda ayaa cabbirka quruxda ugu jira, marka laga reebo reer galbeedka oo gabadha qurxan midabkeeda ku tilmaamay brownish (maarriin).
  4. Shafka: waa barta ku xigta wejiga oo ay raggu gabadha ka eegaan aragtida kowaad, waana meel ay ishu ku xasisho marka ay soo gaarto, quruxda dumarkana qeyb weyn ka cayaarta, biseylka dumarnimadoodana muujisa.
  5. Gacmaha iyo Lugaha: waxa ay dhammeystiraan quruxda gabadha, waxaa la tilmaamaa dhererka gamcaha, dhumucda cududda, iyo kubka iwm
  6. Timaha: waxa ay soo saaraan muhiimna u yihiin quruxda, sidi qodabada horene waa meel dadyowga dunida aaney isku si u tilmaamin qaabka quruxda, balse soomaalida waxa ay tilmaamaan timaha dhaadheer oo madow, waxaana taa nala wadaaga ummado kale sida carabta.
La soco Qeybta 4aad...