Tuesday, 31 August 2010

Gudniinka gabdhaha

Qeybta 2aad...
Waxaa diyaariyay:
Dr C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr Insi)
University of Science and Technology (UST)
Sana'a --- Republic of Yemen.
e-mail: dr_insi@hotmail.com ama insi12@hotmail.com
Noocyada Gudniinka Gabdhaha
Sida uu u dhigay ururka caafimaadka adduunka (WHO), Jaridda xubinta taranka ee dumarka (FGC) waxa ay ka koobantahay dhowr qeybood. Waxyeelladeedana waxa ay ku xirantahay hadba inta unug ee laga jaray xubinta taranka. WHO iyadoo adeegsaneysa erey bixinta ah FGM waxa ay uqeybisay 4 qeybood oo waa weyn [3], inkastoo ay doodi ka jirto in dhammaan gudniinka gabdhaha ay hoos imanayaan afartaan qeybood iyo arrinta la xariirta kalsoonida xogaha la hayo. [4]
Nooca 1aad: WHO waxa ay qeybta kowaad ka dhigtay in ''si buuxda ama bar ah loo jaro kintirka (clitoridectomy) iyo/ ama qolofta ku dahaaran (koofida kintirka) (clitoral hood)''; noocan waxaa loo sii kala qeybin karaa qeyb hoosaadyadan:
Ia: in la jaro koofida kintirka oo qura (taasoo aragtiyada qaar leeyihiin waa mid udhiganta gudniinka ragga)
Ib: in la jaro kintirka iyo qoloftiisa. [3]
Nooca 2aad: WHO waxa ay ku qeexday nooca 2aad: ''jaridda qeyb ahaan ama gebi ahaan kintirka iyo bushimaha yar yar iyo/ama jaridda bushimaha waa weyn''. Sidoo kale noocan waxaa loo sii kale qeybin karaa:-
IIa: jaridda bushimaha yar yar kaliya
IIb: jaridda qeyb ahaan ama gebi ahaan kintirka iyo bushimaha yar yar
IIc: jaridda qeyb ahaan ama gebi ahaan kintirka, bushimaha yar yar iyo kuwa waa weyn. [3]
Nooca 3aad: jarid iyo giijin (tolid)
WHO waxa ay ku qeexday nooca 3aad: '' in la yareeyo afka unugga dhalmada iyo galmada (cambarka) iyadoo lagu abuurayo dabool sijilaateysan oo laga keenay jaridda iyo dib u meeleynta bushimaha yar yar iyo/ama bushimaha waaweyn, iyadoo ay la socoto ama aaney la socon jaridda kintirka (jarid iyo giijin)''. [5] Waa habka ugu ballaaran ee curyaaminta ama dhaawicidda xubinta taranka dumarka, waxa uuna gaarayaa 10% dhammaan noocyada kale, waxaana lagu sheegay qaaradda Afrika. [6] Noocan jaridda iyo giijinta isugu jira waxaa loo yaqaan gudniinka fircooniga ah. [7]
jaridda iyo giijinta waxa ay saameysaa unugyo ballaaran oo ka tirsan xubnaha taranka ee bannaanka ku yaal, waxaana ka mid ah: faruuryaha yar yar gebi ahaantood iyo qeybaha gudaha xiga ee faruuryaha waa weyn. Dabadeedne bushimaha waaweyn ayaa la isku tolaa iyadoo la adeegsanayo qodax ama waxyaabaha wax lagu tolo. Kaddibna waxaa la isku xiraa labada lugood ee gabadha muddo 2-6 todobaad ah si looga hortago dhaq dhaqaaq iyo in loo saamaxo inay reystaan labada dhinac ee xubinta taranka, muddadaas waxay gabadhu dhib badan kala kulantaa kaadida, saxarada iwm, waayo dhulki oo dhan ayaa la wada jaray oo dhaawac ah, luguhna way isku xiranyihiin. Waxba ma soo harin, darbiyo hilib la jar jaray ah uun baa usoo haray, ka soo billaw bisaqa (shuunka) ilaa futada (halka laga saxaroodo) !!!, waxa keliya ee loo reebay waa dalool aad u yar oo qeybta hoose looga tago si ay uga soo baxaan kaadida iyo dhiigga caadada. Falkan sameyntiisa waxaa lagu sameeyaa miyi iyo magaalo, waxaase sii daran miyiga oo aqoon la'aanta baahsan ee ka jirta ay saacideyso sii socoshadiisa, waxaana fuliya dumarka waa weyn ama umuliso dhaqmeedka tuulooyinka jooga, iyadoon la isticmaalin qalab la jeermis dilay iyo kabaabiso. [8]
Mar kale ayaa la furaa giijintaas xilliga arooska ay galeyso gabadha, marka ay foolaneyso ama xilliyada qaar marka ay dhibaato kala kulanto soo bixidda dhiigga caadada. Marka ay dhaleyso gabadha la mariyay gudniinka noocan ah, unugga dhalmada ee la jar jaray uma fidsamayo sida dumarka kale ee aan la googoyn xubnahooda, dabadeedne dhakhaatiirtu waxa ay ku qasbanaanayaan inay gebi ahaan furaan giijintaas, badanaana waxaa dhacda in dib loo giijiyo kaddib dhalmada.
Nooca 4aad: wixi ka duwan qeybaha aan horey usoo sheegnay waxa ay soo wada hoos galayaan qeybta 4aad. Ururka caafimaadka adduunka WHO waxa uu ku qeexay qeybta 4aad: ''hab kasta oo waxyeeleynaya xubnaha taranka dumarka iyadoo aaney jirin sabab caafimaad oo keentay, tusaale ahaan waxaa ka mid ah; daloolin, wax ku mudid, jarid, xoqid iyo gubid''.[3] Noocan 4aad waxaa asal ahaan lagu arkay qaar ka mid ah bulshoodyinka sinji ahaan ka go'an dadyowga kale ee dunida ku nool.

