Monday, 22 December 2014

Xanuunka Isbedelka

Qormadan gaaban waxaan ku soo qaadan doonnaa haddii Eebbe laga helo qiso aad u macaan oo ka hadleysa xanuunka ka dhalan kara markaad rabtid inaad sameysid isbedel khuseeya noloshaada.
Isbedelku waxa uu ka mid yahay furayaasha horumarka, waana waxa ugu daran ee ay ka baqaan dadka guul darreystay ama aanan fahamsaneyn nolosha xaqiiqadeeda dahsoon, waxa uuna wataa xanuun daran oo aanu u adkeysan karin qof kasta. Haddaba bal nala eeg qisadan macaan, dabadeedne si fiican ugu fiirso sida uu u xanuun badanyahay isbedelka.
Qisadan waxa ay ku saabsantahay shimbirka gorgorka la dhaho oo sameynaya isbedel si uu usii noolaado haddii kale maxaa dhacaya!
Gorgorku waxa uu ka mid yahay shimbiraha ugu cimriga dheer, waxa uu gaaraa ilaa 70 sano, balse si uu cimrigaas u gaaro waxa uu u baahanyahay inuu gaaro go’aan adag. Marka uu gaaro 40 sano, ciddiyihiisi aadka u dabacsanaa uguna carbisnaa qabashada ugaartiisa way caajisayaan, waxa ay noqonayaan kuwo qallafsan oo aan dhaqso soo laabmeen. Gafuurkiisii xoogga badnaana wuu soo laabmayaa, garbihiisuna waxa ay noqanayaan kuwo culus oo aad u dhaadheer, waxaana ku adkaanaya inuu duulo.
Duruuftan awgeed gorgorka waxaa horyaala laba arrimood inuu kala doorto:
Inuu is dhiibo oo uu sidaa ku dhinto ama inuu maro tijaabo isbedel oo xanuun badan oo soconeysa 150 maalmood.
Howlgalkan waxa ay u baahantahay in gorgorku uduulo buurta dusheeda halka uu kadeggenyahay, kaddibne waxa uu bilaabayaa inuu gafuurkiisa ku garaaco dhagax si xooggan ilaa ay jabto qeybta hore ee gafuurka ee soo laabneyd, dabadeedne wuxuu sugayaa ilaa ay ka soo dhalato mid cusub. Intaa kaddib wuxuu jebinayaa cidiyihiisa si lamid ah sidi uu ku sameeyay gafuurka, dabadeedne waxa uu sugayaa inta ay cidiyo cusubi usoo dhalanayaan. Marka ay usoo baxaan ciddiyo cusub waxa uu billaabayaa inuu tifo baalashiisa duqoobay. Muddo shanbilood ah kaddib gorgorku waxa uu billaabayaa duulimaadkiisi lagu yaqiinay isagoo wata dhiig da’yar oo aad mooddo dhalinyaro, waxa uuna sii noolaan karaa 30 sano oo kale.
Qisadan waxaan ka dhadhansaneynaa in markaad dooneysid isbedel lagaa rabo u adkeysiga xanuunka ka imaanaya isbedelka aad sameyneysid, waxaa laga yaabaa inaad isbedelkaas ku weysid wax aad heysatay sida:  shaqo, hanti, qurux, mansib, magac, iwm
                                                                                                            Dhammaad...
                                                                          Waxaa isu soo duway: Dr. C/qaadir Insi, MD


