Qormadan gaaban waxaan ku soo qaadan doonnaa haddii Eebbe laga helo qiso aad u macaan oo ka hadleysa xanuunka ka dhalan kara markaad rabtid inaad sameysid isbedel khuseeya noloshaada.
Isbedelku waxa uu ka mid yahay furayaasha horumarka, waana waxa ugu daran ee ay ka baqaan dadka guul darreystay ama aanan fahamsaneyn nolosha xaqiiqadeeda dahsoon, waxa uuna wataa xanuun daran oo aanu u adkeysan karin qof kasta. Haddaba bal nala eeg qisadan macaan, dabadeedne si fiican ugu fiirso sida uu u xanuun badanyahay isbedelka.
Qisadan waxa ay ku saabsantahay shimbirka gorgorka la dhaho oo sameynaya isbedel si uu usii noolaado haddii kale maxaa dhacaya!
Gorgorku waxa uu ka mid yahay shimbiraha ugu cimriga dheer, waxa uu gaaraa ilaa 70
sano, balse si uu cimrigaas u gaaro waxa uu u baahanyahay inuu gaaro go’aan adag. Marka uu gaaro
40 sano, ciddiyihiisi aadka u dabacsanaa uguna carbisnaa qabashada ugaartiisa way
caajisayaan, waxa ay noqonayaan kuwo qallafsan oo aan dhaqso soo laabmeen. Gafuurkiisii xoogga badnaana wuu soo laabmayaa,
garbihiisuna waxa ay noqanayaan kuwo culus oo aad u dhaadheer,
waxaana ku adkaanaya inuu duulo.
Duruuftan awgeed gorgorka waxaa horyaala laba arrimood inuu
kala doorto:
Inuu is dhiibo oo uu sidaa ku dhinto ama inuu maro tijaabo isbedel oo xanuun badan oo soconeysa
150 maalmood.
Howlgalkan waxa ay u baahantahay in
gorgorku uduulo buurta dusheeda halka uu kadeggenyahay,
kaddibne waxa uu bilaabayaa inuu gafuurkiisa ku garaaco dhagax si xooggan ilaa ay
jabto qeybta hore ee gafuurka ee soo laabneyd, dabadeedne wuxuu sugayaa ilaa ay
ka soo dhalato mid cusub. Intaa kaddib wuxuu jebinayaa cidiyihiisa si lamid ah
sidi uu ku sameeyay gafuurka, dabadeedne waxa uu sugayaa inta ay
cidiyo cusubi usoo dhalanayaan. Marka ay usoo baxaan ciddiyo cusub waxa uu billaabayaa inuu tifo baalashiisa duqoobay. Muddo shanbilood
ah
kaddib gorgorku waxa uu billaabayaa duulimaadkiisi lagu yaqiinay isagoo wata dhiig da’yar oo aad mooddo dhalinyaro,
waxa uuna sii noolaan karaa 30 sano oo kale.
Qisadan waxaan ka dhadhansaneynaa in
markaad dooneysid isbedel lagaa rabo u
adkeysiga xanuunka ka imaanaya isbedelka aad sameyneysid,
waxaa laga yaabaa inaad isbedelkaas ku weysid wax aad heysatay sida: shaqo, hanti, qurux, mansib, magac, iwm
Dhammaad...
Waxaa isu soo duway: Dr. C/qaadir Insi, MD
1 comment:
Post a Comment