Maxey kuu sheegayaan xubnaha jirkiisu?
Xeel-dheerayaasha cilmu-nafsiga oo waxbadan
falaanqeeyay arrimahan la xariira luqadda jirkaagu ku hadlayo adigase aad
moogtahay, waxa ay si qoto dheer u qaadaa dhigeen micnayaasha faraha badan iyo
farriimaha tira beelka ah ee uu jirkaaga ka soo qaadayo maskaxdaada, adigane aad
rabtid inaad afka ka sheegtid wax ka duwan waxa maskaxdaada ka buuxa.
Inkastoo aaney habbooneyn inaad markasta xujo
ka dhigato waxa ay tebinayaan xubnaha jirka qofka kula hadlayo, oo lagaa rabo
inaad ku lammaanisid waxyaabo kale oo cilmu-nafsiguba sheegay, haddane waa muhiim
inaad fahmi kartid baaqyadaas biyo kama dhibcaanka ah ee sida qarsoon uu kuugu
soo gudbinayo jirkiisa.
1. Daacad ah: ‘’run baan kuu sheegayaa i aamin’’
2. Difaac ku jira: qof aan ku qanacsaneyn waxa dhacaya lagana yaabo inuu weerar culus sameeyo.