Sunday, 9 November 2014

Sirta Weydiimaha

Qeybta 2aad:
Habka weydiimaha:
1.      Rabitaankaada caddeey: marki aad rabtid inaad wax weydiisato qof ama koox dad ah waqti sii diyaarinta waxa aad dooneyso, xulo ereyo aad si fiican uga fakartay oo saameyn weyn sameynaya. Waa arrin muhiim ah, waayo hadalku waa hub, sidaa awgeed uxulo weydiintaada ereyo fiican, isla markaana si cad u qeexaya waxa aad rabtid.
Waxa aad weydiineyso haddaaney caddeyn, ereyada iyo weeraha aad adeegsaneysane isku duubneyn faa’iido kama heleysid weydiintaada. Haddii aad u baahato dad xeel dherayaal ah waad kala tashan kartaa sida ugu habboon ee ay weydiintaadu raad u reebi karto.
2.      Kalsooni wax ku weydii: inay kaa muuqato kalsooni markaad weydiin sameyneyso waxa ay aad kuugu soo dhaweyneysaa guusha. Muuji geesinimo, maadaama waxa aad rabtid ay kuu xaddidanyihiin. Tani micnaheedu ma ahan inaad degdegto ama ku kadsoonto rabitaankaada iyo aftahannimadaada ama ay isla weyniyu ku qaado,kalsoonidu waa wax laabta ka soo baxa, dadka kaa agdhawne ay arkayaan. Waxa ugu xun ee niyad jabka dhaliya waa in laguu diido waxa aad weydiisatay, balse kama dhigna in albaabadi kaasoo wada xirmeen, waddo kale raadi, ha niyad jabin, mar walbana isku day inaad xasuusnaato in aamusnaantu ka liidato in waxa aad weydiisatay laguu diido.
3.      Si joogto ah wax u weydii: dadka qaar marka ay diidmo la kulmaan hal mar gacmaha ayay ka taagaan iyagoo si dhakhsi ah isu dhiiba. Haddii aad rabto inaad soo saarto kheyraadka dahan ee nolosha waa inaad wax badan weydiisaa, waayo weydiimuhu waxa ay kuu furayaan albaabada keydka aad ka heleysid sirta nolosha.
4.      Si hal-abuurnimo leh wax uweydii: casrigan tartanku wuu badanyahay, waxaa laga yaabaa in codkaada laga sara maro ama uu ku dhex lumo buuqa yeeraya, dabadeedne lagu maqli waayo. Marka aad rabtid inaad weydiin sameysid, hadal qura ha sameyn, adeegso hal-abuurkaada, dooro sida ugu fiican ee aad sameyn karto, u xulo gogldhig gaaban oo saameyn weyn leh, kaddibne u dhaadhac gunta ujeeddadaada.
Culimada cilmu nafsiga waxa ay aaminsanyihiin in bani aadamka dhami leeyahay awoodda maskaxeed ee wax dhiraandhirisa, waxa lagu kala duwanyahayne ay tahay uun inaad is bartid sidaad ku soo saari laheyd awooddaas qarsan ee aadan ka war heyn. Ha niyad jabin haddii in badan laguugu dhaliilay inaadan laheyn karti wax curis, dhiraandhirin ama hoggaamin, balse isku day inaad baartid sida ugu fiican ee aad uga faa’iideysan kartid keydka weyn ee kuu qarsan. Habka aad u isticmaaleyso hal-abuurnimada weydiimahaadana waxa ay u baahantahay barasho, ku celcelin iyo u samrid.
5.      U weydii si daacadnimo leh: marka ay dhab kaa tahay weydiintu dadka way kuu jawaabayaan, daacadnimaduna waa inaad ka run sheegtid dalabkaada. Iska tuur been abuurka, turufatoornimada iyo wejiga khayaanada ka muuqato, islamarkaana aad diyaar u ahaato dhaliisha iyo hadallada aadan ku farxi doonin ee ka imaanaya weydiimahaada.
Waxa aad dooneyso si dhammeystiran u gudbiso, adigoo ka akhrinaya laabtaada, ha isku kallifin inaad iska dhigto wax aadan aheyn, caadi iska dhig, markaas ayay dadku kuu furayaan laabahooda.
Dadka raadinaya inay guusha ku gaaraan si fudud way yartahay inay guuleystaan, ee u adkeyso xanuunka isbedelku leeyahay, si aad u gaarto buurta dhakadeeda.
Haddaba si aan akhristayaasha ugu dhiirrigeliyo u adkeysiga xanuunka isbedelka waxaan qormada tan xigta idiin soo gudbin donaa sheeko arrintaa ku saabsan oo aad ka heli doonto inshaa allaah.
                                                                                                                        Dhammaad ...

