Qeybta 4aad uguna dambeysa taxanaheeni
Diinta islaamka iyo gudniinka Gabdhaha
Diinta islaamka waxa ay waajib ka dhigtay gudniinka wiilasha, balse kama hadlin gabdhaha, dadka u ololeeya ama ku dooda in arrintaasi ka mid tahay sunnaha nabiga NNKH waxa ay soo daliishadaan xadiiskan ku qoran sunan abuu daawuud oo sheegaya: ummu cadiyah al-ansaariyah waxaa laga weriyay in nabiga NNKH uu ku yiri:
[أشمي ولا تنهكي، فإن ذلك أحظى للمرأة، وأحب إلى البعل]
micnaha waxa weeye: ''marka aad gudeysid gabdhaha ha wada jarin (kintirka), sidaa ayaa iyada u fiican ninkeedana jecelyahay''. Xadiiskan waa daciif, waana kan kaliya ee ay soo daliishadaan dadka muslimiinta ah ee gudniinka sameeya.
Haddii xataa aan ka soo qaadno in xadiiskan lagu dhaqmo waxa uu ka hadlayaa waa in la jaro qolofta ku dahaaran kintirka (koofida kintirka), ee ma ahan in la jaro kintirka laf ahaantiisa, waana nooca muslimiintu u yaqaaniin gudniinka sunniga ah. Waxaa kaloo jira qaar muslimiinta ka mid ah oo sunniga uyaqaan in la jaro Kintirka iyo faruuryaha yar yar, balse taasi waa mid aan hadalka ku jirin.
Inkastoo culimada muslimiinta ay isku khilaafsanyihiin jiritaanka wax la yiraahdo gudniinka gabdhaha, haddana waxa ay isku wada raacsanyihiin inaaney jirin nusuus cad oo diini ah oo ku sheegaya inuu sunno yahay gudniinka gabdhaha (iskaba daa waajib inuu yahaye). Arrinta kaliya ee ay ku soo daliishanayaana waa xadiiskaa daciifka ah.
Haddaba gudniinka gabdhaha dadka ku dhaqma waxa ay ku saleeyaan inuu yahay qeyb ka mid ah Diinta islaamka, iyagoo haddana sameynaya fircooniga oo culimada dhammaantood ay ka mideysanyihiin inuusan bannaaneyn. Culimada qaar ayaa sheegaya in gudniinka gabdhaha uu sharaf uyahay.
Ilaah SWT wax kasta waxa uu u abuuray xikmad uu isagu ogyahay, xubnahan laga jarayo gabadha waxaa ku jira xikmad uu ilaah ka leeyahay. Ilaah waxa uu quraankiisa meelo badan ku sheegay in abuurista bani aadamka uu u abuuray si aan nusqaan laheyn.
Diinteena waxa ay xaaraantinimeysay in abuurista ilaah wax laga bedelo, axaadiis iyo aayado fara badan ayaana arrintaa taabanayo, aan qaar ka soo qaadanno aayadahaas.
Ilaah waxa uu yiri:
(وخلق كل شيء فقدّره تقديرا)
suuratul furqaan, aayadda 2aad
Oo micnaheedu yahay: (Wax kasta asagaa abuuray oo weliba si qiyaasan u sameeyay)
(هو الذي يصوّركم في الأرحام كيف يشاء لا إله إلا هو العزيز الحكيم)
suuratu aala cimraan, aayadda 6aad
Oo micnaheedu yahay: (Waana "Eebbe" kan idiinku sawira Ilma-galeenka dhexdiisa siduu doono, Ilaah kale ma jiro, waana casiis xikmad badan).
(لقد خلقنا الإنسان في أحسن تقويم )
suuratu altiin, aayadda 4aad
Oo micnaheedu yahay: (Dadka waxaynu ku abuurnay muuqaal kan ugu wanaagsan).
(لعنه اللهم وقال لأتخذنّ من عبادك نصيبا مفروضا** ولأ ضلنهم ولأمنينهم ولأمرنهم فليبتكن ءاذان الأنعام ولأمرنهم فليغيرنّ خلق الله ومن يتخذالشيطان وليا من دون الله فقد خسر خسرانا مبينا)
aayadaha 118 iyo 119 suuratul nisaa'
micnaheedu waa: (allaha naxariista ka fogeeyo, Waxa uu "Sheydaan" yiri: Waxan addoomankaaga ku yeelanayaa qayb sugan. Waan luminayaa, waan rajo gelinayaa, amarna waan siinayaa, waxayna markaa jeexjeexayaan dhegaha xoolaha, amar baan siinayaa, waxayna beddelayaan abuurka Alle, ruuxii "Eebbe ka sokow" sheydaan wali ka dhigtaa khasaare cad buu khasaaray).
