Qormadan oo uu qoray bogga arrimaha caafimaadka ka faallooda ee [Every
Day Health Information] lagu magacaabo ayaa si hoose uga hadleysa astaamo raggu ku fahmi karaan gabdhaha
ay lasheekeysanayaan inay jecelyihiin ama ay aad u daneynayaan iyo in kale.
Qormadan oo ku timid baaris ay
sameeyeen khubaro cilmi nafsiga ku xeeldheer waxa ay cinwaan uga dhigeen:
“haku kadsoomin gabadh aanan laheyn astaamahan’’waxayna ku billaabaneysaa sidan:
1.
Ballaadhashada barta madow ee isha:
waa calaamadda ugu muhiimsan marka ay gabadha ku jecel ku eegeyso in
barta madow ee isheeda ballaadhato iyadoon dareemin, waxaana taa u
sababa murqo yaryar oo isha ku yaal isbedel ku imaanaya,
dabadeedne barta madow ay ballaadhaneyso,
waxayna dhalineysaa calaamaddan kuu muujineysa in gabadhani ay
jeceshahay inanka ay
la joogto, waana calaamad xooggan. Gabadha ku jecel waxaad kaloo ku arki
kartaa iyadoo muddo ku eegeyso haddii aad soo eegto inay si degdeg
ah isha kaaga wareejiso, taasoo aysan ku xirneyn rabitaankeeda balse uu
sabab u yahay nooc ka mid ah dareenwadka oo loo yaqaan sympathetic
nerves oo ay aragtida qofka
ay jeceshahay saameyn ku yeesha, dabadeednedhaliya qulqulka hormuun la
yiraahdo
adrenaline kaasoo ah waxa keenaya isbedellada isha ku imaanaya.
Dareenwadkan waxaa aad
u kiciya isbedel kasta oo ku yimaada nafsadda qofka, sida; caadifadda,
cabsida, carada iwm.
2.
Dhageyso codkeeda:
codkeeda haddii uu inyar ka hooseeyo kii lagu yaqaanay waa calaamad kale
3.
Ka eeg dhoolacaddeys:
markaad u sheekeyneyso waxa ay sameyneysaa dhoolacaddeys khafiif ah oo ay
isku dayeyso inay qariso yaxyax awgii, xataa haddii aadan ka hadleyn wax qosol keeni kara.
4.
Dhaqdhaqaaqa jirkeeda:
si aan ku talagal aheyn ayuu jirkeeda fasiraad uga bixinayaa dareenkeeda, tusaale ahaan; haddii
ay hortaada soojoogsato iyadoojirkeeda isku duubneyn waxa ay muujineysaa kalsoonida, dhiirranaanta
iyo hanka ay kuu qabto, balse haddii ay ku soo hor istaagto iyadoo gacmaheeda isku duubanyihiin waxa
ay ku tuseysaa inay welwelsantahay ama ay ka xishooneyso in ay kula hadasho.
Eeg bushimaheeda haddii aad ka aragtid inuu ku jirojareys aad ufudud ogaw inay ku jeceshahay,
haddiise aad ku aragtid iyadoo isku dayeysa inay gacanta ku taabato bushimaha ama qaniineyso gabadhaasi aad
bay kuu xiiseyneysaa.
Ugu
dambeyn xasuusnow calaamadahan
ma qarin karto gabadha oo waa wax aan ku xirneyn xakameynteeda,
sidaa awgeed si feejignaan leh ulasoco calaamadahan oo ha lumin fursad,
waxa ayna qormadan ku soo gabagabeeyeen inuusan ninku ku kadsoomin
gabadhi aanan laheyn astaamahan waayo kuma jecla.
Waa
yaab!
Waxaa isusoo duway: Dr
Abdulkadir Insi, MD
1 comment:
Post a Comment