Baahsanaanta Gudniinka Gabdhaha
Hay'adda u doodda Xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxa ay ku qiyaastay in inkabadan 130 milyan oo dumar ah uu saameeyay nooc ka mid ah noocyada gudniinka gabdhaha, iyadoo in kabadan 3 milyan oo kalene ay halis u yihiin in lagu sameeyo gudniin sanad kasta.
Afrika ku dhawaad 92 milyan oo ah gabdho da'doodu tahay 10 jir iyo ka badan ayaa la qiyaasay in lagu sameeyay gudniinka, sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka adduunka. Xubno jaridda gabdhaha waxaa si weyn looga isticmaalaa 28 dal oo afrikaan ah. [9] Waxa uuna caan ka yahay dalalka ku yaal inta udhexeysa Sinigaal (galbeed) ilaa xeebta afrikada bari (bari), iyo sidoo kale Masar (waqooyi) ilaa Tansaaniya (koonfur). Sidoo kale waxaa lagaga dhaqmaa qeybo ka mid ah jasiiradda carabta. Dalka ugu badan caalamka ee lagaga dhaqmo gudniinka gabdhaha waa Masar, waxaana xiga Suudaan, Itoobiya iyo Maali.
Daraasadaha qaar waxa ay tilmaamayaan sidan hoos ku qoran:

L Dalka laga isticmaalo Tirada %
1 Masar 97%
2 Suudaan 90%
3 Itoobiya 80%
4 Maali 92%
5 Eretereeya 89%
6 Burkiina faaso 77%
7 Muuritaaniya 71%
8 Ivory coast 45%
9 Sinigaal 28%
10 Jaad 45%
11 Jamhuuriyadda Afrikada dhexe 36%
12 Kenya 32%
13 Yemen 23%
14 Nayjeeriya 19%
15 Benin 17%
16 Tansaaniya 18%
17 Gaana 5%
18 Nayjar 5%
19 Soomaaliya Lama hayo
20 Jabuuti Lama hayo
21 Jam. Dim. Koongo Lama hayo
22 Yugaandha Lama hayo
23 Togo Lama hayo
24 Laybeeriya Lama hayo
25 Siraalyoon Lama hayo
26 Gaambiya Lama hayo

Soomaaliya iyo jabuuti waxa ay ku jiraan dalalka sida xad dhaafka ah u adeegsada gudniinka gabdhaha gaar ahaan Nooca loo yaqaan fircooinga. Sida ku cad daraasadaha qaar waxa ay ku jiraan dalalka kor udhaafayo 95% heerka isticmaalkooda.