Aayadahan waxa ay inoo caddeynayaan in sheydaan uunan nasaneyn oo muslimiinta qaar ka mid ah uu amarro siinayo, haddii xoolaha dhegaha laga jarayo uu isagu amray dadka si ay abuurka alle u bedelaan maxaad ka oran laheyd akhristow xubnaha gabadha muslimadda ah laga jarayo dowrka uu ku leeyahay?
Axaadiis badan oo waxaa jirta ka hadlaysa in nabigu NNKH uu lacnaday dumarka timaha isku xariiriya, kuwa ilkaha fanaxda (fantaxda) usameeya iyo kuwa shabbadeynta sameeya (tattooing), dhammaantood waxa ay ku kaceen oo ay lacnaddaas ku muteysteen waa inay abuurka ilaah wax ka beddeleen, sideedana lacnad marka ay Meesha soo gasho waa arrin kabaa'irta ka mid ah. Sidaa awgeed in gabadha laga jaro xubnaha taranka waxa ay soo hoos galeysaa arrimaha wax ka beddelidda abuurka ilaah, waana amarrada sheydaanku dadka ku luminayo. Haddii gudniinka gabadha diinteeda iyo wanaaggeeda ku jiro nabiga NNKH ayaa inoo caddeyn lahaa, nana fari lahaa inaan ku dhakhsanno, balse taa caksigeed ayayba arrintu tahay.
Guurka waxa uu ilaah ugu talo galay in labada is qabtaa ku raaxeystaan, ma ahan iney isku dhibsadaan.
Ilaah waxa uu leeyahay:-
(ومن ءاياته أن خلق لكم من أنفسكم أزواجاً لتسكنوا إليها وجعل بينكم مودة ورحمة, ...)
Suuratu al-ruum, aayadda 21aad.
Micnaheeduna waa: (ilaah aayadihiisa waxaa ka mid ah inuu idiin abuuray xaasas si aad ugu xasishaan, waxa uuna dhexdiina dhigay kalgacal iyo naxariis).
Haddii gabadha la xubno jaro waxaa Meesha ka baxayo kalgaceylki ay u qaadi laheyd ninkeeda, maadaama dareenkeedi wixi saacidayay laga dabar gooyay, taana waxa ay ka dhigantahay in abuurista ilaah wax laga beddelay.
Isku soo wada xooriyoo arrinta gudniinka gabdhaha waxaan u kala saareynaa diiniyan laba qeybood:
1. Mid xaaraan cad ah oo culimada dhammaantood ay isku raacsanyihiin xaaraantinimadiisa, waana kan ku lug yeesha jaridda Xubin ka mid ah xubnaha taranka dumarka ee aan horey usoo sheegnay
2. Mid culimada qaar ay u arkaan mid aan dhib laheyn, waana kan khuseeya jaridda koofida Kintirka ama buuryada
Labada qeyboodba ma ahan wax diiniyan nala faray, aragtideydana waxa ay iigula muuqataa in loo baahanyahay in gebigoodba laga mamnuuco Dalkeena, maadaama gabdhaheenu waaya badan ay ku caddibnaayeen xubno goyn aan ku tilmaami karo inay tahay nolol duug lamid ah tii carabti jaahiliga ay ku sameyn jireen gabdhahooda oo ay nolosha ku duugi jireen.
Gabagabo
Marka aan si fiican u eegno dhammaan waxyaabaha aan ku soo uruurinay qormadan waxaa qof kasta maskaxdiisa soo maaxaneysaa jawaabta su'aasha ah; gudniinka faa'iido iyo khasaaro keebuu u keenaa gabdhaha? , dabcan dhib mooyee faa'iido haba yaraatee ma lahan nooc kasta oo gudniinka gabdhaha ah, waana arrin badanaa ku saleysan caado dhaqameed fool xun oo kumannaan sano soo socotay, waana qeyb ka mid ah caadooyinka islaamka uyaqaano jaahili, taa oo ood wadaag la ah nolol duuggii gaaladi carabta ku sameyn jireen gabdhahooda iyagoo aaminsanaa inay ceeb tahay in gabari kuu dhalato. Tan gudniinkana waxa ay dadku ku andacoodaan haddii aadan gabadha gudin ceeb ayay kuu keeneysaa, iyagoo ku sheega inaan xaaraanta laga jarin!!.