                                                                           Waxaa diyaariyay: Dr. C/qaadir Insi, MD

Tuesday, 4 November 2014

Sirta weydiimaha

Qeybta 1aad:
Su'aal weydiintu waa soo jireen, waxa ayna soo socotay inta aadanuhu jiray. Waxaanse maanta rabaa inaad ila fahamtid akhristow sirta ku jirta habka wax weydiinta.
Bal ila eeg ereygan: ASK, micnihiisu waa wax weydiin, waxaan ka soo dhex saari karnaa micno aad uweyn, si fiican u dhadhami mugga uu xambaarsanyahay ereygan ka kooban seddexda xaraf.
Always: Marwalba
Seeking: Raadinaya (Doondoonaya)
Knowledge: Aqoon ama cilmi
Haddii aan soo qaadanno erey kasta xarafka ugu horreeya maxaa noo soo baxaya? bal mar kale ila eeg. Waxaa soo baxaya ereygan: ASK, sow ma ahan ereyga micnaha weyn sita oo ay ku qotonto dulucda qormadan?
ASK waa weedh af Ingiriisi ah, balse markaan dib ugu laabanno hadalka kore waxa ay ku fadhidaa micnahan: Mar walba raadi aqoonta, taasoo ka dhigan in wax weydiintu muhiim u tahay helitaanka aqoonta.
Inaad wax weydiisaa ceeb ma ahan, wax aad khasaareysane ma jiraan, waxaad la kulmeysaa jawaab laba mid noqon karta; in Haa lagu dhaho oo wixi aad rabtay kuu hergalaan ama in Maya lagu dhaho oo ah jawaabta ugu xun ee aad la kulmi kartid, waxa ayna ka fiicantahay inaad la aamusto rabitaankaada, dabadeedne aad marwalbo laabta ku canaanato "waxaas haddaad weydiin laheyd amaad saan si ka duwan sameyn laheyd".
Maxay dadka qaar uga baqaan weydiinta?
* Waxa ay qaar aaminsanyihiin inaaney habbooneyn wax weydiintu oo ay ceeb tahay
**Kalsooni la'aan iyo shakhsiyaddooda oo daciif ah
*** Baqdin ay ka qabaan in Maya loogu jawaabo ama diidmo la kulmaan
Haddii Maya laguugu jawaabo xaaladdaada sidey aheyd maka sii hoos maree? jawaabtu waa Maya.
La soco Qeybta 2aad
                                                                            Waxaa diyaariyay: Dr. C/qaadir Insi, MD

Sunday, 17 August 2014

Maxaad ka taqaanaa cudurka Ebola?