Gudniinka gabdhaha waxaa afrika ku dhaqma bulshooyin kala caqiidooyin duwan. Jasiiradda carabta waxaa ka jira nooca 1 & 2aad, waxa ayna ugu yeeraan gudniinka sunniga ah, gaar ahaan carabta afrikaanka ka soo jeeda. Waxa uu si gaar ah uga dhacaa noocan waqooyiga sacuudiga, koonfurta jordan iyo waqooyiga ciraaq (Kurdistan) [10][11]. Waddamada khaliijka waxaa ku dhaqma bulshooyinka ka yimaada bariga afrika iyo dooxada niil. Meelaha kale ee ay ka dhacaan waxaa ka mid ah; dhulka xeebaha Yemen, deegaanno ka tirsan Indoniisiya, bartamaha Seerbiya, dadka muhaajiriinta ah ee tegay Ustareeloya iyo Yurub. Balse sharciyada adag ee arrintaa ka yaala awgood aad ayay u yartahay inta xaalad ee la ogaado waqtiyadan dambe, waxa ayna sameeyaan xilliyada ay fasaxyada ku tagaan dalalka ay marki hore ka soo hayaameen.
Curyaaminta ama dhaawicidda xubinta taranka dumarka (FGM) waxa ay socotay muddo dheer ka hor diimaha islaamka iyo kiristanka. Waraaqo ay leeyihiin giriiggi hore oo taariikhdoodu u noqoneyso 163 sano ka hor billaabashada taariikhda miilaadiga (dhalashadi nabi ciise (cs)) ayaa sheegaya in gabdhaha masaarida ahi lagu sameeyo gudniin, isla markaana gudniinka asalkiisa uu ka yimid Masar iyo dooxada Niil waqtigii faraacinta. Sidoo kale waxaa jira caddeymo laga helay meydadki faraacinta oo muujinaya inuu jiray gudniinka gabdhaha noocyada 1 &3aad. [12]

La soco Qeybta 3aad iyo salaasada soo socota inshaa allaah

Tuesday, 24 August 2010

Gudniinka gabdhaha

Waxaa diyaariyay:
Dr C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr Insi)
University of Science and Technology (UST)
Sana'a --- Republic of Yemen.
e-mail: dr_insi@hotmail.com ama insi12@hotmail.com

Qeybta 1aad…
Qeybaha ay ka koobantahay qormada:-
1. Gogoldhig
2. Maxaa loo yaqaan gudniinka gabdhaha?
3. Xubnaha taranka dumarka:
a. Xubnaha taranka ee gudaha ku jira
b. Xubnaha taranka ee bannaanka ku yaal
4. Noocyada Gudniinka Gabdhaha:
i. Nooca 1aad
ii. Nooca 2aad
iii. Nooca 3aad
iv. Nooca 4aad
5. Baahsanaanta Gudniinka Gabdhaha
6. Waxyeellada gudniinka gabdhaha
7. Waa maxay qiilka ay heystaan dadka u ololeeya gudniinka gabdhaha?
8. Diinta islaamka iyo gudniinka gabdhaha
9. Gabagabo
Gogoldhig
Mahad oo dhan waxaan leh allaah SWT oo ii suura geliyay inaan si guul leh ku dhammeeyo qormadan, isla markaana aan ku saleeyo cilmi iyo xaqiiq jirta. Nabad gelyo iyo naxariisna dushiisa allaha yeelo nabigeena suuban Muxammed (NNKH), oo inoo caddeeyay wax kasta oo badbaadadeena ku jirto adduun iyo aakhiro, intaa dabadeed.
Qormadan waxa ay si faah faahsan uga hadleysaa gudniinka gabdhaha si guud, anigoo soo badnhigi doona marka ugu horreysa kuwa ay yihiin xubanaha lagu dabar gooyo waxan loogu yeero gudniinka gabdhaha, noocyada uu uqeybsamo oo ku saleysan qeybinta ururka caafimaadka adduunka, waxaa kale oo aan si fiican uga hadli doonaa dhaqankan gummaadka ku saleysan meelaha ugu badan oo uu caalamka ka jiro, waxyeelladiisa caafimaad iyo nafsiyadeed, ugu dambeyntina waxaan soo bandhigayaa Diinta ma raad bay ku leedahay mise waa la masabidayaa?
Qormadan waxaan rajaynayaa inay aad ugu qanci doonaan dadkeena Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaheena oo loogu sheekeeyo in lagu daahirinayo gudniinka, waxaana aaminsanahay in dad badan oo u dagaalama gudniinka gabdhaha ay xaqiiqda aan soo bandhigayo garowsan doonaan, ayna u horseedi doonto inay ka tanaasulaan waxyeeleynta gabdhahooda, waxaana filayaa in si fiican loo fahmi doono in waxa aan ka hadlayo uunan ahayn gudniinka fircooniga ah ee uu yahay gudniinka gabdhaha guud ahaantiisa, anigoon u kala saareyn fircooni iyo kan kale oo ay ugu yeeraan sunni!, waana garowsanahay in dad badan ay ku noqon doonto wax ay qaadan waayaan, waxaanse diyaar u ahay inaan qof walba kala doodo si cilmiyeysan, inagoo isasoo hordhigeyno wax kasta oo daliil noqon kara, dhanka Diinta iyo dhan kasta oo horseedi kara inaan walaalahey ku qanciyo xaqiiqda aan indhaha la iska tiri karin ee ku saabsan gudniinka gabdhaheena.
Maxaa loo yaqaan gudniinka gabdhaha?
Gudniinka gabdhaha waxaa caalami ahaan loo yaqaanaa FGM oo laga soo gaabiyay ''Female Genital Mutilation'' macnaheeduna waxa weeye: curyaaminta ama dhaawicidda xubinta taranka ee dumarka.
Taageerada ereygan FGM waxa ay soo baxday daba yaaqadii todobaatameeyadi. Sanadki 1990ki ayaa ereygan FGM waxaa lagu qaatay shirweynihi 3aad ee IAC (Inter-African Committee) ee dhaqamada aafeeya caafimaadka dumarka iyo dhallaanka oo ka dhacay Addis Ababa; sanad kaddibne waa 1991kiye WHO (ururka caafimaadka adduunka) ayaa sheegtay in QM (qaramada midoobay) ay qaadatay erey bixintaas.[1]
Erey bixinnada kale ee isla arrintan loo adeegsado waxaa ka mid ah:-
Female genital cutting (FGC) = jaridda xubinta taranka dumarka
Female circumcision = gudniinka dumarka