Waxa ay dhahaan dadka aan aqoonta badan laheyn: '' caado la gooyay caro alley leedahay ''!!, iyagoo isku dayaya inay kaa dhaadhiciyaan in waxani haddii aaney Diinta sal ku laheyn ay tahay dhaqankii ayeeyayaasheeni hore ku noolaayeen. Haddii dhaqanka ka horyimaado Diinta ama ummadda waxyeeleynayo waa iska caddahay inay waajib noqoneyso in la gooyo.
Waxa ay ila tahay in arrintani ubaahantahay wacyigelin qoto dheer oo ay iska kaashadaan culimada Diinta, dhakhaatiirta, aqoonyahannada, haweenka iyo saxaafadda, si loo joojiyo dhaqankan lidka ku ah nolosha gabdhaheena, weliba waxaa kaloo muhiim ah in dawladdu ka soo saarto sharci si cad u mamnuucaya nooc kasta oo gudniinka gabdhaha ah. Sidoo kale waxaa khalal weyn ka jiraa sida aragtideyda ah habka barbaarinta ubadka ee soomaalida, waana kan qeybta ugu weyn ka qaato sii socoshada dhaqankan gummaadka ah ee lagu hayo gabdhaheena, dadkeenana waxaa ka maqan habka saxda ah ee diinteena islaamka ina fareyso inaan carruurteena ku barbaarinno.
Gunaanadka qormadan waxaan waano toos ah u dirayaa waalid kasta oo Soomaaliyeed gaar ahaan hooyooyinka inay ilaahey ka baqaan, gabdhahoodana aaney ku ciqaabin dambi aaney galabsan, waxyaabaha marmarsiiyada ahna ay iska daayaan, waayo haddii gabadha sharafteedu ku jirto gudniinka qur'aanka ama sunnaha nabiga NNKH ayaa lagu qeexi lahaa, waxa uu ilaah leeyahay:
(ما فرطنا في الكتاب من شيء) suuratul ancaam, aayadda 38aad
Micnaheeduna waa: kitaabka waxba ugamaanan tegin.
Oo wax kasta oo danaheena adduun iyo aakhiraba ku jira waa inoo caddeeyay islaamka, sidaa awgeed hooyo kasta ha xasuusnaato in waxani aaney Diinta sal ku laheyn, gabadhaada wanaageedana waxa uu ku jiraa inaad raacdo sida diinteenu na amareyso, barbarian wanaagsanna aad ku barbaariso si ay hadhow baari kuugu noqoto.
Tixraaca qormada:-
1. Alexia Lewnes, ed (2005). "Changing a harmful social convention: female genital cutting/mutilation" (PDF). Innocenti Digest (Florence, Italy: Giuntina): 1–2. ISBN 88-89129-24-7. https://www.unicef.de/fileadmin/content_media/presse/fotomaterial/Beschneidung/Beschneidung.pdf. Retrieved 2007-12-24.
2. Clinical anatomy by regions. 8th edition. Richard S S.nell, MD. PhD
3. (PDF) Eliminating Female Genital Mutilation – An interagency statement OHCHR, UNAIDS, UNDP, UNECA, UNESCO, UNFPA, UNHCR, UNICEF, UNIFEM, WHO. Department of Reproductive Health and Research (RHR), World Health Organization. 2008.. http://www.who.int/reproductive-health/publications/fgm/fgm_statement_2008.pdf
4. S Elmusharaf; N Elhadi, L Almroth (2006-07-15). "Reliability of self reported form of female genital mutilation and WHO classification: cross sectional study". BMJ 333 (7559): 124. doi:10.1136/bmj.38873.649074.55. PMID 16803943
5. Definition used by the World Health Organization
6. "Female genital mutilation". World Health Organization. June 2000. http://www.who.int/mediacentre/factsheets/fs241/en/index.html. Retrieved 2008-01-23.
7. Frequently Asked Questions on Female Genital Mutilation (FGM)
8. Pieters, Guy, M.D.; Albert B. Lowenfels, M.D., F.A.C.S. (April 1977). "Infibulation in the Horn of Africa". New York State Journal of Medicine 77 (6): 729–731. http://www.cirp.org/pages/female/pieters1.
9. Razor's Edge – The Controversy of Female Genital Mutilation
10. Stop FGM in Kurdistan
11. "Female genital mutilation in Iraqi Kurdistan. Presented at the 1ère Journée Humanitaire sur la Santé des Femmes dans le Monde, Paris, France". Gynécologie sans Frontières. 27.03.2006. http://www.stopfgmkurdistan.org/html/english/updates/update003e.htm.
12. Skaine, R (2005). Female genital mutilation: Legal, cultural and medical issues. Jefferson, North Carolina, USA: McFarland. ISBN 0-7864-2167-3.
