Friday, 13 July 2012

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Qeybta 4aad:

Maxaa dhaliya xanaaqa carruurta qaangaarka ah?
a.       Nolosha qoyska:
1.      Xiriirka qoyska oo yar: ilmaha oo dareema inuusan xiriir fiican la laheyn qoyska, talo, tusaale iyo dayeel fiicanna ka helin qoyskiisa gaar ahaan labada waalid.
2.      Ilmaha oo guriga kala kulma gacan ka hadal iyo muquunin.
3.      Hab dhaqanka guriga ka jira oo dhiiri gelinaya gacan ka hadalka iyo ismuquuninta
b.      Deriska: derisnimada waa wax saameyn weyn ku yeelata bani aadamka, waana tan soomaalidu tiraa; Deriskaa diintiisuu ku baraa, Deriskaa kuma caddeeyo kumana madoobeeyo ee sow yahay ayuu kaa dhigaa, Deriskaa waa ilaalo aan laguu dirsan. Deriska oo fal dambiyeedku ku badanyahay waa arrinta ugu halista badan ee saameynta ku reebta da’da soo koreysa. Deriskaada oo aadan waxba ka dhihi karin waa wax dhalin kara xanaaq.
4.      Dugsiga iyo jaalkaa: waxyeellada ka dhalata labadan meel waa mid horseedda mararka qaar welwel fara badan. Xilliyo badan xiriirka aan dusha waalidku kala socon oo uu ilmuhu la sameeyo asaxaab ka weyn  waxa uu horseedaa dhaqan xumi iyo gacan ka hadal.
5.      Maandooriyaasha iyo hubka: ku lugyeelashada labadan arrin waa mid horseeda cawaaqib xumo aad u weyn.
6.      Xilliga kala guurka ah ee dhalinyaranimada uu gelayo ilmaha: marxaladdan waxa uu waalid kasta u baahanyahay inuu barto isbeddellada ku imaanaya ilmihiisa si uu uga gudbo. Waalidku way adagtahay inuu fahmo ilmaha marxaladdan maraya waxaana badanaa dhaca iska hor imaad isugu jira af iyo addin, sidaa awgeed waxaan ubaahannahay dhammaanteen inaan baranno sida loo maareeyo.
La soco Qeybta 5aad iyo todobaadka dambe

Thursday, 5 July 2012

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Akhristayaasha sharafta lahow waxaa todobaadyadan noo soo socday qormadan xiisaha badan ee Fahamka xanaaqa , todobaadkana waxaan ka sii wadeynaa meeshi ay noo mareysay, ee ka bogasho wacan.

Qeybta 3aad:
Saameynta Caafimaad ee Carada
1.      Saameynta caradu ku leedahay wadnaha bani aadamka waa sida orodka, waxaa siyaadaya tirada garaaca halki daqiiqad, waxaa sidaa ku laba laabmaya xaddiga dhiigga uu wadnuhu tuurayo, taasoo dhib ku ah wadnaha, waayo waxa uu ku qasbayaa kordhinta shaqadiisa, balse farqiga ugu muhiimsan ee labadaa waa in orodka dhibka uu wadnaha ku hayo aaney waqti badan soconeyn, oo qofka markuu dareemo daal wuu joogsanayaa, balse carada qofku ma awoodo inuu is celiyo taasoo dhibaatada ku badineysa wadnaha.
2.      Careysanaha waxaa ku dhacaya sare u kac cadaadiska dhiigga ah si wadnuhu u saaro dhiig ka fara badan sida caadiga ah, halbowlayaashuna waxay si tartiib tartiib ah uweynayaan dabacsanaantoodi iyo awooddoodi inay fidsamaan , dabadeedne waxaa adkaanaya ama qallaf noqonaya gidaarkooda  si ay u awoodaan in dhiigga faraha badan ee wadnuhu soo tufayo u mari karo.
3.      Cadaadiska dhiigga oo si deg deg ah u kaca waxaa uu keeni karaa in dhiig ku furmo maskaxda taasoo keenta waxa loo yaqaan stroke, ama waxa uu saameeyaa xididada dhiigga ee indhaha waxa uuna sababayaa indho  la'aan kedis ah, ama sidoo kale waxa uu keeni karaa wadnaha oo howl gaba, dhammaan dhacdooyinkan waxa ay ka dhashaan waqti caro!.
4.      Glycogen ka waxa uu ka soo dhaqaaqayaa keydadkiisa beerka, dabadeedne waxaa kor u kacaya heerka sokorta ee dhiigga.
5.      Adrenaline ka oo kor ukaca waxa uu ku tagri falaa in badan oo tamarta keydka ah, taaso keenta in qofka caroonaya uu dareemo kul (kuleyl).
6.      Waxaa hakad gala dhaqaaqa xiidmaha (mindhicirrada), waana sababta dadka dareenka carada uu ku badanyahay ay ugu badantahay calool fadhiga (constipation).
7.      Waxaa sare u kacaya soo saarista cortisone ka, waxa ayna keeneysaa in xaddiga dufanka ee dhiigga uu sare ukaco si ka dhan ah borotiinka, cortisone ka waxa uu degayaa unugyada lymphatic (waa unugyada ku Shaqada leh difaaca jirka), waxa ayna keeneysaa inuu hoos udhaco difaaca jirka,  taasoo albaabada u fureysa jeermiga ilma aragtida ah ee keena xanuun ama cudur.
8.      Cortisone ka waxa uu siyaadiyaa aashitada caloosha taasoo ka dhigeysa in qofku unuglaado boog calooleedka.
9.      Daraasado dhawaan la sameeyay waxa ay xaqiijinayaan in xiriir ka dhaxeeyo dareen kaca nafta sida carada  iyo burooyinka kansarka , iyadoo isku dhexyaaca hormuunnada ee qanjidhada ay saacideyso inuu ka soo baxo kansar jirka xubnahiisa qaar.