Ebola waxa uu ka mid yahay koox cudurro ah oo la isku yiraahdo viral hemorrhagic fevers, waa xanuunno aad u daran oo sida magacooda ka muuqato waa xanuun keena qandho iyo dhiigbax. Ebola waa dilaa ku dhaca aadanaha iyo noolayaasha kale sida daanyeerrada.
Ebola waxaa keena jeermiska feyruuska qolada Filoviridae la yiraahdo, waxa uuna kaga sii abtirsada nooca loo yaqaan Ebolavirus. Marka uu xanuunku dhaco waxa uu ku billowdaa calaamado kedis ku yimaada.
Marki ugu horreysay feyruuskan waxaa laga helay dalka manta loo yaqaan DRC (Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Kongo) 1976 meel ku dhow webiga Ebola. Wixi markaa ka dambeeyane dhowr jeer ayuu saf mar ahaan u dillaacay.
Jeermiska Ebolavirus waxaa ilaa haatan la yaqaanaa shan nooc oo afar ka mid ahi dhalin karto cudur aadanaha ku dhaca, waxa ayna kala yihiin: Ebola virus (Zaire ebolavirus); Sudan virus (Sudan ebolavirus); Taï Forest virus (Taï Forest ebolavirus, oo horay loogu yaqaanay Côte d’Ivoire ebolavirus); iyo Bundibugyo virus (Bundibugyo ebolavirus). Nooca shanaad oo aan aadanaha cudur ku keenin waxaa lagu magacaabaa Reston virus (Reston ebolavirus) waxa uuna ku dhacaa xayawaannada aan aadanaha aheyn.
Noolaha dugga u ah asal ahaan ebolavirus lama garanayo ilaa haatan. Balse caddeymo la hayo iyo dabeecadda feyruusyada la midka ah awgood ayaa cilmibaarayaashu waxa ay rumeysanyihiin in feyruuskani ka mid yahay kuwa loo yaqaan zoonotic (xayawaannada kayimmada), iyadoo fiidmeerta (kibilli) ay tahay halka ugu badan ee hoyga u ah feyruuska. Afar ka mid ah shanta nooc ee ebolavirus waxa ay ku dhacaan xayawaanno laga helo afrika.
Nooca kale Reston virus waxaa lagu arkay daanyeerro loo dhoofiyay mareykanka iyo taliyaaniga lagana keenay dalka filibiines. Shaqaale dhowr ah oo ka shaqeynayay goobaha lagu hayay daanyeerradaas ee filibiines iyo mareykanka ayaa jirkooda laga helay feyruuska balse ma aaney jirranin.
Safmarkan iminka dillaacay waxa uu saameyn weyn ku yeeshay seddex dal oo galbeedka afrika ku yaal oo kala ah: Leybeeriya, Geni iyo Siiraalyoon, iyadoo iminka uu ku faafayo dalal kale oo deris la ah sida Neyjeeriya
Calaamadaha ebolavirus:

1.      Qandho
2.      Madax xanuun
3.      Murqo iyo kalagoysyo xanuun
4.      Tabar darri
5.      Shuban
6.      Matag
7.      Calool xanuun
8.      Rabitaanka cuntada oo yaraata
9.      Dhiigbax aan caadi aheyn
Calaamadahan waxa ay soo bixi karaan xilli kasta laga billaabo maalinta 2aad ilaa maalinta 21aad marka qofka jirkiisa uu galo ebolavirus, waxayse ubadantahay maalinta 8aad ilaa 10aad.
Calaamado kale: dadka qaar waxaa laga yaabaa in lagu arko calaamado dheeri ah sida: ciir jirka ka soo baxo, indhaha oo casaada, hingo ama hiqlo, qufac, feera xanuun, naqaska oo ku xirma, laqmada oo culeys ku yimaado
Habka isugudbinta ebolavirus:
Waxaa la isugu gudbin karaa in jirkaada ay soo gaaraan dareerayaasha ama dheecaannada ka imaanaya jirka qofka qaba xanuunkan sida; dhiiggiisa iyo dareere kasta oo jirkiisa ka soo baxa, ama wax ay gaareen dareerayaashaas sida irbadaha iwm.
Sidaa awgeed ebola virus waxaa la isugu gubinkaraa: galmada, dhiddka, dhareerka, dheecaannada ama dareerayaashajirka ka yimaada oo dhan, shaqaalaha caafimaadka waxa ay halis ugu jiraan cudurkan haddii aaney qaadanin qalabka difaaca loogu talagalay (personal protective equipment), si gaar ah kuwa ka shaqeynaya sheybaarrada ee ku dhexjira dhiigagga, dheecaannada iyo haraaga jirka aadanaha ee ay baaritaannada ku hayaan kana timid dadka qaba xanuunkan.
Ebola kuma gudbo hawada (sida hargabka), biyaha iyo cunnada, sidoo kale qofka ma gudbinayo ilaa calaamadaha cudurka lagu arko.
Habka loo maareeyo dadka uu ku dhaco cudurkan:
Ilaa hadda ma jirto dawo lagu daweeyo ebolavirus ama tallaal lagaga hortagi karo oo la aqoonsanyahay, waxaase jira dawooyin cusub oo aan aadanaha lagu tijaabin islamarkaana aan rukhsad ka helin ururka caafimaadka adduunka kuwaasoo iminka lagu tijaabinayo dhowr qof oo cudurkan lagu arkay oo ay ka mid yihiin dhakhaatiir. Balse si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan waxa ugu muhiimsan waa in la karaantiilo qof kasta oo laga helo calaamadaha cudurkan.
Maxaa looga baahanyahay isbitaallada haddii ay arkaan qof ay ka shakiyaan?
Si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan dilaaga ah, shaqaalaha caafimaadka waxaa looga baahanyahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah haddii ay arkaan qof lagaga shakisanyahay ebolavirus:
1.      Qof qaba qandho heer kulkeedu ka sareeyo 38.6 degrees Celsius ama 101.5 degrees Fahrenheit, iyo calaamadaha kale ee kor ku xusnaa. Iyo
2.      In qofkani la kulmay halista cudurka wax dhalin kara 3 di usbuuc ee ugu dambeysay, sida:
a.       Inuu xiriir la sameeyay dhiig ama dareere ka yimid jirka qof qabay cudurkan ama lagaga shakisnaa,
b.      Inuu deggenaa ama u safray goob uu ka dillaacay cudurkan
c.       Inuu xanaanneeyo fiidmeerta, daanyeerta iyo xayawaanno kale oo hooy u noqon kara jeermiska ebolavirus oo laga keenay goobaha uu cudurkan ku faafayo.
Haddii shaqaalaha caafimaadka arkaan bukaan qaba ama lagaga shakiyay ebolavirus waxaa looga baahanyahay inay raacaan talooyinka soo socda:
1.      Bukaanka karaantiil: bukaanka waxaa la gelinayaa qol keligiis ah oo leh suuli ugaara oo aney cidi la isticmaaleyn, albaabkiisana wuu xirnaanayaa.
2.      Xirashada qalabka difaaca: shaqaalaha caafimaadka ee bukaankaas siinaya adeegga caafimaad waa inuu xirtaa: gloves, dharka qoyaanka iska celiya ama aanu ka gudbi Karin, muraayadaha indhaha difaaca ama koofida wadata muraayadda wejiga daboosha, iyo mask. Qalab difaac oo dheeri ah  (gloves laba jibbaar ah, kabaha oo lagu xirto dabool hal mar la isticmaalo iyo lugaha oo la qariyo) ayaa loo baahan karaa duruufo gooniya, sida marka ay dhulka amadegaanka ka jiraan matag badan, saxaro, dhiig badan iwm.
3.      Booqashada ka jooji: bukaanka qolkiisa waxaa laga xayirayaa booqashada ama in loo galo, marka laga reebo dadka uu aadka ugu baahanyahay, iyadoo la marinayo wixi taxaddar uu ubaahanyahay, sidoo kale buug ayaa lagu qorayaa qof kasta oo galay qolka bukaanka, waxaana la barayaa calaamadaha lagu arko, si mar walbo looga feejignaado inuu cudurka faafo.
4.      Ilaalinta nadaafadda: xakameynta cudurkan waxaa qeyb weyn ka qaadan kara xoojinta ilaalinta nadaafadda iyo taxaddarka qalabka iyo magaadda laga shakisanyahay inay gaareen wasakhda, sida; dhiig, dhidid, matag, saxaro, kaadi, iyo dareere kasta oo bukaanka ka yimaada ama lagaga shakin karo inuu gaaray iyadoo la raacayo xeerka nadaafadda isbitaallada.



