Ebola waxa uu ka mid yahay koox cudurro ah oo la isku yiraahdo
viral hemorrhagic fevers, waa xanuunno aad u daran oo sida magacooda ka muuqato
waa xanuun keena qandho iyo dhiigbax. Ebola waa dilaa ku dhaca aadanaha iyo
noolayaasha kale sida daanyeerrada.
Ebola waxaa keena jeermiska feyruuska qolada Filoviridae
la yiraahdo,
waxa uuna kaga sii abtirsada nooca loo yaqaan Ebolavirus. Marka uu xanuunku dhaco
waxa uu ku billowdaa calaamado kedis ku yimaada.
Marki ugu horreysay
feyruuskan waxaa laga helay dalka manta loo yaqaan DRC (Jamhuuriyadda Dimoqraadiga
Kongo) 1976 meel ku dhow webiga Ebola. Wixi markaa ka dambeeyane dhowr jeer
ayuu saf mar ahaan u dillaacay.
Jeermiska Ebolavirus
waxaa ilaa haatan la yaqaanaa shan nooc oo afar ka mid ahi dhalin karto cudur aadanaha
ku dhaca, waxa ayna kala yihiin: Ebola virus (Zaire ebolavirus); Sudan
virus (Sudan ebolavirus); Taï Forest virus (Taï Forest ebolavirus,
oo horay loogu yaqaanay Côte d’Ivoire ebolavirus); iyo Bundibugyo virus
(Bundibugyo ebolavirus). Nooca shanaad oo aan aadanaha cudur ku keenin waxaa
lagu magacaabaa Reston virus (Reston ebolavirus) waxa uuna ku dhacaa xayawaannada
aan aadanaha aheyn.
Noolaha dugga u
ah asal ahaan ebolavirus lama garanayo ilaa haatan. Balse caddeymo la hayo iyo
dabeecadda feyruusyada la midka ah awgood ayaa cilmibaarayaashu waxa ay
rumeysanyihiin in feyruuskani ka mid yahay kuwa loo yaqaan zoonotic
(xayawaannada kayimmada), iyadoo fiidmeerta (kibilli) ay tahay halka ugu badan ee
hoyga u ah feyruuska. Afar ka mid ah shanta nooc ee ebolavirus waxa ay ku dhacaan
xayawaanno laga helo afrika.
Nooca kale
Reston virus waxaa lagu arkay daanyeerro loo dhoofiyay mareykanka iyo
taliyaaniga lagana keenay dalka filibiines. Shaqaale dhowr ah oo ka shaqeynayay
goobaha lagu hayay daanyeerradaas ee filibiines iyo mareykanka ayaa jirkooda laga
helay feyruuska balse ma aaney jirranin.
Safmarkan iminka
dillaacay waxa uu saameyn weyn ku yeeshay seddex dal oo galbeedka afrika ku yaal
oo kala ah: Leybeeriya, Geni iyo Siiraalyoon, iyadoo iminka uu ku faafayo dalal
kale oo deris la ah sida Neyjeeriya
Calaamadaha ebolavirus:
1.
Qandho
2.
Madax xanuun
3.
Murqo iyo kalagoysyo xanuun
4.
Tabar darri
5.
Shuban
6.
Matag
7.
Calool xanuun
8.
Rabitaanka cuntada oo yaraata
9.
Dhiigbax aan caadi aheyn
Calaamado kale:
dadka qaar waxaa
laga yaabaa in lagu arko calaamado dheeri ah sida: ciir jirka ka soo baxo,
indhaha oo casaada, hingo ama hiqlo, qufac, feera xanuun, naqaska oo ku xirma,
laqmada oo culeys ku yimaado
Habka isugudbinta
ebolavirus:
Waxaa la isugu gudbin
karaa in jirkaada ay soo gaaraan dareerayaasha ama dheecaannada ka imaanaya jirka
qofka qaba xanuunkan sida; dhiiggiisa iyo dareere kasta oo jirkiisa ka soo baxa,
ama wax ay gaareen dareerayaashaas sida irbadaha iwm.
Sidaa awgeed ebola
virus waxaa la isugu gubinkaraa: galmada, dhiddka, dhareerka, dheecaannada ama dareerayaashajirka
ka yimaada oo dhan, shaqaalaha caafimaadka waxa ay halis ugu jiraan cudurkan haddii
aaney qaadanin qalabka difaaca loogu talagalay (personal
protective equipment), si gaar ah kuwa ka shaqeynaya sheybaarrada ee
ku dhexjira dhiigagga, dheecaannada iyo haraaga jirka aadanaha ee ay
baaritaannada ku hayaan kana timid dadka qaba xanuunkan.
