Wednesday, 28 September 2016

Halista Humaagan

Qeybta 3aad:
Soomaalidu waxa ay dhahdaa: xaajo aan loo feydin sida daba riyaad ma fayoobaato, waxaan uga gol-leeyahay qormadan inaan is garano  oo meesha nalaga heysto aan ogaanno, si ay u fududaato raadinta xalka ku habboon, sidaa awgeed su’aasha xigta ayaa noqoneysa: maxaa xal ah?

Haddii aan dhanka waxbarashada ka bilowno waxaa lagama maarmaan ah in la soo nooleeyo nidaamyadi dawladeed ee dalku lahaa, si loo xakameeyo fowdada waxbarasho ee dalka ka jirta, iskuullada iyo jaamacadahane lagu qasbo inay nidaamka raacaan, heerka tayadoodane kor uqaadaan, qoladi khilaaftane laga kansalo rukhsadda shaqada. Ardayda dhameynaya waxbarashada heerarkeeda kala duwanne laga qaado imtixaan mideysan ama loo sameeyo koorsooyin xoojin ah oo heerarka uu soo dhaafay.

Qormo gaar ah oo ka hadleyso ama si qoto dheer u taabaneyso qaabka loo tayeen karo iskuullada ayaan soo bandhigi doonaa dhawaan inshaa allaah.

Dhanka caafimaadka waxaa lagama maarmaan ah in wasaaradda caafimaadka ay shaqadeeda gudato iyadoo la kala saareysa goobaha u qalma fulinta adeeg caafimaad iyo kuwa aanan u qalmin, sidoo kale dhakhaatiirta shaqeysane loo kala hufayo si taa la mid ah, kuwa cusub ee jaamacadaha ka soo qalin jebinaya ama dalka bannaankiisa ka imaanayane laga qaado imtixaan dhakhtarnimo oo ay isbitaallada ku marayaan oo sanad qaadanaya, waxeyna maraya maaddooyin ka waa weyn; sida qalliinka, cudurrada guud, dumarka iyo carruurta, qofki ka soo gudba  sanadkaas ay wasaaraddu siiso shahaaddo caddeyneyso inuu dhakhtar sax ah yahay, isla markaana uu xubin ka noqon karo ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed. Waxaase culeys ka jiraa dalkeenu weli malahan Public Hospitals sax ah oo nidaamkaas lagu fulin karo, tiiyoo ay kuu sii dheertahay hey’adihi dowliga ahaa oo ay ugu horeyso wasaaradda caafimaadka magac mooyee waxqabad ma jiro, weliba ku darsoo qaarkood xafiis malahan oo wasiirka boorsadiisa ayaa xafiis u ah!.

Gunti iyo gunaanadki qormadan waxaan ugu baaqayaa bulshada inta dareensan halistan aan muuqan inay ka dhiidhiyaan dhibkan lagu hayo bulshadeena, madaxdane ay u guntadaan fulinta sharciga, si loo xakameeyo halistan nagu habsatay.

                                                                                                                                 Dhammaad...

Monday, 26 September 2016

Halista Humaagan

Qeybta 2aad:
Waxaan la yaabay oo isoo maray anigoo wax ka dhigaya mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho arday fadhiya ama dhiganaya kulliyadda caafimaadka misne ay dhibayso waxqorista, waxa aan weydiiyay: halkeed kaga timid jaamacadda? Miyaadan iskuul soo dhigan? Waxa uu iigu jawaabay: hal sano ayaa jaamacadda waxa ay isiisay waxbarasho iskuul oo kooban. Waxaan weydiiyay: sanadkaa ka hor weligaa iskuul ma dhigatay? Waxa uu igu yiri: maya, waxyar oo biribaati aan dhigtay mooyee. Waxaan weydiiyay: oo maxaa ku fariisiyay kulliyadda caafimaadka? Waxa uu iigu jawaabay: jaamacadda ayaa igu tiri kulliyaddaad rabto dooro, anigane inaan dhakhtar noqdo ayaan rabaa. Alla xanuun badanaa?!
Waxaa magaalada ku soo batay jaamacadaha sheeganaya inay bixiyaan heerka labaad ee masterka iyagoo magacyadooda ku lifaaqa magacyada jaamacado shisheeye oo waxa ay yihiin aanan la garaneyn, qaar ka mid ah magacyadaas oo aan baarnay waxaa noosoo baxday inay yihiin jamacdo aanan waxba ka jirin, ama aan tayo laheyn oo dalalkooda looga oggoleyn bixinta wax ka sareeya darajada koowaad. Jaamacadaha magaalada kuwa sheekadaan wada waxa ay u badanyihiin kuwo xataa aanan u qalmin heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadeed.
Waxyaabaha aan la amakaagay intaa kuma ekee waxaan goobjog u ahaa in badan oo jaamacadaha Muqdisho ka mid ah, kulliyadahooda caafimaadka inay been usheegaan ardaydooda weliba nurse ka dhammeeya, iyagoo ku dhaho inay dhakhtarnimo u qaadanayaan ugana bilaabayaan semester dhexe sida kan sideedaad ama todobaad. Waxaana sidaa darajada dhakhtarnimo maanta ku qaadanaya boqolaal qaarkood maanta ku shaqeeya, qaarna ay usoo carfeyso, waxaana dalka ku soo socda halis daboolan oo aan dad badan umuuqan.

