Qeybta 2aad:
Habka
weydiimaha:
1.
Rabitaankaada
caddeey: marki aad rabtid inaad wax
weydiisato qof ama koox dad ah waqti sii diyaarinta waxa aad dooneyso, xulo
ereyo aad si fiican uga fakartay oo saameyn weyn sameynaya. Waa arrin muhiim
ah, waayo hadalku waa hub, sidaa awgeed uxulo weydiintaada ereyo fiican, isla
markaana si cad u qeexaya waxa aad rabtid.
Waxa aad
weydiineyso haddaaney caddeyn, ereyada iyo weeraha aad adeegsaneysane isku
duubneyn faa’iido kama heleysid weydiintaada. Haddii aad u baahato dad xeel
dherayaal ah waad kala tashan kartaa sida ugu habboon ee ay weydiintaadu raad u
reebi karto.
2.
Kalsooni
wax ku weydii: inay kaa
muuqato kalsooni markaad weydiin sameyneyso waxa ay aad kuugu soo dhaweyneysaa
guusha. Muuji geesinimo, maadaama waxa aad rabtid ay kuu xaddidanyihiin. Tani
micnaheedu ma ahan inaad degdegto ama ku kadsoonto rabitaankaada iyo
aftahannimadaada ama ay isla weyniyu ku qaado,kalsoonidu waa wax laabta ka soo
baxa, dadka kaa agdhawne ay arkayaan. Waxa ugu xun ee niyad jabka dhaliya waa
in laguu diido waxa aad weydiisatay, balse kama dhigna in albaabadi kaasoo wada
xirmeen, waddo kale raadi, ha niyad jabin, mar walbana isku day inaad
xasuusnaato in aamusnaantu ka liidato in waxa aad weydiisatay laguu diido.
3.
Si
joogto ah wax u weydii: dadka qaar
marka ay diidmo la kulmaan hal mar gacmaha ayay ka taagaan iyagoo si dhakhsi ah
isu dhiiba. Haddii aad rabto inaad soo saarto kheyraadka dahan ee nolosha waa
inaad wax badan weydiisaa, waayo weydiimuhu waxa ay kuu furayaan albaabada
keydka aad ka heleysid sirta nolosha.
4.
Si
hal-abuurnimo leh wax uweydii:
casrigan tartanku wuu badanyahay, waxaa laga yaabaa in codkaada laga sara maro
ama uu ku dhex lumo buuqa yeeraya, dabadeedne lagu maqli waayo. Marka aad
rabtid inaad weydiin sameysid, hadal qura ha sameyn, adeegso hal-abuurkaada,
dooro sida ugu fiican ee aad sameyn karto, u xulo gogldhig gaaban oo saameyn
weyn leh, kaddibne u dhaadhac gunta ujeeddadaada.
Culimada
cilmu nafsiga waxa ay aaminsanyihiin in bani aadamka dhami leeyahay awoodda
maskaxeed ee wax dhiraandhirisa, waxa lagu kala duwanyahayne ay tahay uun inaad
is bartid sidaad ku soo saari laheyd awooddaas qarsan ee aadan ka war heyn. Ha
niyad jabin haddii in badan laguugu dhaliilay inaadan laheyn karti wax curis,
dhiraandhirin ama hoggaamin, balse isku day inaad baartid sida ugu fiican ee
aad uga faa’iideysan kartid keydka weyn ee kuu qarsan. Habka aad u
isticmaaleyso hal-abuurnimada weydiimahaadana waxa ay u baahantahay barasho, ku
celcelin iyo u samrid.
5.
U
weydii si daacadnimo leh: marka ay dhab
kaa tahay weydiintu dadka way kuu jawaabayaan, daacadnimaduna waa inaad ka run
sheegtid dalabkaada. Iska tuur been abuurka, turufatoornimada iyo wejiga
khayaanada ka muuqato, islamarkaana aad diyaar u ahaato dhaliisha iyo hadallada
aadan ku farxi doonin ee ka imaanaya weydiimahaada.
Waxa
aad dooneyso si dhammeystiran u gudbiso, adigoo ka akhrinaya laabtaada, ha isku
kallifin inaad iska dhigto wax aadan aheyn, caadi iska dhig, markaas ayay dadku
kuu furayaan laabahooda.
Dadka
raadinaya inay guusha ku gaaraan si fudud way yartahay inay guuleystaan, ee u
adkeyso xanuunka isbedelku leeyahay, si aad u gaarto buurta dhakadeeda.
Haddaba
si aan akhristayaasha ugu dhiirrigeliyo u adkeysiga xanuunka isbedelka waxaan
qormada tan xigta idiin soo gudbin donaa sheeko arrintaa ku saabsan oo aad ka
heli doonto inshaa allaah.
Dhammaad ...
Waxaa
diyaariyay: Dr. C/qaadir Insi, MD
2 comments:
Aad ii anfacday xqqdii mhd snd Dr.
Post a Comment