13. Monjok E, Essien EJ, Holmes L (April 2007). "Female genital mutilation: potential for HIV transmission in sub-Saharan Africa and prospect for epidemiologic investigation and intervention". Afr J Reprod Health (African Journal of Reproductive Health / La Revue Africaine de la Santé Reproductive, Vol. 11, No. 1) 11 (1): 33–42. doi:10.2307/30032486. PMID 17982946. http://www.bioline.org.br/request?rh07004.
14. Pepin J, Plamondon P, Alves AC, Beaudet M, Labbe AC (2006). "Parenteral transmission during excision and treatment of tuberculosis and trypanosomiasis may be responsible for the HIV-2 epidemic in Guinea-Bissau". AIDS 20 (9): 1303–11. doi:10.1097/01.aids.0000232239.05545.33. PMID 16816560. http://cat.inist.fr/?aModele=afficheN&cpsidt=17906484.
15. Komisaruk, B. et al.: The Science of Orgasm. JHU Press, 2006. For an interview with two of the researchers, see "Exploring the Mind-Body Orgasm", http://www.wired.com/medtech/health/news/2007/01/72325
16. Mah K, Binik YM: "Are orgasms in the mind of the body? Psychosocial versus physiological correlates of orgasmic pleasure and satisfaction". Journal of Sex and Marital Therapy 31:187–200, 2005.
17. Hanny Lightfoot-Klein. "Prisoners of Ritual: Some Contemporary Developments in the History of Female Genital Mutilation," presented at the Second International Symposium on Circumcision in San Francisco, Apr. 30-May 3, 1991.
Wabillaahi tawfiiq…
Dhammaad
Waxaa diyaariyay:
Dr C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr Insi)
University of Science and Technology (UST)
Sana'a --- Republic of Yemen.
Mareeg lagu soo bandhigo aqoon la xariirta caafimaadka, dhaqanka, sheekooyin iyo madadaalo.
Monday, 13 September 2010
Tuesday, 7 September 2010
Gudniinka gabdhaha
Qeybta 3aad…
Waxaa diyaariyay:
Dr C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr Insi)
University of Science and Technology (UST)
Sana'a --- Republic of Yemen.
e-mail: dr_insi@hotmail.com
Waxyeellada gudniinka gabdhaha
Caafimaadka:-
Da'da badanaa ay sameeyaan waa inta udhexeysa 4 ilaa 8 sano, balse waxa uu dhici karaa da' kasta laga billaabo ilmanimada ilaa qaan gaarka. Habka loo maro falkaas waxa uu keeni karaa waxyeello deg deg ah sida:-
o Xanuun daran
o Shook
o Dhimasho
o Dhiig bax xad dhaaf ah
o Teetano
o Kaadida oo ku xiranta
o Nabarro ka soo baxa xubnaha taranka
o Caabuq ama infekshan ka dhasha qalabka oo aan la jeermis dilin
Waxyeellada kale ee waqtiga dheer soconaya waxaa ka mid ah:
1. Infekshannada ku dhaca hab dhiska kaadida iyo taranka: waxaana keena xirmidda waddadi ay mari lahaayeen kaadida iyo dhiigga caada
2. Madhaleysnimo
3. Boog hoosaad ka soo baxda maqaarka: gaar ahaan gudniinka ku lug yeesha kintirka. Boogahaas waxa ay keeni karaan caabuq u baahda fara gelin caafimaad.
4. Marka ugu horreysa ee ay galmo sameyso gabadha waxaa soo waajahaya xanuun aad u badan, taasoo qasab ka dhigeysa in la furo bushimaha waa weyn. Mararka qaar waxaa dhacda in ragga ay nolosha la wadaagayaan ay middi soo qaataan isla markaana furaan, taas oo keeni karta dhibaato badan.
5. Gabadha la mariyay gudniinka fircooniga ah waxaa dhacda in ay dhibsato galmada hammiga jinsiga oo yaraada awgii.
6. Dhalmada oo ku adkaata: maadaama xubnihi ay ilmuhu soo mari lahaayeen qaarkood lagu gummaaday gudniinka, waxaa dhacda iney dhib weyn kala kulanto foosha iyo ilamaha soo bixiddooda, weliba si aad ah loo jar jaro jirkeeda.
