Qeybta 2aad:
Waxaan la yaabay oo isoo maray
anigoo wax ka dhigaya mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho arday fadhiya ama
dhiganaya kulliyadda caafimaadka misne ay dhibayso waxqorista, waxa aan
weydiiyay: halkeed kaga timid jaamacadda? Miyaadan iskuul
soo dhigan? Waxa uu iigu jawaabay: hal sano ayaa jaamacadda waxa ay
isiisay waxbarasho iskuul oo kooban. Waxaan weydiiyay: sanadkaa ka
hor weligaa iskuul ma dhigatay? Waxa uu igu yiri: maya, waxyar oo biribaati aan dhigtay mooyee. Waxaan weydiiyay: oo maxaa ku fariisiyay
kulliyadda caafimaadka? Waxa uu iigu jawaabay: jaamacadda ayaa igu
tiri kulliyaddaad rabto dooro, anigane inaan dhakhtar noqdo ayaan rabaa. Alla
xanuun badanaa?!
Waxaa magaalada ku soo batay
jaamacadaha sheeganaya inay bixiyaan heerka labaad ee masterka iyagoo
magacyadooda ku lifaaqa magacyada jaamacado shisheeye oo waxa ay yihiin aanan
la garaneyn, qaar ka mid ah magacyadaas oo aan baarnay waxaa noosoo baxday inay
yihiin jamacdo aanan waxba ka jirin, ama aan tayo laheyn oo dalalkooda looga
oggoleyn bixinta wax ka sareeya darajada koowaad. Jaamacadaha magaalada kuwa
sheekadaan wada waxa ay u badanyihiin kuwo xataa aanan u qalmin heerka koowaad
ee waxbarashada jaamacadeed.
Waxyaabaha aan la amakaagay intaa
kuma ekee waxaan goobjog u ahaa in badan oo jaamacadaha Muqdisho ka mid ah,
kulliyadahooda caafimaadka inay been usheegaan ardaydooda weliba nurse ka
dhammeeya, iyagoo ku dhaho inay dhakhtarnimo u qaadanayaan ugana bilaabayaan
semester dhexe sida kan sideedaad ama todobaad. Waxaana sidaa darajada
dhakhtarnimo maanta ku qaadanaya boqolaal qaarkood maanta ku shaqeeya, qaarna
ay usoo carfeyso, waxaana dalka ku soo socda halis daboolan oo aan dad badan
umuuqan.
Dhanka caafimaadka waxaadba moodaa
inay ka sii darantahay, waxaa magaalada dhan laga sameystay goobo caafimaad oo
magacyo kala duwan wata oo ay ka holwgalaan burcad caafimaad boobay magaca
dhakhaatiirta, iyagoo bulshadeena ku baabi’iya dawooyin halis badan geysta ama sababa dhimasho. Qaar
ka mid ah meelahaas waxaa ka howlgala dad sheeganaya dhakhaatiir oo nidaamki
aan ka soo hadalnay wax ku soo bartay, iyo kuwo aanan weligood iskuul xataa
aanan soo marin ama farsamayaqaano ah, sida makaanik, dukaanle iwm. Qaarne
waxaa ka howlgala shisheeye u badan maafiyo aan caafimaad xariir la laheyn ama
dalalkooda rukhsada dhakhtarnimo lagaga xayuubiyay khaladaad caafimaad oo ay
galeen, waxaana shisheeyahaas ugu badan ruushan iyo wadamadi la isku oran jiray
midowgi suufiyeet, waxaa kaloo ku jira masaari fara badan, siiriyaan, Kenyan
iyo yugandhiis.
Dhibaatada ka jirta caafimaadka waxaa qeyb weyn
ka qaadanaya ganacsatada dawooyinka keena, kuwaas oo dalka keena dawooyin
dhacay, kuwo been abuur ah, iyo waxyaabo kale, waxaa taas sii dheer dalka
gudahiisa ayay waxyaabaha qaar ku farsameeyaan iyagoo ka dhigaya in dal hebel
laga keenay. Waxaa hubanti ah in waxyeelada ay dhaliyeen dawooyinkaas aaney yareen, islamarkaana aanan ku soo koobi karin hal qormo iwm.
1 comment:
waa sax waana wax ka jira magaaladaan o la iska indha tiro waayo dadkeena ayaa maskax ahaan xor ma ahan mana fikiraan waxa so socdana ma arkaan ila ay dhax galaan. ee allaw dadka iyo dalka noo hagaaji
Post a Comment