Xubnaha taranka dumarka
Xubnaha taranka dumarka waxaa loo qeybiyaa laba qeybood oo kala ah:
Xubnaha taranka ee gudaha ku jira: waxaa ka mid ah; ugxan sidayaasha (ovaries), tubooyinka ilma galeenka (uterine tubes), ilma galeenka (uterus) iyo Cambarka (vagina) ama siilka (marka laga reebo afkiisa oo ka tirsan qeybta bannaanka).
Xubnaha taranka ee bannaanka ku yaal: waxaa ka mid ah; afka daloolka Cambarka (vaginal orifice), faruuryaha yaryar iyo waaweyn (labia minora and majora), iyo Kintirka (clitoris). [2]
Waxa aan ka hadli doonaa haddii ilaah yiraahdo xubnaha uu saameeyo gudniinka ama xubno jaridda gabdhaha loo geysto waana kuwa bannaanka ku yaala.

1. Kintirka: waxa uu ku yaalaa qeybta ugu sarreysa dhismaha bannaanka ee taranka dumarka ama halka ay ku kulmaan labada faruuryood ee yaryar dhankooda hore, salkiisuna waxa uu inyar ka sareeyaa daloolka kaadida, waxa uuna udhigmaa xubinta galmada iyo kaadida ee ragga (guska), marka laga eego xagga kicitaanka iyo dareenka, qaab dhisme ahaane wuu u egyahay. Madaxiisuna waxa uu ku hoos qarsanyahay qolofta ama koofida ku dahaaran kintirka ee loo yaqaan buuryada (prepuce), waxaana ku dhex jira xididdo fara badan oo dhiigga qaada.
Haddaba si aan wax badan uga ogaanno qaab sameysanka iyo Shaqada xubintan waxaan ubaahannahay inaan inyar qooraansanno anatamigeeda.

Salka Kintirka: waxa uu ka sameysanyahay 3 kuus oo unugyada dareenka kacsiga wada ah, waxaana lagu magacaabaa bulb of vestibule (kuuska kanaalka), iyo labada lugood ee bidix iyo midig ee Kintirka. Kuuska iyo labada lugood waxa ay la mid yihiin kuwa guska oo isla magacaas wata.

Jirka Kintirka: waxa uu ka koobanyahay labada jir boholaad (corpora cavernosa) oo ay ku daboolanyihiin murqaha loo yaqaan ischiocavernousus.

Madaxa Kintirka: waa kuus yar oo unugyada kacsiga wata, koofina u ah jirka Kintirka, waxa uuna leeyahay dareen wadayaal aad u fara badan oo ka qeyb qaata dareenka macaansiga, waxa uuna qeyb ahaan ku hoos jiraa buuryada (prepuce).
Guud ahaan Kintirka shaqadiisu waa mid dowr weyn ku leh dareenka macaansiga galmada ee dumarka. Marka uu kaco waxaa labada faruuryood ee waaweyn ka soo buuxsama dhiig, qanjirraduna dheecaan ayay soo daayaan si ay ufududeeyaan howsha galmada, haweeneydana siiya dareenka macaan ee galmada.