Ebola kuma gudbo
hawada (sida hargabka), biyaha iyo cunnada, sidoo kale qofka ma gudbinayo ilaa calaamadaha
cudurka lagu arko.
Habka loo
maareeyo dadka uu ku dhaco cudurkan:
Ilaa hadda ma
jirto dawo lagu daweeyo ebolavirus ama tallaal lagaga hortagi karo oo la
aqoonsanyahay, waxaase jira dawooyin cusub oo aan aadanaha lagu tijaabin islamarkaana
aan rukhsad ka helin ururka caafimaadka adduunka kuwaasoo iminka lagu tijaabinayo
dhowr qof oo cudurkan lagu arkay oo ay ka mid yihiin dhakhaatiir. Balse si loo
xakameeyo faafitaanka cudurkan waxa ugu muhiimsan waa in la karaantiilo qof kasta
oo laga helo calaamadaha cudurkan.
Maxaa looga baahanyahay
isbitaallada haddii ay arkaan qof ay ka shakiyaan?
Si loo
xakameeyo faafitaanka cudurkan dilaaga ah, shaqaalaha caafimaadka waxaa looga baahanyahay
inay muujiyaan feejignaan dheeri ah haddii ay arkaan qof lagaga shakisanyahay ebolavirus:
1.
Qof qaba qandho
heer kulkeedu ka sareeyo 38.6 degrees Celsius ama 101.5 degrees Fahrenheit, iyo
calaamadaha kale ee kor ku xusnaa. Iyo
2.
In qofkani la
kulmay halista cudurka wax dhalin kara 3 di usbuuc ee ugu dambeysay, sida:
a.
Inuu xiriir la
sameeyay dhiig ama dareere ka yimid jirka qof qabay cudurkan ama lagaga shakisnaa,
b.
Inuu deggenaa ama
u safray goob uu ka dillaacay cudurkan
c.
Inuu xanaanneeyo
fiidmeerta, daanyeerta iyo xayawaanno kale oo hooy u noqon kara jeermiska ebolavirus
oo laga keenay goobaha uu cudurkan ku faafayo.
Haddii shaqaalaha
caafimaadka arkaan bukaan qaba ama lagaga shakiyay ebolavirus waxaa looga baahanyahay
inay raacaan talooyinka soo socda:
1.
Bukaanka karaantiil:
bukaanka waxaa la gelinayaa qol keligiis ah oo leh suuli ugaara oo aney cidi la
isticmaaleyn, albaabkiisana wuu xirnaanayaa.
2.
Xirashada qalabka difaaca:
shaqaalaha caafimaadka ee bukaankaas siinaya adeegga caafimaad waa inuu xirtaa:
gloves, dharka qoyaanka iska celiya ama aanu ka gudbi Karin, muraayadaha indhaha
difaaca ama koofida wadata muraayadda wejiga daboosha, iyo mask. Qalab difaac oo
dheeri ah (gloves laba jibbaar ah,
kabaha oo lagu xirto dabool hal mar la isticmaalo iyo lugaha oo la qariyo) ayaa
loo baahan karaa duruufo gooniya, sida marka ay dhulka amadegaanka ka jiraan matag
badan, saxaro, dhiig badan iwm.
3.
Booqashada ka jooji:
bukaanka qolkiisa waxaa laga xayirayaa booqashada ama in loo galo, marka laga reebo
dadka uu aadka ugu baahanyahay, iyadoo la marinayo wixi taxaddar uu ubaahanyahay,
sidoo kale buug ayaa lagu qorayaa qof kasta oo galay qolka bukaanka, waxaana la
barayaa calaamadaha lagu arko, si mar walbo looga feejignaado inuu cudurka faafo.
4.
Ilaalinta nadaafadda:
xakameynta cudurkan waxaa qeyb weyn ka qaadan kara xoojinta ilaalinta nadaafadda
iyo taxaddarka qalabka iyo magaadda laga shakisanyahay inay gaareen wasakhda,
sida; dhiig, dhidid, matag, saxaro, kaadi, iyo dareere kasta oo bukaanka ka yimaada
ama lagaga shakin karo inuu gaaray iyadoo la raacayo xeerka nadaafadda isbitaallada.
Waxaa diyaariyay:
Dr. C/qaadir Insi, MD