Bishi juun 2006 daraasad ay sameysay WHO waxa ay shaki ka muujisay badbaadada jaridda xubnaha taranka nooc kasta oo ay ahaato. [5] Daraasaddan oo lagu sameeyay 28,393 dumar ah oo jooga qolalka dhalmada 28 xarun umulin oo ku yaala dalalka Burkiina faaso, Gaana, Kenya, Sinigaal iyo Suudaan. Waxaa la adeegsanayay nooca daraasadeed ee loo yaqaan cohort. Tiro badan oo hooyooyinkaas ka mid ah waxa ay soo mareen FGM. Sida ku cad cabbirka (criteria) WHO, dhammaan qeybaha kala duwan ee gudniinka gabdhaha waxa ay leeyihiin halis sii kordheysa oo ah dhimashada ilmaha dhalanaya (15% Nooca 1aad, 32% Nooca 2aad, and 55% Nooca 3aad). Hooyooyinka lagu sameeyay Nooca 3aad ee gudniinka 30% waxa ay halis u yihiin in lagu sameeyo qalliin si carruurta looga soo saaro, isla markaana uu kordhaayo 70% inuu la soo gudboonaado dhiig bax kaddib dhalmada marka loo eego dumarka aan lagu sameynin gudniinka. Qiyaaso kale oo aan rasmi aheyn ayaa sheegaya in kunkiiba 10 ilaa 20 carruurta dhalaneysa ee afrika ay dhintaan xilliga foosha sababo la xariira gudniinka hooyada.
HIV: waxaa jira ilaa xad cilmi baaris yar oo laga sameeyay saameynta ay jaridda xubinta taranka dumarka ku leedahay faafidda jeermis dhaliyaha keena Aydhiska loona yaqaan HIV.[13] Daraasadaha qaar ayaa sheegaya inay jirto halis sii kordheysa oo jeermis dhaliyaha HIV uu ku hayo dumarka lagu sameeyay gudniinka. [14]
Saameynta galmada: saameynta uu gudniinka ku yeesho waaya aragnimada dhanka galmada ee dumarka waa mid kala duwan. Gudniinka Meesha kama saaro dhammaan dareenka, balse waxa uu hoos u dhigaa suuragalnimada inay dhacdo waxa loo yaqaan ''ruxanka galmada" ama (biyo bax). Dareenka ka dhasha galmada waa fal aad u adag oo ay ku lug leeyihiin shabakad weyn oo dareenwad ah oo ku yaala gudaha iyo hareeraha Cambarka, faruuryaha waaweyn iyo kuwa yar yar, afka ilma galeenka, ilma galeenka iyo Kintirka, taa waxaa sii dheer falgal nafsiyadeed iyo fikirka oo dowr weyn ka qaato. [15][16]
Saameynta nafsadda: laxawga ka dhasha gudniinka waxa uu gabadha ku reebaa xasuus naxdin leh, waana mid waqti dheer socota, soona noq noqota, waxayna ka dhalataa jeexista iyo tolista joogtada ah mar kasta oo ay ummusho.
Waa maxay qiilka ay heystaan dadka u ololeeya gudniinka gabdhaha?
Marka laga soo tago inay diin ku saleeyaan waxaa dad badani ku sheegaan caado fiican oo gabadha u horseedeyso inay noqoto gabadh Deggen oo asluub leh, haddii aan la gudinna ay gabadhu fud fudeyd badnaaneyso, ugu damebyntina ay ceeb u keeni karto reerkeeda, waayo ayey leeyihiin cadka aan laga jarin ayaa sabab u ah. Sidoo kale waxyaabaha ay ku saleeyaan waxaa ka mid ah in gudniinka uu ilaalinayo gabadhnimadeeda.
Waxyaabaha cajiibka ah ee lagu qoslo marka lasoo Hadal qaado waxaa ka mid ah, in dadka qaar aaminsanyihiin haddii aan la jarin Kintirka gabadha uu dheeraanayo ilaa xad uu ka soo baxo booska uu ku yaal. Khabiirka lagu magacaabo Hanny Lightfoot-Klein, oo sanado badan ku qaatay dalalka Kenya, Masar iyo Suudaan ayaa sheegay in ''Suudaan laga aaminsanyahay haddii aan la jarin kintirka uu korayo dherer la eg qoorta boola boolada ilaa uu ka soo raaracsado ama ka soo lusho lugaha dhexdooda, isagoo u tartamaya xubinta ragga (guska). [17]
Dhammaan waxyaabaha ay soo daliishadaan ma ahan wax sal kutaagan, waxa ayna ubadanyihiin caadatul qoom ama dhaqan ahaan, waana mid loo baahanyahay in bulshada laga dabar gooyo maadaama dhib mooyee aan dani ugu jirin gabdhaha dhibbanayaasha ah.
La soco Qeybta 4aad iyo usbuuca dambe inshaa allaah

Subscribe to:
Posts (Atom)