2. Cambarka (siilka):-
Waa tubo muruq ah oo xariirsan laga soo billaabo afaafka hore ee ilma galeenka ilaa daloolka bannaanka ah ee siilka, dherer ahaan waxa uu gaarayaa 8 ilaa 9 cm (sentimitir), waana xubinta galmada iyo dhalmada ee dumarka, waxaa kale oo uu u shaqeeyaa qaab wasakh saarid xilliyada caadada iyo umusha. Afka daloolka cambarka gabadha aan weli guursan waxaa ku yaala xuub jilcan oo loo yaqaan xuubka bikaarada, dhexda ayuuna ku leeyahay dalool uu soo maro dhiigga caadada, xuubkan badanaa waxa uu dillaacaa galmada ugu horreysa, isagoo ka jeexma dhanka hoose ee xigta futada ama dhanka hoose dhinac. Daloolkaas waxa uu udhexeeyaa daloolka kaadida iyo futada (halka laga saxaroodo).

3. Faruuryaha waaweyn:-
Waa laba laalaab oo maqaar ah, labada dhinacna ka xiga daloolka Cambarka, waana maqaar timo ka soo dhashaan, waxa ay ka soo billowdaan halka loo yaqaan bisaqleyda socotana ilaa meel in yar ka sareysa halka laga saxaroodo, halkaa oo ay ku kulmaan labada lakab. Faruuryuhu waxay ka samaysan yihiin qeybo xeyr iyo carjaw isugu jira iyo shabakad dareemeyaal ah oo aad u sareeya. Waxaa kale oo ku dhex jira xididdada dhiigga qaada oo soo gaarsiiya dhiig aad u fara badan.

4. Faruuryaha yaryar:-
Waa laba laalaab oo maqaar khafiif ah, kuna yaala inta udhexeysa faruuryaha waaweyn iyo daloolka Cambarka, waxa uuna xigaa gudaha, mana lahan wax tin ah, waxaana laftooda soo gaara dhiig aan yareyn. Dhanka gadaale, faruuryaha yaryari waxa ay ku kulmaan xuubka bikaarada gadaashiisa waxaana loo yaqaanaa fourchette, dhanka horena waxay daboolaan Kintirka. Faruuryaha yaryar waxaa ku dhex yaala daloolka kaadida (dhanka sare) iyo kan Cambarka (dhanka hoose).

Waa maxay kaalinta uu cayaaro dhiigga imaanaya unugyada taranka?
Inkastoo ay tahay arrimo isku wada xiran oo lab iyo dhedigba ay wadaagaan, lehna waxyaabo kiciya (dhiiri geliya), sida aragga, codka, urta, taabashada iyo kuwo kale, haddana dhammaantood waxa ay isugu soo biyo shubanayaan dareen wadka maqaarka iyo xubnaha taranka ku yaal oo masuuliyadda ugu dambeysa ee gudbinta iska leh. Xididada dareenkaas wada ayaa ugu dambeynti waxaa ku biiraya kuwa dhiigga ku quudiya xubnaha taranka ee loo yaqaan internal pudendal arteries, waxa ayna faracyo badan ku leeyihiin unugyada dareenka kacsiga wada. Marka ay shaqo ahaan isla qabsadaan xididdada dhiigga iyo kuwa dareen-wadka waxaa dhacaya in la ballaariyo dhex roorka kuwa dhiigga ku shubaya xubnaha taranka oo uu dhiig fara badan ku hooro unugyada dareenka kacsiga (erectile tissues), dabdeedna jir boholaadka (corpora cavernosa) ayaa waxaa ka buuxsamaya dhiigga wayna fidsamayaan, taasna waxay keeneysaa in la cadaadiyo xididada dhiigga ka soo qaada xubnahaas taranka. Tan micnaheedu waxa weeyaan in dhiiggi ka baxayay unugyada dareenka kacsiga la xayiray, taasoo cadaadiska sii badineysa. Halkaas markey arrintu mareyso Kintirka iyo unugga galmada ragga (guska) labaduba waxaa u kordhaya dherer iyo ballac waana waxa loo yaqaan kacsashada (erection).
La soco Qeybta 2aad iyo todobaadka dambe