La soco Qeybta 4aad iyo todobaadka dambe

Thursday, 28 June 2012

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Qeybtq 2aad:

Jirka siduu uwaajahaa xanaaqa?

Habdhiska dareenwadka sympathetic waxa uu dhaqaajinayaa qeybaha uu ubaahanyahay jirka xilliga uu dhacayo weerarka carada, halka habka dareenwadka parasympathetic la yiraahdo uu gudanayo kaalintiisa ah inuu howl gab ka dhigo qeybahaas si kmg ah si uu u waajaho carada. Tusaale ahaan:-

·         Waxaa si dhaqsi ah u kacayo cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha iyo neefsiga si loo dedejiyo ugudbinta oksajiinka iyo nafaqada murqaha iyo xubnaha.

·         Waxaa si dhaqsi ah loo soo dhaqaajinayaa tamarti ku keydsaneyd beerka, murqaha iyo unugyada xeydha si loo haqab tiro inta looga baahanyahay gulukooska, dufanka iyo borotiinnada fudud.

·         Waxaa la soo saaraa peptides oo ah habka isgaarsiinta qeybaha kala duwan ee jirka, waxa ayna xubin kasta ku leeyihiin soo dhaweeyayaal (receptors), halkaas oo peptides ka iyo soo dhaweeyayaashooduba ay sameynayaan kimikada dareenka.

·         Dhanka kale waxaa la mamnuucayaa ama shaqadoodu gabaabsi noqoneysaa difaaca jirka si jirka loogu beekhaamiyo tamarta xilliga carada.

·         Waxaa joogsanaya dheefshiididda, mindhicirraduna waxaa la siinayaa amar ah inay faarujiyaan cuntada la shiiday si uu ufududaado miisaanka jirka.

·         Waxaa joogsanaya howlaha ugxameynta (ovulation), kacsiga iyo rabitaanka galmada.
·         Waxaa joogsanaya insoliinka iyo hormuunnada korriinka iyo jinsiga si loo beekhaamiyo tamarta jirka.

·         Waxaa yaraanaya dareenka xanuunka.
  
La soco Qeybta 3aad iyo todobaadka dambe

Thursday, 21 June 2012

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa

Qormadan waxaan kaga hadli doonaa inshaa allaah arrin aad muhiim u ah cid kasta oo naga mid ahna ay waaya aragnimo buuxda u leeyahay, waa xanaaqa ama camalka (carada), ma jiro qof naga mid ah oo aan xanaaqin, balse waa lagu kala daranyahay, sidaa awgeed waxaan jecleystay inaan wax ka xuso mowduucan, waxaana xoogga saari doonaa sida ay udhacdo, saameynta ay qofka caafimaadkiisa ku reebto, qaabka looga hortagi karo iyo haddii ay dhacdo sida lagu xallinkaro ka hor inta aaney dhicin musiibo uu hadhow qofku ka shallaayo.
Qormadan oo aad udheer waxa ay ka koobantahay 10 qeyb oo todobaad kastaba aan mid idiin soo bandhigi doono.

Qeybta 1aad:

Qaabka uu xanaaqu udhacdo:
Sida dareen kaca ama caadifadaha kala duwan ee qofka soo mara, jirkeena iyo maskaxdeenuba waxa ay waaya arag ku yihiin xanaaqa. Run ahaantii waa tixan dhacdo jireed ay adagtahay in la sharraxo, dadka dhanna wada fahmaan sida uu qofku u caroodo, balse waxaan isku dayayaa inaan si sahlan usharraxo anigoo ugu yaraan soo dhaweynaya inuu qof kasta fahmo erey bixinnada caafimaad ee la xariira.
Niyad kacu ha yaraado ama ha badnaadee waxa uu ka billaabmaa laba unug oo qaabka lowka u sameysan oo ku dhex yaala maskaxdeena laguna magacaabo The Amygdala. The Amygdala waa qeyb ka mid ah maskaxdeena oo masuul ka ah garashada iyo fahamka waxyaabaha hanjabaadda ku haya hannaanka wanaagga nafsaddeena, iyo diridda digniin marka ay garato waxa handadaya qofka wanaaggiisa, taasoo ay ka dhalato inaan tallaabo ka hortag ah qaadanno. The Amygdala waa mid ka adag shaqadeeda ah inay noosoo digto marki wax isbedel ah yimaadaan, taasoo micnaheedu yahay inaan falcelis sameyno inta maskaxda qeybta loo yaqaan cortex (kortaks) (qeybta masuulka ka ah fikirka iyo garnaqsiga ama xukunka) ka aaney awood u yeelan inay hubiso caqli galnimada falceliskeena. Si kale haddaan u dhigo weedha, maskaxdeena waxaa loo kiciyaa qaab na saameeya ka hor inta aanan si habboon uga fakarin natiijada ka dhalan karta fal celiskeena. Tani ma ahan cudurdaar inaan dhaqan xumo ku kacno, qofku waxa uu xakameyn karaa rabitaanka dagaal doonida ah, waxa uu qofku ubaahanyahay oo qura waa inuu barto sida loo maareeyo carada, iyo xirfadaha la xariira dhaqan wanaagga iyo bulshaynimada.
The Amygdala waxa ay direysaa farriimo deg deg ah oo ay qaadayaan qul qulka dareenwadka waxaana loo dirayaa qanjidhka la yiraahdo hypothalamus oo ah barta hoggaanka ama laga soo saaro awaamiirta ku socota qanjidhada kale ee jirka, qanjidhka ku yaal gurada kilyaha ee loo yaqaan adrenal gland oo amarrada hypothalamus ku shaqeynaya ayaa waxa uu soo deynayaa hormuunka la yiraahdo adrenaline, oo ah kiciye xoog badan oo kiciya soo dhaweeyayaasha (receptors) dareenwadka loo yaqaan sympathetic nervous system, dabadeed saameynta dareenwadkaas awgii waxaa kordhaya garaaca wadnaha, cadaadiska dhiigga iyo xawaaraha neefsiga, wejiga qofka ayaa casaanaya, idimaduna waxay udiyaar garoobayaan inay jawaab bixiyaan, waayo dhiigga soo galayo xubnaha ayaa kor u kacaya si uu isugu diyaariyo falcelis jireed. Feejignaanta qofka ayaa yaraata waxa uuna ku koobmaa waxa ay caradiisu beegsaneyso. Waxaa sii kordhaya xaddiga adrenaline ka la soo saarayo oo sii dheereynaya xaaladda walaaca. Sidoo kale waxaa laga soo saarayaa qanjidhka adrenal gland hormuunka kortisone (cortisone) oo leh saameyn fara badan, waxaana adkaaneysa in xaaladdu dhaqsi ugu laabato sidi dabiiciga aheyd, waayo adrenaline ka waxa uu qofka careysani ka dhigayaa inuu ahaado mid kacsan, waxa uuna socon karaa saacado laga yaabo inuu qofku ku dhaco weerar caro oo cusub. Hadda qofku waxa uu diyaar u yahay inuu dagaalamo.
Inkastoo ay suuragal tahay in dareen kaca qofka uu gaaro heer aan la xakameyn karin, haddana maskaxda qeybta foolka gadaashiisa ku taal (naasiyah) ayaa dareenka xakameyn karto ilaa xad. Haddii the amygdala ay dareen kaca keento, maskaxda qeybta foolka gadaashiisa ku taala ama foodda waxa ay masuul ka tahay garnaqa ama xukunka. Qeybtaas dhankeeda bidix waxa ay damin kartaa dareen kaca qofka ama caadifadda. Waxa ay cayaartaa dowr fulineed si arrintan loo xakameeyo, taasoo micnaheedu yahay in qofku darso hababka caawinaya in cortex ka  ka gacan sareeyo the amygdala.
Haddii carada billaabashadeeda ay leedahay weji dhammaan kheyraadkeena loo leexiyo dagaal, haddana waxaa jira weji kale oo dib u qaboojin carada ah. Waxa uu ku billawdaa in dib loogu noqdo xaalad degenaan marka hadafka caradeena aaney noqon wax la gaari karo. Kacsanaanta uu keenay hormuunka adrenaline inta lagu jiro carada waxa uu socanayaa waqti dheer (saacado, mararka qaarna maalmo).
Sida ardayda intooda badan garanayaan marka qofku hurdoonayo waxaa adag inuu wax cusb barto. Feejignaanta dhex dhexaadka ah waxa ay caawinaysaa maskaxda inay barato, xasuusato, xoogga saarto isla markaana si habboon wax u fuliso. Waxaa jira heer dareen feejignaan ah oo waxtara xasuusta, haddana marka dareenkaas uu xad dhaaf noqdo waxaa adkaanaya in xasuus fiican oo cusub sameysanto. Dareenkaas sareeya sida markuu careysanyahay wuxuu hoos udhigayaa awoodda qofka inuu xoogga saaro arrin muhiim ah. Tanna waa sababta qofka ugu adagtahay inuu xasuusto faahfaahinta habka carada u qaraxday.

La soco Qeybtq 2aad iyo todobaadka dambe