Dhanka caafimaadka waxaadba moodaa inay ka sii darantahay, waxaa magaalada dhan laga sameystay goobo caafimaad oo magacyo kala duwan wata oo ay ka holwgalaan burcad caafimaad boobay magaca dhakhaatiirta, iyagoo bulshadeena ku baabi’iya dawooyin  halis badan geysta ama sababa dhimasho. Qaar ka mid ah meelahaas waxaa ka howlgala dad sheeganaya dhakhaatiir oo nidaamki aan ka soo hadalnay wax ku soo bartay, iyo kuwo aanan weligood iskuul xataa aanan soo marin ama farsamayaqaano ah, sida makaanik, dukaanle iwm. Qaarne waxaa ka howlgala shisheeye u badan maafiyo aan caafimaad xariir la laheyn ama dalalkooda rukhsada dhakhtarnimo lagaga xayuubiyay khaladaad caafimaad oo ay galeen, waxaana shisheeyahaas ugu badan ruushan iyo wadamadi la isku oran jiray midowgi suufiyeet, waxaa kaloo ku jira masaari fara badan, siiriyaan, Kenyan iyo yugandhiis. 
Dhibaatada ka jirta caafimaadka waxaa qeyb weyn ka qaadanaya ganacsatada dawooyinka keena, kuwaas oo dalka keena dawooyin dhacay, kuwo been abuur ah, iyo waxyaabo kale, waxaa taas sii dheer dalka gudahiisa ayay waxyaabaha qaar ku farsameeyaan iyagoo ka dhigaya in dal hebel laga keenay. Waxaa hubanti ah in waxyeelada ay dhaliyeen dawooyinkaas aaney yareen, islamarkaana aanan ku soo koobi karin hal qormo iwm.

La soco Qeybta 3aad

Thursday, 1 September 2016

Halista Humaagan

Qeybta 1aad:
Dawlad la’aanti dalkeena soo martay dhaxalkeeda waxaa ugu weynaa nidaam darri baahsan oo saameysay qeyb kasta oo nolosha bulshadeena ah, waxaanse rabaa inaan maanta qormadeyda ku jeexjeexo saameynta ay ku reebtay caafimaadka iyo waxbarashada.
Kaddib burburkii dawladnimo waxaa jiray dad isku xilqaamay  dib u unkida adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada, gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka. Inkastoo bilowgi dib u soo celinta adeegyadaas ay aheyd kuwo xooggan kana nidaam roon sida maanta ay yihiin, haddana 15ki sano ee u dambeeyay waxaa soo ifbaxay kumanaan goobo waxbarasho ama caafimaad oo magac mooyee nidaam waxbarasho ama caafimaad aanan sal ku laheyn, intooda badan ne waxaa horboodaya dad dhalinyaro u badan oo aan xariir la laheyn sheegashooda ama adeegyada ay qabanayaan, taasne waxaa ka dhashay inay waddanka usoo baxaan kumanaan wata magac aqoonyahan misne aanan heerkooda aqooneed gaarsiisneyn halka ay sheeganayaan.

Waxaa soo ifbaxay dugsiyo wata magacyo fara badan oo sheega in waxbarashada dugsiyada ay ku soo koobayaan sanad iwm, halki asal ahaan ay ka aheyd 12 sano, misne ay dhiganyaan carruur yaryar oo qaarkood aanan ka weyneyn 12 sano jir!, wacyi la’aanta jirta ee bulshada awgeed waxa ay adeegyadaas isku bedeleen ganacsi, iyadoo waxa la eegayo oo qura ay noqotay lacagta laga qaadayo qofka adeegga loo qabanayo. Kuma eka wareerka iskuulada soo gaabiyay sanadaha waxbarashada ee xataa kuwa ay u qorantahay inay nidaamka 12 ka sano ah yihiin waxa ay beryahan sameeyeen inay laba laba sano isku xiraan, sida: 2-3, 4-5, 6-7, 8-9, oo min sanad ah, iyadoon la eegeyn da’da ardayga nidaamkaas la marinayo. Waxaan maalin dhaweyd tagay mid ka mid ah iskuulada magaalada muqdisho, halkaas waxaan ku arkay gabadh yar oo 9 sano jir ah oo dhiganeyso galaaska 4-5, waxaan weydiiyay maamulaha dugsiga: carruurtan da’dooda way yartahaye maad marisaan nidaamka saxda ah? Waxa uu igu yiri: iskuulka nidaamkaas waan ka joojinay oo laba laba sano ayaan ka dhignay. Waxaan ku celiyay: oo gabadhani iyadoo 11 sano jir ah ayey dugsi sare galeysaaye! Waxa uu iigu jawaabay: waxba ma dhibeyso, waa caadi!.   Sidoo kale waxaa sidaas la mid ah jaamacadaha oo intooda badan macaash doon ah, dadka wax dhigaya ama maamulayana qaarkood aaney u diyaarsaneyn barenimo ama hagidda xarumo waxbarasho oo heerkaas ah.
La soco Qeybta 2aad...