Waxaa diyaariyay: Dr. C/qaadir Insi, MD


Thursday, 7 August 2014

U gaar ah ragga!


Astaamaha ugu muhiimsan ee aad ku garan kartid gabadha ku jecel
Qormadan oo uu qoray bogga arrimaha caafimaadka ka faallooda ee [Every Day Health Information] lagu magacaabo ayaa si hoose uga hadleysa astaamo raggu ku fahmi karaan gabdhaha ay lasheekeysanayaan inay jecelyihiin ama ay aad u daneynayaan iyo in kale.
Qormadan oo ku timid baaris ay sameeyeen khubaro cilmi nafsiga ku xeeldheer waxa ay cinwaan uga dhigeen: “haku kadsoomin gabadh aanan laheyn astaamahan’’waxayna ku billaabaneysaa sidan:
1.      Ballaadhashada barta madow ee isha: waa calaamadda ugu muhiimsan marka ay gabadha ku jecel ku eegeyso in barta madow ee isheeda ballaadhato iyadoon dareemin, waxaana taa u sababa murqo yaryar oo isha ku yaal isbedel ku imaanaya, dabadeedne barta madow ay ballaadhaneyso, waxayna dhalineysaa calaamaddan kuu muujineysa in gabadhani ay jeceshahay inanka ay la joogto, waana calaamad xooggan. Gabadha ku jecel waxaad kaloo ku arki kartaa iyadoo muddo ku eegeyso haddii aad soo eegto inay si degdeg ah isha kaaga wareejiso, taasoo aysan ku xirneyn rabitaankeeda balse uu sabab u yahay nooc ka mid ah dareenwadka oo loo yaqaan sympathetic nerves oo ay aragtida qofka ay jeceshahay saameyn ku yeesha, dabadeednedhaliya qulqulka hormuun la yiraahdo adrenaline kaasoo ah waxa keenaya isbedellada isha ku imaanaya. Dareenwadkan waxaa aad u kiciya isbedel kasta oo ku yimaada nafsadda qofka, sida; caadifadda, cabsida, carada iwm.
2.      Dhageyso codkeeda: codkeeda haddii uu inyar ka hooseeyo kii lagu yaqaanay waa calaamad kale
3.      Ka eeg dhoolacaddeys: markaad u sheekeyneyso waxa ay sameyneysaa dhoolacaddeys khafiif ah oo ay isku dayeyso inay qariso yaxyax awgii, xataa haddii aadan ka hadleyn wax qosol keeni kara.
4.      Dhaqdhaqaaqa jirkeeda: si aan ku talagal aheyn ayuu jirkeeda fasiraad uga bixinayaa dareenkeeda, tusaale ahaan; haddii ay hortaada soojoogsato iyadoojirkeeda isku duubneyn waxa ay muujineysaa kalsoonida, dhiirranaanta iyo hanka ay kuu qabto, balse haddii ay ku soo hor istaagto iyadoo gacmaheeda isku duubanyihiin waxa ay ku tuseysaa inay welwelsantahay ama ay ka xishooneyso in ay kula hadasho.
Eeg bushimaheeda haddii aad ka aragtid inuu ku jirojareys aad ufudud ogaw inay ku jeceshahay, haddiise aad ku aragtid iyadoo isku dayeysa inay gacanta ku taabato bushimaha ama qaniineyso gabadhaasi aad bay kuu xiiseyneysaa.
Ugu dambeyn xasuusnow calaamadahan ma qarin karto gabadha oo waa wax aan ku xirneyn xakameynteeda, sidaa awgeed si feejignaan leh ulasoco calaamadahan oo ha lumin fursad, waxa ayna qormadan ku soo gabagabeeyeen inuusan ninku ku kadsoomin gabadhi aanan laheyn astaamahan waayo kuma jecla.
Waa yaab!
Waxaa isusoo duway: Dr Abdulkadir Insi, MD