Qeybta 1aad....
Gabowgu waa marxalad
da’eed oo soo marta aadanaha markasta oo uu sii noolaado sanado fara badan,
waana mid lagama gudbaan ah. Balse qormadan ugama hadli doono sida aad
cimrigaada ku gaabin karto ama saacadda ku joojin karto, waxaanse si faah
faahsan uga hadli doonaa hababka ugu habboon ee muuqaalkaada uga yaraan karo
da’daada, ama aan si kale u dhahee muuqaal dhalinyaro uyeelan kartid adigoo
da’daada ka weyntahay dhalinyar.
Inta badan qormadan
waxaan ka soo xigtay xarumo kala duwan iyo bugaag ay qoreen khubaro dhanka
caafimaadka ku xeel dheer oo arrintan si fiican u lafa guray. Waxaana ku soo
koobayaa 15 sir oo kaa saacidaya muuqaal da’ya inaad yeelato adigoo cimrigaagu
weynyahay.
Waxa ayna ku
bilaabanayaan sida:-
Sirta 1aad: Guurso (sameey Galmo xalaal ah)
Dareenka nolosha
xaasnimo waxa uu xoojiyaa qiimaha nafsadeed iyo raaxada jirka, iyadoo cimriga
horay usocoshadiisa uu keenayo in maqaarka miineysto.
Galmo joogto ah oo
habeysan waxa ay jirka siineysaa shaqo buuxda iyadoo hubanti ka dhigeysa adkeynta
xiriir lamaane farxad leh.
Waxa ay yareysaa hurda
la’aanta, walwalka, madax iyo dhabar xanuunka iyadoo keenta sii deynta xanuun
baabi’iye dabiici ah oo uu jirku sameeyo (natural
opiates).
‘‘Haweenka galmada
xiiseeya waxa ay noolaadaan nolol dheer’’, sidaasi waxaa yiri Mehmet
Oz, MD , oo ah professor iyo ku xigeenka madaxa qeybta qaliinka ee New York
Presbyterian–Columbia University, ahna mid kamid ah labada nin ee qoray buugga YOU:
Being Beautiful, waxa uu intaa sii raaciyay: ‘‘laba jibbaaridda
galmada lagu qanco waxa ay noloshaada ku kordhin kartaa 3 sanadood. Galmadu
waxa ay ku siineysaa waqti ama ahamiyad gaar ah oo aadan ka heli karin maalinta
dhan’’.
Sirta 2aad: Debci wejigaada
Murqaha wejiga oo la
dabciyo waxa ay ku filanyihiin jilcinta xariiqimaha kadkaduudka iyo welwelka.
Fariiso ama u seexo qaab aad ku raaxeysaneysid kaddibna xir indhahaada.
Niyaddaada ka saar
fikirka welwel iyo buuq, kaddibna xoogga saar neefsashadaada ama tiri neef
qaadashadaada. Iska dhig sida qof aan wax murug ah heyn, wejigaadana ka saar
dareenka, si deggen uga neefso sanka 3 ilaa 5 daqiiiqo.
Dhoolacaddeey inta
badan waqtigaada. Sida uu sheegay qoraaga buugga: الإبتسامة
الساحرة Caadif
Abulciid, diraasad lagu sameeyay dalka masar ayaa lagu xaqiijiyay
in weji macbuusnimada ay saameyn xun ku reebto ama soo dedejiso soo bixidda
kadkaduudka ama miinta wejiga, gaar ahaan indhaha hareerahooda, diraasadda ayaa
lagu sheegay in dhoolacaddeyntu ay tahay hubka ugu weyn ee looga hortago weji kaduudka,
ama ugu yaraan dib udhigeysa soo bixiddooda.
Dhoolacaddeyntu waxa ay
dhaqaajisaa lix muruq oo wejiga ku yaal, balse weji macbuusnimadu waxa ay
dhaqaajisaa 72 muruq, taasoo si fudud u baabi’isa tamar fara badan, soona
dedejisa in murqahaas awooddooda yaraato.
Sirta
3aad: Ha cabbin
sigaar
Sigaar cabbiddu waxa ay keentaa cimri deg deg, iyadoo
muuqaalka da’daada ku kordhisa 12 ilaa 15 sano. Marka aan leenahay sigaar
cabbid waxaan ula jeednaa buurida ama tubaakada, sigaarka, shiishadda, iwm. Waa
habka labaad ee maqaarka u dedejiyo gabowga marka laga soo tago ilayska loo
yaqaan Ultra Violate.
Sirta
4aad: Qaado
hurdo fiican
Hurdadu
waxa ay lagama maarmaan u tahay dib u cusboonaashada iyo dib usoo laabashada
unugyada jirka. Inta aad ku jirtid saacadaha hurdada hormuunka korriinshaha (the
Growth Hormone) ee masuulka ka ah dib ucusbooneysiinta iyo dib usoo celinta
maqaarka, tinta iyo lafaha ayaa la soo daayaa.
Sirta 5aad: Daliig
cagahaada
Si aad u xaqiijiso hurdo macaan oo
raaxo leh taasoo ka soo muuqata wejigaada subaxa dambe, cagahaada ku daliig saliid
macsar diirran oo nadiif ah inta aadan seexan.
La soco qeybta 2aad iyo todobaadka dambe...